Dad badan oo ku geeriyooday Duqeyn galabta loo geystay Suuqa Bakaaraha

Isniin, October 06, 2008(HOL): In ka badan 15 ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay tiro kale oo intaas ka badan-na dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii maanta gelinkii dambe la duqeeyay Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo dhamaantood rayid ahaa ayaa waxaa ku dul-habsaday madaafiic xooggan oo la sheegay in ay ka soo dhaceysay dhinaca Xarunta Villa Somalia oo intii aaney madaafiicda ka soo dhicin lagu weeraray madaafiic hoobiyayaal ah.

Xiliga ay duqeyntan dhaceysay ayaa waxay ahayd goor ay dadkii Suuqa Bakaaraha ku ganacsanayay iyo kuwii u dukaameysi tegay ay guryahooda u sii hoyanayeen, taasina ayaana la rumeysan yahay in ay keentay dhimashada tirada badan, bacdamaa ay dadka ka soo baxeen goobahooda ganacsiga oo badankood ay yihiin kuwo aaney madaafiicda badankood ka dusi karin.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen madaafiic hoobiyayaal ah oo lagu garaacay Xarunta Villa Somalia, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay in ay ku guuleysteen in ay markii ugu horeysay meel aad u fog ka soo duqeeyeen Xarunta Villa Somalia, wuxuuna sarkaalkan iska fogeeyay in madaafiicda ay tuureen ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeynta ay Ciidamadeeda ka geysteen Suuqa Bakaaraha iyo weliba duqeyntii loo geystay Xarunta Madaxtooyada.

Suuqa Bakaaraha ayaa dhawaanahan wuxuu noqday mid lagu hoobiyo madaafiicda goobta kadib marka madaafiic lagu weeraro Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana tan iyo intii ay duqeynta bilaabatay ku dhintay Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa dad 100 ruux ka badan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia