Khamiis, April 10, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta wuxuu cambaareeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmahan dul-deganaa Dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho ee deegaanka ka sameystay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa lagu sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo degay deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Lafoole ay doonayaan in ay mar kale sii barakiciyaan dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho.
Cumar Ibraahim Cabdi oo ka tirsan Waaxda Warfaafinta Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo saxaafadda u aqriyay warsaxaafadeedka ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo dul-degay dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho ay beryahan cabsi gelinayeen dadkaas, isla markaana ay u diideen in ay si xor ah u dhaqdhaqaaqaan.
“Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye wuxuu caddeynayaa in Ciidamada Itoobiya ay horay uga barakiciyeen shacabkii deganaa magaalada Muqdisho ay hadana doonayaan in ay sii barakiciyaan shacabkii ku dhibaateysnaa daafaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyagoo dhufeysyo ka samaystay goobihii ay dadka u barakaceen, isla markaana ay doonayaan inay ka sii barakiciyaan goobihii ay maciinsadeen in ay ku badbaadaan.
Hadaba Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee uu Hoggaamiyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ee horey ugu dhawaaqday dib u heshiisiin waxaan ugu baaqeynaa in aan lacarqaladeyn arrimaha dib u heshiisiinta lagana ilaaliyo wax alla wixii carqalad ku keeni karo sida shacabka oo la barakiciyo, annagoo ogsoon in Itoobiya iyo Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka aysan raali ka ahayn dib u heshiisiin ka dhalata geyiga Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golahaas Maxamed Xasan Xaad.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia