Waare oo daah furay Kalfadhiggii Afaraad ee Baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL ) -Madaxweynaha dowlad
goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta si rasmi ah u furay
kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle iyadoo
munaasabadii furitaankana uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka
qaranka Maxamed Sheekh Mursal iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh
Cismaan Barre.
Waare oo
maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka
Hirshabelle ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay
xildhibaannada baarlamaanka Hirshabelle.
Arrimaha uu ka hadlay Madaxweyne Waare ayaa waxaa
ka mid ahaa kuwa taabanaya dhinacyada Amniga, Dib u dhiska, Siyaasada iyo
arrimo kale oo faro badan.
“Waxa aan dooneynaa in dhowaan amniga guud ahaan
Hirshabelle nabad lagu soo dabaalo isla markaana aan ka xoreyno kooxaha” ayuu
yiri Madaxweyne Waare oo ka hadlayay arrimaha Amniga.
Isagoo ka hadlayay arrimaha dib u dhiska ayaa
waxa u sheegay Madaxweyne Waare in dhowaan laga hirgelin doono caasimada
Hirshabelle xarun ay leeyihiin Golaha Shacabka iyo xarumo kale oo ay
wasaaradaha ku shaqeyn doonaan.
Dhanka siyaasada ayuu sheegay Madaxweyne Waare in
ay jiraan dad doonaya in aysan horumar gaarin Hirshabelle oo wax walba oo la
xirxiro dib u furfuraya balse ma cadeyn cidda ay yihiin kuwaas.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle
Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay xildhibaanada Baarlamaanka
Hirshabelle inay dardar geliyaan howlaha horyaala oo ay ugu horeeyaan sidii loo
anisixin lahaa hindise sharciyeedyada horyaala.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]