Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Yemen u amba baxay xili laga sugayay Magaalada Baydhabo

Khamiis, September 06, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo maalintii shalay ahayd booqasho ku tegay Dalka Yemen ayaa waxaa uu kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Yemen.

 

Maxamed Dheere oo ay wafdigiisa ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Maamulkiisa iyo weliba Safiirka Dowladda Yemen u qaabilsan Dalka Soomaaliya Axmed Xamiid Cumar ayaa wuxuu kulan kula qaatay Magaalada Cadan ee dalka Yemen Dhiggiisa dalkaas Al-Sayid Axmed Maxamed Al-Kaxlaani, kaasi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan Xiriirka labada dal iyo sidii ay Dowladda Yemen uga qeybqaadan lahayd Xasilinta  iyo Dib u dhiska Soomaaliya.

 

Socdaalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la sheegay  in uu la xiriiro martiqaad rasmi ah oo uga yimid dowladda Yeman, waxaana la filayaa inta uu Guddoomiyaha joogo Dalka Yemen in uu kulamo la qaato Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Yemen, gaar ahaana madaxda Magaalooyinka Cadan iyo Sanca, Dowladda Hoose iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Yemen, kuwaasi oo uu uga warbixin doono howlaha muhiimka ah ee uu maamulka gobolka Banaadir ka qabtay Caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Maxamed Dheere ayaa intii uu kulankaas socday waxaa uu sheegay in Maamulkiisa uu wax badan qabtay intii uu jiray, isla markaana uu haatan dadaal xooggan ugu jiro sidii loo adkeyn lahaa Ammaanka Gobolka Banaadir.

 

Socdaalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku tegay Dalka Yemen ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo laga sugayay Magaalada Baydhabo, gaar ahaana Xarunta Baarlamaanka, si ay Mudanayaasha Baarlamaanka su’aalo uga weydiiyaan waxyaabihii uu qabtay maamulkiisa tan iyo markii la magacaabay.

 

Waa socdaalkii labaad oo uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Dalka Dibaddiisa Safar ugu amba baxo tan iyo markii loo magacaabay xilka uu hayo, wuxuuna dhawaan booqasho ku soo kala bixiyay dalal dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Itoobiya iyo Turkiga.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia