Khamiis, April 10, 2008(HOL): Warar aynu ka helnay Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed cafis u fidiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow oo in muddo ah xabsi ku jiray.

Bidix: Avv. Maxamed Nuur Sheegow iyo Dr. Yuusuf Cali Haaruun/Photo By: Maxamed Allman
Warkan ku saabsan cafiska uu Madaxweynaha u fidiyay Garsoorayaasha ka tirsan Maxkamadda sare ee Dalka oo laga helay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo in muddo ah ku howlanaa sidii loo sii deyn lahaa Guddoomiyaha Maxkamadaha Sare iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow ayaa wuxuu intaas ku darayaa in inkastoo uu madaxweynaha cafiyay hadana la dul-dhigay shuruud ah in aysan wax xil ah qaban karin.
Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avv. Maxamed Nuur Sheegow oo hadda ku xiran Xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo ayaa mudadii 8-da Bilood ahayd ee ay xirnaayeen waxaa labo jeer la hor geeyay Maxkamadda Gobolka Bay iyo Tan Racfaanka, inkastoo Garyaqaanada u doodaya labadan eedeysane iyo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ay isku khilaafeen qaabka dacwadda loo qaadayo.
Intii uu xirnaa Dr. Yuusuf Cali Haaruun ayaa qoraal uu soo saaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa lagu sheegay in xilkii Guddoomiyenimada Maxkamadda sare laga qaaday, iyadoo wixii xiligaas ka horeeyay uu xilka Guddoomiyenimada hayay isagoo maxbuus ah.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dr. Yuusuf Cali Haaruun ayaa lagu soo eedeeyay in uu lunsaday lacag mushaarooyin ah oo ay lahaayeen Shaqaalaha Garsoorka, sidoo kalena uu ku howlanaa tallaabooyin ka dhan ah Midnimada Soomaaliya, waa sida lagu caddeeyay qoraal ay soo gudbisay Xeer Ilaalinta Qaranka oo Guddoomiyaha soo xirtay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia