Maanta oo ku beegan 25 Sano ka hor duqeyn Mareykanku uu ku dilay 73 qof magaalada Muqdisho
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Maanta oo kale
12kii July, sanadkii 1993dii, 25 Sano ka hor ayeey ku beegan markii diyaarado
laga leeyahay dalka Mareykanka duqeyn ku dileen 73 Qof ku guri ku yaala
magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa waqtigaa ka socday
dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamadii howlgalka Qaramada Midoobey
Soomaaliya iyo maleeshiyaad Soomaali ah, waxaana dadka duqeyntaa ku dhintay ka
mid ahaa odayaal iyo waxgarad Soomaaliyeed.
Waxaan sidoo kale duqeyntaas dadkii ay wax
yeelladu ka soo gaartay ka mid ahaa Wariyayaal iyo Suugaanyahanno Soomaaliyeed,
halka tiro kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.
Soomaaliya waqtigaa waxaa ka jiray dhibaatooyin
kala duwan, sida macaluul, gaajo, dagaallo Sokeeye iyo barakac baahsan, taasoo
keentay in caalamku u soo gurmado.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]