Khamiis, April 17, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay agagaarka Warshadda Coca Cola ee ku taala Wadada Warshadaha ayaa maanta waxaa weerar ku qaaday Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Weerarkan lagu qaaday Ciidamada Itoobiyaanka oo muddo 30 daqiiqo ah socday ayaa waxaa waxyeello ka soo gaartay Booyad Biyo loogu waday Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Warshaddii Baastada ee Magaalada Muqdisho.
Lama oga khasaare kale oo Ciidamada Itoobiyaanka ka soo gaaray weerarkaas sabab la xiriirta iyadoo goobta uu weerarka ka dhacay ay tahay mid cidlo ah oo dadkii deganaa ay horay uga barakaceen kadib markii ay xaafadahooda noqdeen aag dagaal.
Dhanka kalena, labo ruux oo saarnaa gaariga Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan ayaa ku dhaawacantay Qarax Miinada Dhulka lagu aaso loo adeegsaday oo ka dhacay agagaarka Shineemo Afrika ee Degmada Xamarweyne.
Gaariga ayaa marka qaraxa lala beegsanayay waxaa saarnaa kaliya darawalka iyo qaar ka mid ah Ilaalada Wasiirka, iyadoo Wasiirkana uusan xiligaas la socon gaariga. Darwalka Wasiirka ayaa sheegay in xiliga uu qaraxa haleelayay ay ku sii jeedeen meel ay doonayeen in ay soo dayactirtaan mid ka mid ah Lugaha gaariga.
Markii uu qaraxaas dhacay kadib waxaa goobta gaaray oo isku gadaamay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo dadkii ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay rasaas ku kala eryay.
Ugu dambeyntiina, waxaa maanta degan goobihii ay xalay fiidkii dagaallada ka dhaceen ee Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho, waxaana si caadi ah u socda dhaqdhaqaaqa Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga, inkastoo Ciidamo badan lagu arkayo goobihii uu iska hor-imaadka ka dhacay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia