Farmaajo oo marti qaaday arday Soomaali-Mareykanka ah oo ku guuleystay Tartankii Quraanka ee Dubai
Sabti July 14, 2018 (HOL)-Ardaygii ku guuleystay kaalinta koowaad ee
tartankii Quranka Dubai iyo wafti uu hogaaminayo oo ka kooban Todabbo qof oo ka
soo kicitimay dalka Mareyknka ayaa lagu casumay madaxtooyada Soomaliya habeenkii
xalay iyaga oo ahaa kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaaajo iyo wasiirka
warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle.
Ahmed Burhan Mohamed safarka waxaa ku wehiliya
aabihiis Burhan Mohamed Elmi oo ku magacdheer Qoorsheel, macallin Abdinsir
Mohamud Farah Jigre oo ah macallinka quraanka soo baray Ahmed, macallin Mohamed
Abdullahi Hambase oo ka mid ah hawlwadeenada sare ee masjidka Abubakar
As-saddiiq.
Waftigaan ayaa madaxweyne Maxamed Abdullahi Farmaajo
uu u soo dhaweeyay si diirran oo qaddarini ay ka muuqato. “Kulankiina waan ku
faraxsanahay”, Md Farmaajo ayaa yidhi. “Axmed, guushaan aad soo hoysay waxay
magac iyo sharafba u tahay guud ahaan Soomaaliya”.
Arrintaan ayaa muujinaysa karaameynta iyo
taageerada madaxweynuhu uu u hayo Quraanka Kariimka, culumaa-u-diinka,
waalidiinta iyo sidoo kale ardada Soomaaliyeed ee ku hawlan xifdinta Quraanka. Sidoo
kale, casha sharaftan xalay waxaa lagu casumay culumaa-u-diinta magaalada
Muqdisho. Waxaana ka mid ahaa: Dr. Bashiir Axmed Salaad, Sh. Axmed Maxamed
Suleymaan, Nuur Baaruud Gurxan, Sh. Cabdulqadir Soomoow iyo Sh. Cali Maxamed
Xuseen (Cali Wajiis) oo ah la taliyaha arrimahaha diinta ee madaxweynaha. Intaasi
kuma eka, ee soo dhaweyntani waxa ay direysaa farriin kale.
Ardayda xaafidiinta ah ee Soomaliyeed oo ku kala
nool daafaha dunida ayaa sanad walba fursad u hela in ay matalaan dawlado badan
oo kala duwan una badan dawladaha reer galbeedka iyo caalamka koobaad. Goorta
tartamada ay ka qayb qaadanayaanna waxaa hortooda suran calanka dawladda
markaasi ay matalayaan. Taasoo dawladahaasi u ah sharaf uguna filan faan.
Soo hindisidda iyo fulinta casumidda waftigaan
Quraanka ayaa ah mid ku abuuraysa farxad, yididiilo iyo dardar hor leh ardayda
Soomaaliyeed ee dugsiyada taxfiidka Quraanka meel walba oo ay dunida ka
joogaan. Kulankan oo si habsami ah u dhacay ayaa waxaa agaasimay xafiiska war
faafinta iyo xiriirka warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya mudane
AbdiNur Mohamed Ahmed.
Ardaygan Ahmed Burhan oo asal ahaan ka soo jeeda
Soomalia ayaa isla markaana ah muwaadin Mareykan ah. Goortii lagu dhawaaqay in
uu guulaystay Ahmed ayaa safaaradda mareykanka ee dalka Isu-tagga carabta
markiiba ku soo qortay boggageeda baraha bulshada dhammaan. Dalka Mareykanka oo
caan ku ah in uu ku guulaysto kaalimaha hore ee ciyaaraha caalamka, ayaa markii
ugu horreysay taariikhda abid ku guuleystay kaalinta koobaad ee tartanka
Quraanka. Ahmed waxa uu u soo hoyiyay guul weyn labada dal ee Mareykanka iyo
Soomaaliya. Waxa uuna ka guuleystay 1o4 arday oo dhamaantoodba dadaal ugu jiray
sidii ay dalkooda ugu sii hoyin lahaayeen guushaas. Si kastaba, Ahmed ayaa
muujiyay wacdaro barayna caalamka carabta cashar lama iloobaan ah goor uu la
sii laafyooday koobkii guusha iyo lacag dhan $68,000. Balse, yididiiladiisa
intaasi kuma eke ee hami kale oo weyn ayuu markale hiigsanayaa.
Ugu danbeyn, ardaygaan oo 17 jir ah ayaa
qorshaynaya in uu ka qayb galo tartanka Quraanka ee ay ku tartamaan xidigaha
dhammaan horay ugu soo guuleystay kaalinta koobaad ee lagu qaban doono dalka
Qatar sanadka 2020-ka, shakhsiga gala kaalinta koobaad tartankaas waxaa la
gudoonsiin doono koob iyo lacag dhan nus malyuun dollerka mareykanka ah, idinka
Alle. “Waxaan u diraay garoobayaa in aan ka
qayb qaato tartanka xufaadda horay u guuleystay ay ku galaan dalka Qadar”. Ahmed
ayaa yidhi. Ahmed ayaa kula dardaarmay madaxweynaha, in ilmaha Soomaaliyeed ee
ku nool qurbaha ay jecelyihiin in ay soomaaliya imaadaan haddii amniga si
fiican looga shaqeeyo.
Mohamud Dulyadeyn
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @Dulyadeyn
Sawirada Siyad S Salah