4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2018
Saraakiil ka tirsan hay’adda Nabad-sugida oo shaqadii laga joojiyay

 

Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – War Qoraal ah oo ka soo baxay agaasimaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa hay’adda.

Saraakiishan shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa kala ah Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed oo ah Taliye xigeenka koowaad ee NISA iyo Cabdulqaadir Maxamed Nur Jaamac oo ah taliye ku xigeenka Labaad.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta shaqo joojintan keentay, hasse ahaatee ilo ku dhaw dhaw xafiiska saraakiisha shaqada laga joojiyay ayaa warbaahinta u sheegay in Qoraalkaasi uu ka soo baxay taliska sare hay’adda Sirdoonka Qaranka.

Arrintan ayaa imaneysa xili maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ay ka jirtay amaan darro baahsan, sida Qaraxyo, weerarro toos ah iyo waliba dilal siyaabo kala duwan u dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]