4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2018
Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Labo Qarax oo is xigay oo goor dhaw ka dhacay beer Nabada oo aan ka fogeyn Isoyska SYL ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada kaddib ayaa waxaa mar kaliya is qabsatay rasaas culus oo dhex martay Ciidamada Milateriga ee Ilaalada Madaxtooyada iyo rag hubeysan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in weerarka oo ahaa mid qorsheysnaa ay raggii hubeysnaa u suura geli weyday inay soo dhaafaan Barta koontaroolka.

Qarax labaad ayaa markii dambe ka dhacay meel ku dhow MCH Ceel Gaabta, kaasoo ahaa gaari laga degay.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhacay qaraxyada iyo is rasaaseynta.

Xaalada ayaa iminka degan, waxaana gawaarida gurmadka degdega ay daad-gureynayaan dhaawacyada ka dhashay qaraxyada.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]