4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2017
Weerarkii Kulbiyoow oo la sheegay in lagu dilay 68 askari oo Kenyaan ah

Axad, Janaayo, 29, 2017 (HOL) - Warbaahinta Kenya oo soo xiganeysa saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa baahisay in weerarkii Jimcihii ina dhaafay ee todobaad hore ku qaadeen Al-shabaab saldhig military oo ay ku lahaayeen ciidamada Kenya deegaanka Kulbiyoow lagu dilay 68 askari.

Garoonka militari oo lagu magacaabo Moi oo ku yaalla Nairobi ayaa lagu waramayaa in laga soo dajiyay meydadka qaar ka mid ah ciidamadii lagu dilay weerarka, waxaana la dhigay isbitaal ay leeyihiin ciidamada militriga, lama oga tirada rasmiga ah meydadka laga soo dajiyay garoonka.

Wasaaradda difaaca Kenya waxaa ay sheegtay in dagaalkii Kulbiyoow looga dilay 9 Askari,waxaana ay beenisay warka Al-shabaab ee ahaa in 67 Askari Kenya looga dilay Weerarka.

Dhinaca kale sargaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo magaciisa aysan warbaahintu xigan ayaa sheegay in saldhigga ciidamada Kenya lagu weeraray ee Kulbiyoow uusan hoostagin AMISOM.

Weerarkii Jimcihii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhiga deegaanka Kulbiyoow oo noqonaya kii ugu cuslaa ee sanadkan lagu bartilmaameedsado askarta AMISOM ayaa u muuqaal ekaa kii sanadkii ina dhaafay lagu qaaday saldhig militari oo ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcade gobolka Gedo, kaaasoo lagu dilay ku dhawaad 200 oo askari.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]