Axad, Janaayo, 29, 2017 (HOL) – Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa
howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Baardheere waxaa ay ku
dileen sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo magacbiisa lagu sheegay Cabdullaahi
Qanaas.
Saraakiisha ciidamada ee gobolka Gedo ayaa sheegay in howlgal ay ciidamad ka sameeyeen deegaan lagu magacabo Tuulo Barwaaqo oo ka tirsan degmada Baardheere ee gobolka Gedo lagu toogtay sarkaalkan.
Sargaalkaan la dilay ayaa lagu sheegay in uu ahaa horjoogiyihii Al-shabaab ee degmooyinka Garbahaarey, Beledxaawo, Luuq iyo Buurdhuubo oo ka wada tirsan gobolka Gedo.
Saraakiisha ayaa sheegay in sarkaalka toogteen xili sida ay hadalka u dhigeen uu ku sugnaa Tuullada islamarkaana aroos ku jiray.
Ugu danbeyntii, saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo lagula dagaalamayo Al-shabaab oo wali maamulo qeybo ka mid ah gobollka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]