Shirkii Asmara ee Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliy oo Furmay

Khamiis, September 06, 2007(HOL): Shirkii ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, iyadoo ay shirkaas ka qeybgelayaan ergooyin tiradoodu gaareyso 400 oo ergay.

 

Dadka ka qeybgelaya Shirkan ayaa waxay ka kala socdaan Maxkamadihii Islaamka, Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah, Xubno metelaya Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo Qurbo-jooga Soomaaliyeed, iyadoo Ajendayaasha looga hadlayana ay ka mid yihiin sidii loo xoreyn lahaa Dalka Soomaaliya.

 

Dhinacyada Shirkan ka qeybgelaya oo aan aqoonsaneyn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in shirka Asmara uu ka duwan yahay shirarkii hore, isla markaana uu shirkan yahay mid aan lagu imaanin Qabiil iyo Afar Beelood iyo Bar (4.5).

 

Furitaankii shirkan waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, wuxuuna sheegay Sheekhu in Soomaaliya ay gumeysi ku jirto, waxyaabaha shirka looga hadlayana ay ka mid yihiin sidii gumeysigaas looga xoreyn lahaa dadka Soomaaliyeed.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in Itoobiya ay ku duushay dalka Soomaaliya, isal markaana ay qixisay dad gaaraya Hal Milyan Ruux, isla markaana ay haatan hortaagan tahay in la caawiyo dad tiradooda gaareyso 400.000 oo Ruux, kuwaasi oo xaalad nolol xumo ah ay ku heyso Deegaanada u dhaxeeya Muqdisho Afgooye.

 

Guddoomiyaha Guddigii Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu intaas ku daray in aysan Soomaaliya joogin dad argagixiso ah sida marar badan lagu celceliyo, wuxuuna caddeeyay in haddii ay joogaan Dad Argagixiso ah mar hore la arki lahaa Saxaafaddana loo soo bandhigi lahaa.

 

Sidoo kale waxaa furitaankii Shirka ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sharifi Xasan Shiikh Aadan oo isagu hoggaamiya Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya, wuxuuna Shariif Xasan Shiikh Aadan sheegay in  waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga hadlayo ay yihiin sidii loo xoreyn lahaa dalka Soomaaliya oo la qabsaday.

 

Shariif Xasan Shiikh Aadan wuxuu sheegay in Shiweynaha ay u taalo waxa lagu dhisayo Shirkan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ergooyinka ka qeybgelaya Shirweynahan ay yihiin kuwo isugu yimid in ay dalkooda xoreeyaan, “Dadka isugu yimid Qabiil kuma imaanin, Xil laguma soo raadsan, waxa kaliya ee ay isugu yimaadeena waa sidii looga tashan lahaa in Dalka la Xoreeyo”ayuu yiri Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan mar wax laga weydiiyay in ay la hadlayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib marka ay Shirkooda wax ku dhisaan ayaa wuxuu yiri “Annaga horta Dowlad Dalka ka jirta oo maanta aan aqoonsannahay ma jirto, sababtoo ah Dowladda Dalkii bey Gumeysi gelisay, Sharaftii iyo Qarannimadii iyo Dalkii bey dhiibtay, Dadkii bey leysay, Laakin sidaasoo ay tahay wixii dalka xal loogu helayo oo wada hadal ah in la galo annaga horay uma diidin, hadana ma diideyno, wuxuuse wada hadalkaas imaan karaa marka ay Ciidamada dalka ku soo duulay ay ka baxaan”.

 

Ugu dambeyntiina, Shirka maanta ka furmay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa wax yar ka hor soo gebageboobay, waxayna ergooyinka kala aadeen Salaaddii Duhur iyo Qado, walow shirka la isugu soo laabanayo Galabta Saacaddu marka ay tahay 5ta galabnimo.

 Halkan ka dhegeyso Ujeedada
 Shirkan loo qabtay -BBC

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia