Shirkii Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya oo maanta ka furmaya Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea

Khamiis, September 06, 2007(HOL): Waxaa maanta ka furmaya magaalada Asmara ee Dalka Eritrea shir ay isugu imaanayaan ku dhawaad 300 oo Ergay, kuwaasi oo ka kala socda Maxkamadihii Islaamka, Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah, Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo Aqoonyahanno ka yimid dalka Dibaddiisa.

 

Guddiga maamulaya shirkan wuxuu uu sheegay in loo soo qaabeeyay qaab ka duwan qaabkii loo qaban jiray Shirarkii Soomaalida, kaasi oo Dadka ka qeybgelaya lagu soo xuli jiray nidaamka 4.5, iyadoo la caddeeyay in ay shirkan ka qeybgeleyso cid kasta oo Soomaali ah.

 

Shirkan oo maalmo kooban ka socon doona magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa waxaa ka qeybgelaya Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno Dalka Dibaddiisa ka yimid, kuwaasi oo qaarkood xilal muhiim ah ka soo qabtay Dowladdii Mileteriga ahayd ee 21-ka sano ka talineysay Soomaaliya.

 

Dowladda Eritrea ee shirkan martifgelineysa ayaa waxay si weyn ula dhacsan tahay in Dalkeeda lagu qabto Shir Xal loogu raadinayo Mushkiladda Soomaaliya, waxaana taas u daliil ah iyadoo Taleefashinka Dalkaas uu sii deynayo Heeso Wadani-Soomaali ah iyo wareysiyo laga qaaday xubnaha ka qeybgelaya Shirka Asmara.

 

Shirka ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay qabashadiisa ku soo beegmeysaa iyadoo 30-kii Bishii hore Muqdisho lagu soo gebagebeeyay shir socday muddo 45 cisho ah, kaasi oo ay ka qeybgaleen ergooyin gaarayay 200 oo ergay, kuwaasi oo ka kala socday Beelaha Soomaaliyeed.

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, waxaa weli sii socda oo aan soo af-jarmin shirarka la sheego in xalka loogu raadinayo Soomaaliya, waxayna taasi marag muujin u tahay in aaney Soomaalida isku dan ka ahayn in xal la gaaro, isla markaana maaro loo helo mushkillada 17 sano jirsatay ee ka taagan Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia