Khamiis, April 10, 2008(HOL): Waxaa xalay maamul la’aan ahaa Magaalooyinka Jowhar, Mahadaay iyo Balcad oo ka wada tirsaan Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii maamulladii ka jiray Degmooyinkaas ay isaga baxeen, iyadoo kadibna Ciidamadii Maxkamadaha ee gacan ku heyntooda la wareegay ay iyana isaga baxeen.
Degmooyinkaas ayaa haatan xaaladdooda waxay tahay mid degan oo aaney wax dhibaato ah ka jirin, waxaana deganaantaas ku suurtagashay kadib markii ay Odayaal iyo Waxgarad is-xilqaamay ay dadka u sheegeen in ay deganaan muujiyaan, isla markaana ay ka feejignaadaan in ay sameeyaan wax nabadgelyo darro abuuri kara.
Dadka ku dhaqan Degmooyinkaas ayaa haatan waxay dhowrayaan waxa xigi doona iyo cidda ay mar kale marti u noqon doonaan haddii ay ahaan lahaayeen Ciidamada Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo dhowr isaga dambeeyay gacan ku heynta degmooyinkaas.
Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa dhawaanahan waxay la wareegeen gacan ku heynta degmooyin dhowr oo ka tirsan Gobollada Dalka Soomaaliya, iyagoo halkaasina ka ceyrsanayay maamullada ka taliya, waxaana Degmooyinka ay qabsadeen oo ay hadana dib uga baxeen ka mid ah Diinsoor, Buur-hakaba oo Gobolka Bay ah, Xudur oo Bakool ah, Beledweyne, Buulo-Barde, Jalalaqsi oo Hiiraan ah, Mahadaay, Jowhar iyo Balcad oo Gobolka Shabeelaha Dhexe ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia