3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2018
Xildhibaan Ayuub Ismaciil Yuusuf oo la kulmay Jaaliyadda Columbus Ohio


Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Columbus Ohio.

Kulanka Xildhibaanka iyo jaaliyadda waxa uu ahaa mid xanbaarsanaa fariimo iyo is xogwareysi ku qotoma xaaladda dalkeena Soomaaliya.

Marti sharaf ka kala soctay qeybaha bulshada ayaa kulankan ku sugnaa waxayna si wada jir ah gacmo furan ugu soo dhaweeyeen xildhibaanka oo maalmhan socdaal kulamo xanbaarsan la qaadanayay qaar kamid ah Jaaliyadaha Mareykanka.

Xaflada soo dhaweynta Xildhiban Ayuub waxaa ka hadlay dad aad u baddan oo bulshada ka dhex muuqda, waxana ay bogaadiyeen doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee xiligan ku jira siyasadda dalka iyo sida ay in badan uga gadisanyihiin siyaasiyiin horey dalkan u soo maray.

Inta baddan waxay ku cel celinayeen dadkii hadlay " Waxaan u baahi qabnaa in aan dalkeena ku laabano isaga oo nidaam iyo kala danbayn leh kuwa aan ka sugaynana waa adinka dhalinyarada ee u jira siyaasada dalka dhan walba"

Waxaa la weydiiyay xildhibanka Su'aalo la xariira Isbadalada iyo qaladaadka dhaxa xiliyada qaar, waxa uuna uga jawaabay dhaman si Taxadar leh.

Xildhibaan Ayuub ayaa u soo gudbiyay Jaaliyada Columbus salaan uu uga sido Madaxda Soomaaliyeed isaga oo dhanka kale ka warbixiyay halka dalku marayo, halka laga yimid iyo halka loo socdo.

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay dalka isaga oo ku guubaabiyay qurbajoogta in ay dalka yimaadaan qeybna ka noqdaan isbadalka socda.

Waxa uu ahaa kulan ay ka soo qeybgalayaashu aad u xiiseynayeen kuna heleen furdado ay wax ku weydiiyaan loogana jawaabay.

Waa markii ugu horeysay ee xildhiban Ayuub uu soo booqdo Columbus tan iyo intii uu ka mid noqday xildhibaanadda aqalka sare.

Deeqo SONNA













Click here
7/16/2018 4:09 PM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah-na Ku-xigeenkiisa ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa xarigga ka jaray xafiiska Amniga Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah qorsheyaasha ku qotoma dhammeystirka qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.

7/16/2018 9:46 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)–War Qoraal ah oo ka soo baxay agaasimaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa hay’adda.

7/16/2018 8:29 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)-Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa ayaa ka hadlay kulan gaar ah oo dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Somaliland, waxaanu sheegay in shan qodob ka wada hadleen.

7/16/2018 7:04 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Waa isku soo dhawaasho iyo xiriir mar kale dib loo yagleelayo oo dhaxmara labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea oo ka badan 20 sano ay dhax taallay colaad galaafatay nolasha dad badan oo ka soo kala jeeda labada dal, kaddib markii dib boorka looga jafay safaaraddii Eritrea e magaalada Addis Ababa.

7/16/2018 5:15 AM EST
Tartankii Quraanka Kariimka ee Imam Shatiba ee ka socday Masjidka Karmel ayaa la soo gabagabeeyey tartankaan oo soo bilowday bishaan July 7 mar kay aheed

7/16/2018 4:44 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)–Waxaa goor dhaw magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka si rasmi ah uga furmay shir heer caalami ah oo loogu eegayo xaalada Soomaaliya iyo wax-yaabihii u qabsoomay dowladda hadda jirta.

7/16/2018 4:09 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)–Jaaliyadda Somaliland ee Mareykanka ayaa taageero buuxda u muujiyay shirka aayo ka tashiga ee dhawaan ka dhacay deegaanka Gacan libaax

7/16/2018 1:34 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)–Wefti iskugu jiray madax dhaqameed iyo ganacsato reer Somaliland oo afar cisho joogay Garoowe ayaaa dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, waxaanay ka warbixiyeen ujeedadda safarkoodda oo ay ku sheegeen mid nabadeed.

7/16/2018 12:37 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Maalmahaan waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland hawlo nabadeyn ah u joogey Isimo ka yimid maagaalada Hargeysa, joogitaankoodana aysan saxaafaddu u dhuundaloolin. Isimadaan ka yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah isimadda Puntland.

7/16/2018 12:26 AM EST
Isniin, July, 16, 2018 (HOL)–Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shirka Somali Partnership Forum looga hadlayo xaalada Soomaaliya.