4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2018
Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Brussels

 

Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shirka Somali Partnership Forum looga hadlayo xaalada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay la socdaan wafdi isugu jira Wasiirro iyo madaxda dowlad gobolleedyada ayaa ku sugan madasha shirka oo sidoo kale ay ka qeyb ka noqonayaa dowladdaha daneeya Soomaaliya iyo Ururro caalami ah.

Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shirkan lagu eego doono hormarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada Siyaasada  Amniga iyo Dhaqaallaha intaba.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedin doona shirka ayaa lagu wadaa in uu u faah faahiyo wafuuda shirka wax-yaabihii u suurtagalay dowladda uu madaxweynaha ka yahay muddadii ay jirtay iyo hormaradda kala duwan ee la gaaray.

Shirkan ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17ka bishan July.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]