4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2018
Madaxweynaha Eritrea oo goor dhaw ka degay magaalada Addis Ababa

 

Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ayaa goor dhaw ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uga bilaabatay booqasho Taariikhi ah oo qaadan doonta 3 cisho.

Madaxweyne Afwerki ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana loo sameeyay soo dhoweyn heerkeedu sareysay.

Socdaalka Madaxweynaha Eritrea ku tagay Addis Ababa ayaa ahaa kii u horeeyay muddo 22 sano uu ku tago, kaddib markii labada dal uu xiriirkooda xumaaday, kana dhasheen dagaalo dheer oo labada dal ku dhex maray xuduuda u dhaxeysa.

Xiriirka labada dal Ethiopia iyo Eritrea ayaa weji cusub galay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu qaaday is bedelo taariikhi ah, kaddib markii bishii April loo magacaabay xilka Ra’iisul wasaaraha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]