Khamiis, April 17, 2008(HOL): Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameerika oo uu la socday Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Iidow Beyle ayaa waxay shalay ka qeybqaateen soo dejinta Meydadka seddex Macallin oo u kala dhashay Dalalka Kenya iyo Britain, kuwaasi oo shalay laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha Wilson ee Magaalada Nairobi kadib markii laga dhoofiyay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Safiirka iyo Wasiirka ayaa waxay u tacsiyeeyeen qoysaskii ay marxuumiintaas ka geeriyoodeen, iyagoo u sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ay si weyn uga xun yihiin dilkii loo geystay macalimiintaas oo arday Soomaaliyeed wax barayay.
Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameerika oo u waramayay HOL ayaa sheegay in uu ka qeybgeli doono aaska labada marxuum ee Kenya u dhashay, halka uu sheegay in uu sidoo kale ka qeybqaadan doono sidii dalka Britain loogu duulin lahaa Meydka gabar iyaduna ka mid ahayd macalimiintii la dilay oo meydkeeda Nairobi la geeyay.
Shalay ayay ahayd markii qoraal laga soo saaray Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya lagu sheegay in ay Dowladda Federaalka cambaareyneyso kooxihii ka dambeeyay dilka macalimiintaas, kuwaasi oo ay Dowladda ku tilmaantay kuwo diidan inay dadka Soomaaliyeed helaan waxbarasho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii xili habeen ah magaalada Beledweyne lagu dilay Seddex Macallin oo Ajaanib ahaa oo wax ka dhigi jiray Dugsi Luuqadda Ingiriiska lagu barto iyo weliba Maamulihii Dugsigaas Prof. Daa’uud Xasan Cali oo qudhiisa heystay dhalashada dalka Britain, waxaana dilka macallimiintaas ka xumaaday Dad badan oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwii ay Macallimiintaas wax u dhigi jireen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia