4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2018
Duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe

 

Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal duqeeyeen saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolkaasi.

Tuulada Xasan Kuusow oo Duqeyntan ay si gaar ah uga dhacday ayaa waxa ay u dhaxeysaa Deegaanada Jawaari iyo Raaxoole oo Jubbada Dhexe ka tirsan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya duqeyntan oo dhacday xalay 03:00 habeenimo in lala beegsaday saldhig Shabaab ay ku tababaraan caruurta yaryar.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in duqeyntan fuliyeen Diyaaradaha dagaalka oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Keny, waxaaa ayna tilmaameen in ay maqleen dhawaqa ilaa 9 Gantaal oo lala eegtay Saldhigga.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntan lagu dilay ilaa Sideed dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, sidoo kalena looga gubay laba gaari oo midi uu ahaa gaadiid dagaal.

Al-shabaab oo dhinacooda ka hadlay duqeyntan ayaa waxa ay sheegeen inaanay jirin khasaare ka dhashay Duqeyntan oo dhankooda ama shacab soo gaaray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]