Sabti, April 26, 2008(HOL): Hay’adda Caalamiga ah ee u dooda Xuquuqda Aadanaha Amnesty International ayaa ugu baaqday Dowladda Itoobiya in ay baaritaan ku sameyso eedeyn loo sii jeediyay Ciidamadeeda oo ah in ay dad gaaraya 21 ruux ay ku dileen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay Hay’adda sheegtay in ay 11 ka mid ah ahaayeen dad rayid ah oo aan hubeysneyn.
Dad kale oo 10 ruux gaaraya ayay Amnesty sheegtay in lagu dilay nawaaxiga Masjidka Al-Hidaaya ee Degmada Huriwaa, kuwaasi oo tirada dadka la dilay ka dhigaya 31 Ruux.
“Dadka oo si ula kac ah loo dilo waa Dembiyo Dagaal, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Itoobiya in ay baaritaan madax bannaan ku sameyso dadkii lagu dilay Masjidka Al-Hidaaya iyo weliba dad kale oo ay Ciidamadeeda xireen”ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay soo saartay Hay’adda Amnesty International.
“7 ka mid ah 21-ka Ruux ee lagu dilay Masjidka Al-Hidaaya Qoorta ayaa laga jaray, waxaana si sharci darro qoorta uga jaray Ciidamada Itoobiya”ayaa mar kale lagu yiri War-murtiyeedka ay soo saartay Hay’adda Amnesty International ee u Dooda Xuquuqda Aadanaha.
Amnesty International waxay codsatay in la sii daayo ama Maxkamad la hor-keeno Dad 18 ruux gaaraya oo weli ku jira gacanta Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Dad laga soo qabtay Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyntiina, inkastoo Dowladda Itoobiya baaqaas ay u dirtay Amnesty International hadana mas’uuliyiin u hadlay Dowladda Itooobiya ayaa waxay sheegeen in aysan waxba ka jirin eedeymaha loo soo jeediyo Ciidamadooda, iyadoo mas’uuliyiintaas ay ku eedeeyeen Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha in ay wararka ka qaataan Dad aan xog-ogaal ahayn oo qaarkood dalka dibaddiisa joogaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia