Arbaco, April 30, 2008(HOL): Mas’uul u hadlay Maxkamadaha Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan howlgallo ay kula dagaalamayaan Kooxaha Burcadda ah ee dhaca u geysta Dadka Safarka ah ee u kala goosha Muqdisho iyo Gobollada Dhexe.
Afhayeenka Howlgallada Ciidamada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay Kooxo burcad ah oo dadka dil iyo dhac u geysan jiray ay ka sifeeyeen inta u dhaxeysa Deegaannada Buur-weyn ilaa Garsaale oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, haatanna ay qorsheynayaan in ay howlgalladooda u weeciyaan dhinaca Wadada Xeebta marta ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dhexe.
C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay rag ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ay dhawaan sahan ku tageen degmooyin ay ka mid yihiin Aadan Yabaal, Ruun-Nirgood ilaa Ceel-Dheer, haatanna ay doonayaan in ay wadadaas ka sameeyaan howlgallo burcad sifeyn ah.
Wuxuu soo dhaweeyay Afhayeenka Howlgallada Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Ciidamo Madani ah oo ay Odayaasha iyo Waxgaradka ku dhaqan Degmada Jowhar ay u sameynayaan Degmadaas, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Ciidamadaas ka caawiyaan haddii looga baahdo dhinaca la-dagaalanka burcadda.
Dhanka kalena, C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu ka hadlay sicir bararka ka taagan magaalada Muqdisho iyo weliba diidmada lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga, wuxuuna ganacsatada ugu baaqay in ay u naxariistaan shacabka Soomaaliyeed.
“Ganacsatada waxaan leenahay Alle ka baqa oo u naxariista Shacabka Soomaaliyeed oo qaarkood ay guryahoodii ka barakaceen, isla markaana ay dhaxan iyo qorax ku heyso meelo bannaan ah oo ay naftooda ula carareen, waxaana leenahay ha ula mid noqonina kuwa madaafiicda ku garaacay ee barakiciyay”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia