advertisements

Ha Hilmaamin Afka Hooyo

Maqaalkaan waxaan ku eegaynaa dib dhaca ku yimid afkeena hooyo, tan iyo intii ay bur burtay dawladii somaliya sandii 1991, lakiin waxaan jeclaan laha inta aaan ugalin dib dhaca faka hooyo ku yimid  bal in an tilman ka bixiyo afka somaligu waa af noocee ah?
 
Luqada somaligu waxay kamid tahay luqadaha bariga  cushitic ama waxa loo yaqaan EAST CUCHITIC waxay kamid tahay ama qaybka tahay luqadaha looyaqaan AFRO ASITIC LANGUAGES, ama luqadah africa iyo asia, bah ahaan luqadda somlaigu waa CUCHTIC,  gaar ahaan cushticga bari EAST CUCHITIC , waxay xiriir dhaw laleedahay luqadaha CANFARTA iyo OROMADA.
 
Somaliga waxaa ku hadla dad gaaraya ilaa 20 malyuun ooquf, oo ku nool somaliya iyo jabuuti itoobiya iyo kenya.

Saas darteed luqada Somaligu waxay kamid tahay luqadaha muhimkaa ee qaarrada africa, iyo geeska africa  waxayna kamid tahay 5 luqadood oo africa oogu muhimsan, kuwaas oo si dhab ah loogu diraaseeyo jamicadah caalamka, kuwaas ooay kamid yihiim, amharic, hause, sawahili. zolo,somali,  intaas ayan ku dhaafaya qeexidda luqada somaliga,  si ay u ogaadan daka somaliyeed in luqada somaligu tahay luqad muhim ah, iyo meesha ay ka soo jeedo iyo cidda ay wax la wadaagto, marka xigtana waxaan guda gali doonaa  sidii loo qoray somaliga, iyo markii laqoray, iyo sidiiay ku faaftay, taas oo aan uarkayo in ay muhim tahay in tilmaan laga bixiyo, si loo ogaado wixii lag soo maray  oodhib ahaa iyo  oogu danbayntii  sidii ay ku noqotay luqad muhim ah.

sanadii 1972  bishii october 21 waxaa dhcay is badal muhim ah ,oomudu dheer la sugayay,  waxaa la soo bandhigay qoraalkii oogu horeeyay ee luqada somlaiga, ayada oodawladii kacaanku ay go;an ku gaartay in laqoro luqadda somaaliga waliban lagu qoro latin markaas waxaa soo baxay, qoraalkii  ugu horeeyay  eeku soo baxa latin,ama waxa loo yaqaan afka qalaad THE LATIN SCRIPT,  markaas waxii ka danbeeyay waxaa bilaabatay in luqadda somaligu ay noqotay luqada wadanka,  waxayna dadka somaaliyeed dareemeen dadnimo iyo sharaf iyo jiritaankooda dadnimo,waayo markas kahor dadka somaliyeed waxay ku xiraayeen dad shisheeye, dhaqankooda iyo luqadahooda, taasi waxay ahayd goaankii uugu saxsanaa ay ay gaarto dawlad somaliyeed inta ay taariikhdu xusayso,luqadda somaligu waxay noqotay luqada rasmigaa ee dawlada iyo dadka waxaana loo isticmaalay waxbarashda, iyo war baahinta, iyo xaafiisyada dawlada somaliya oodhan,  ilama ay ka burbutay dawladii somaliy.

burburkii qaranka somaliyeed kadib, waxaa dibdhac ku yimid afkii hooyo, horta waxaa meesha kabaxay dawladii iyo hay;adihii ka wakiil aka ahaa wax barashada, iyo kuwii ka msuul ka ahaa dhaqanka,  dalkiina waxuu u qaybsamay maamulo aan awood lahyn iyo fawdo, markaas ayaa waxaa samaysmay wax barasho aan ujeedo lahayn oo dad shi sheeye wato, kuwaas oo badalay wax barashadii qaranka, qolo walbana waxy isticmaashaa luqado kale sida  english ama carabi,afkii hooyana waxuu noqday mid la hilmaamay, oo meesha ka baxay, dadkaasna waxay isu arkan in ay barteen afaf muhim ah, oo ay kaga maarmi karaan afkooda,  kuwa hormuud ka ah nidaamkkasna waxay u sheegan in af somaligu yahay af dib dhaca, lakin waxay hilmaa meen in aanay jirin luqad dibdhaca ee uu jiro quf dib dhaca,sidaas ayay ku socotaa caruurtii soamliyeed,  ee iskuulka tagtay walaw caruurta soomaaliyeed badan koodo aany iskuul helin, hadan intii yarayd baa saas noqotay, nasiib daro, maamulada kajira dalka somaliya mafilayo in ay awoodi karaan in ay maalgaliyaan wax barasho qaran oo somlaia ka dhaxaysa, waayo maba haystaan figrad siyaadeed oo waax tarle, taas oomeesha ka saaraysa in ay dad shi sheeye ka faaiidaystaan caruurta somaliyeed, ooay baraan dhaqan kooda iyo luqadadahooda, intaas waa gudaha wadanka somaliya, laakiin aan eegno dibada wadan ka soomlaiya caruurta joogta qurbaha  badan koodu ma yaqaanaan afkooda hooyo,waayo mahelaan wixii u sah li laha in ay bartaan sida iskuuladii  bulshadii, war bahintii, waalidiinta dhalay caruurta badankoodu maahan dad wax bartay, oo ka fakara aayaha caruurtooda.
hadaba somaliyeey madiidi karaa hadii dalkii saas noqday dibadna daa in afkii hooyo dibdhac muuqda ku yimid,adaba afkii hooyo waxuu u baahan yahay in loo gurmadu oo meesha laga qaado waana , waajib somali oodhan saaran, waxaaa nagu dhacay dhibkii oogu xumaa intii somali jirtay waa dawlad la;aan laakiin yaanay noo raacin  af la;aan inkastoo aanay luqadi hor mar samayn karin dawlad la ;aan iyo siyaasad la;aan hadana waa maah mahdii somaliyeed ee ahayd cayro caymo madiido.
qalinkii waafi
Mohamed abdi ibrahim