Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo albaabada u laabay Idaacadda Codka Nabadda ee Muqdisho

Cabirka Farta

Khamiis, April 17, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay albaabada u laabeen Idaacadda Codka Nabadda oo ka mid ah Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Sidoo kalena, Ciidamadu waxay Idaacadda ka kaxeysteen Shan Ruux oo ka tirsanaa Shaqaalaha Idaacadda, kuwaasi oo uu ka mid ahaa Tifaftiraha Idaacadda Shaafici Muxyaddiin Islow, waxaana shaqaalahaas dhamaantood lagu xiray Xarunta Dembi-baarista CID-da ee ku taala nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Degmada Hodan.

Agaasimaha Idaacadda Codka Nabadda Maxamed Cali Cirroole oo xiriir la sameeyay Saraakiisha xiratay Shaqaalaha Idaacadda ayaa wuxuu sheegay in ay saraakiishaas ku wargeliyeen in Idaacadda iyo Shaqaalahaba loo heysto war xalay Idaacadda si qalad ah uga baxay oo ku saabsanaa Dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarrama oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

“Markii ay intaas ii sheegeen waxaan ku iri haddii uu jiro qaladka aad naga tabaneysaan waxaan diyaar u nahay in warkii dib loo dhegeysto, isla markaana xaqiiqda hoos loogu dhaadhaco, hayeeshee waxaa loo baahnaa in intii aan Idaacadda iyo Shaqaalaheeda la xirin laga wada hadlo waxyaabaha aad ka cabaneysaan”ayuu yiri Agaasimaha Idaacadda Codka Nabadda Maxamed Cali Cirroole oo sheegay in Tifaftiraha Idaacadda iyo Shaqaalaha la xiray ay caawa ku hoyanayaan Xarunta CID-da.

Si kastaba arrintu ha ahaataee,ma ahan Idaacaddii ugu horeysay iyo Shaqaalaheeda oo ay xirtaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna Ciidamada  horay u xireen Idaacado dhowr ah oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Horn Afrik, Shabeelle, Somaliweyn,  Simba, Banaadir iyo IQK, iyadoo sababta loo xirayna ay saraakiisha Ciidamada xiray ku sheegeen in ay ka shaqeynayeen faafinta warar aan jirin iyo kuwo iska hor-keenaya Dowladda iyo Shacabka. 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia