
Sabti, April 26, 2008(HOL): Maalintii shalay ahayd waxaa si rasmi ah uga bilowday Garoonka Kubadda Kolayga 1-da Luulyo (EX-Luujino) Horyaalka Kubadda Kolayga Jen. Daa’uud, kaasi oo uu sanad walba qabto Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga.
Furitaankii Horyaalkan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga, kuwaasi oo kala ah Guddoomiyaha Xiriirka Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) iyo Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka ee dhinaca Farsamada C/casiis Goodax Barre oo dalka Dibaddiisa ka yimid.
Kadib hadal kooban oo uu jeediyay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa uu ku sharfay in uu ku dhawaaqo in uu Horyaalka furmay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka ee dhinaca Farsamada C/Casiis Goodax Barre, isagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in uu Guddoomiye ku xigeenka goob-joog u ahaado furitaanka Horyaalka Kubadda Kolayga ee Jen. Daa’uud.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga- Aadan Xaaji Yabarow Wiish
C/casiis Goodax ayaa intii uusan ku dhawaaqin in uu furmay Horyaalka Kubadda Kolayga ee Jen. Daa’uud waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo qeybgalo furitaanka Horyaalka Kubadda Kolayga Jen. Daa’uud, isagoo labadii Koox ee tartanka horyaalka lagu furayayna kula darmaarmay in ay noqdaan kuwo isu diyaariya in ay ka qeybgalaan tartamo Caalami ah, iyagoo laga doonayo in ay difaacaan Calanka Soomaaliyeed.
“Dhaqdhaqaaqyada Isboorti ee ka socda Soomaaliya waxaan kala socon jiray Qalabka Warbaahinta, hayeeshee maanta farxad weyn ayay ii tahay in aan goob-joog u ahaado ka qeybgalka furitaanka Horyaalka Kubadda Kolayga ee Jen. Daa’uud”ayuu yiri C/Casiis Goodax Barre.

Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga-C/Casiis Goodax Barre
Intaas kadib waxaa furantay Ciyaartii ugu horeysay oo ka tirsan Horyaalka Kubadda Kolayga Jen. Daa’uud, taasi oo dhexmartay Kooxaha Heegan iyo Al-Shacab. Labada Kooxoodba waxay soo bandhigeen ciyaar ay farsamadeeda aad u heer sareysay oo ay jecleysteen dadkii daawanayay oo isugu jiray Khubarro Isboorti iyo Dadweyne ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ciyaartaas oo dhamaatay iyadoo Dadkii daawanayay ay u sii xiiso qabeen ayaa waxay ku soo geba-gebowday 57 dhibcood oo ay la timid Kooxda Heegan, halka Kooxda Al-Shacab-na ay keensatay 31 dhibcood, waxaana sidaas ciyaartii ugu horeysay ee Horyaalka ugu guuleysatay Kooxda Heegan.
Ugu dambeyntiina, Horyaalka Kubadda Kolayga Jen. Daa’uud ayaa waxaa ka qeybqaadanaya Kooxo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, waxaana sanad kasta lagu maamuusaa Jen. Daa’uud Cabdulle Xirsi oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamada Soomaaliyeed.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Horyaalka Kubadda Kolayga Jen. Daa’uud oo si rasmi ah uga bilowday Magaalada Muqdisho
Cabirka Farta
More News
- Ciidamo Madani ah oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe
- Tacshiirad ay fureen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo sababtay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dad Rayid ah
- Afhayeenka Ciidanka Booliska oo sheegay in Xoogag ka amar qaata Al-Shabaab ay gubeen Guriga Taliye ku xigeenka Saldhigga Booliska Dharkeenley
- Amnesty International oo ugu baaqday Dowladda Itoobiya in ay baaritaan ku sameyso Dad ay Ciidamadeeda ku dileen Magaalada Muqdisho
- Kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday Guriga Taliye ku xigeenka Booliska Degmada Dharkeenley
- Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo saaka howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Dayniile iyo Yaaqshiid
- Shir lagaga hadlayo Sicir-bararka Maciishadda iyo Shidaalka oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland