Sabti, April 26, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen Guriga Taliye ku xigeenka Booliska Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, iyadoo weerarkaasina uu ahaa mid xooggan, sida ay ku warameen dadka ku dhaqan degmadaas.
Kooxaha weerarka ku qaaday guriga Taliye ku xigeenka ayaa waxay iska caabin kala kulmeen ilaalada Taliye ku xigeenka, kuwaasi oo ugu jawaabay rasaas xooggan oo isugu jirtay mid yar yar iyo mid waa weyn.
Weerarka lagu qaaday guriga Taliye ku xigeenka oo lagu magacaabo Cali-yare ayaa wuxuu dhacay xalay 12-kii habeennimo iyadoo uu socday muddo saacad ah oo ay kooxihii weerarka soo qaaday iyo ilaaladii Taliye ku xigeenka ay is-weydaarsanayeen rasaas xooggan oo hurdada ka toosisay Dadka degan nawaaxiga guriga weerarka lagu qaaday.
Dhanka kalena, Kooxo Bambo gacmeedyo iyo Bastoolado ku hubeysan ayaa xalay fiidkii waxay weerar ku qaadeen Ciidamo Boolis ah oo howlgallo ka sameynayay Deegaanka Mac-macaanka ee Degmada Dharkeenley, iyadoo weerarkaasina uu sababay dhaawac soo gaaray afar ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Ciidamadii howlgalka sameynayay, halka labada kalena ay rayid ahaayeen.
Ugu dambeyntiina, Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkan waxaa ku soo badanayay weerarro lagu qaado Saldhigga Ciidamada Degmadaas iyo weliba Ciidamada howlgallada ka sameeya gudaha Degmada, waxayna taasi wel wel ku abuurtay Dadka ku dhaqan Degmada Dharkeenley oo isugu jira kuwo horay u deganaa iyo kuwo dhawaan qax ku tegay kadib markii uu xumaaday ammaanka xaafadahooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia