4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2017
Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga oo tahriibayaal soo badbaadiyay

Axad, Janaayo, 29, 2017 (HOL) - Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talaayniga ayaa waxa ay sheegeen in ay soo badbaadiyeen ilaa 1,000 qof oo tahriibayaal ah kuwaa oo la socday Doomo duleeloo ay biyo soo galleen waxaana Doomahaas ay ka heleen Qof meyd ah oo ka tirsanaa tahriibayaasha.

Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in dadkaasi muhaajiriinta ah ee la badbaadiyay ay la kala socdeen 9 Doomood oo kala duwan, kuwaasi oo Lix ka mid ah ay ahaayeen Doomaha caaga ah, halka Saddexda kalena ay ahaayeen kuwa Al-waaxa ka sameysan.

Waxa ay sheegeen saraakiisha dadkan in ay soo badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha, kuwaasi oo sameeyay howlgallo badbaadin a, oo maalin socday.

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in dadkaasi ay ku wareejiyeen Doomaha gurmadka ah, lana geeyay xeebaha dalka talyaaniga.

Sidoo kale ciidamada faah faahin kama aysan bixin wadamada ay u kala dhasheen dadkaasi la soo badbaadiyay.

Inta badan dadka ka imaanaya Africa ee ka soo gudbaya badda ayaa waxa ay ka soo baqoolaan dalkaasi Liibya, badankoodana waxa ay ka yimaadaan wadamada Afrika iyo Bariga Dhexe.

In ka badan 180,000 oo Muhaajiriin ah ayaa sanadkii hore waxa ay gaareen dalka Talyaaniga, taas oo aheyd tiradii ugu badneyd ee wadankaasi gaara.

Ugu danbeyntii, QM waxaa ay sheegtay in 5,000 oo Qof ay ku dhinteen Badda Madeterienka-ka, iyagoo u gudbayay dhinaca wadanka Yurub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]