Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiro badan oo ku laabtay Soomaaliya

Isniin, October 06, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiro badan, isla markaana aad u hubeysan ayaa la soo sheegayaa in ay ka soo tallaabeen xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca Gobolka Gedo.

Ciidamadan oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka oo isugu jira Taangiyo iyo Ural-lo ayaa waxay soo gaareen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, iyadoo sidoo kalena la soo sheegayo in ay Ciidamo kale ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Doolow Soomaaliya iyo Doolow Itoobiya.

Lama garanayo sababta ay Ciidamadan ugu soo qulqulayaan Soomaaliya xili ay socdaan wada hadallo la doonayo in Ciidamada Itoobiya looga saaro Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn halka ay ku wajahan yihiin Ciidamadan.

Maamulka Gobolka Gedo oo Ciidamadan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Ciidamadan, isla markaana ay qeyb ka yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah oo mar kasta soo geli jiray Dalka Soomaaliya.

Ka bixitaanka iyo soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay jaha wareer ku abuureen dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana mar kasta la maqlaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay gobol ka mid ah Soomaaliya, iyadoo wax yar kadibna la maqlo Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo soo galay Gobol kale oo Soomaaliya ka tirsan.

Ugu dambeyntiina, Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa waxay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, iyadoo la sheego in ay Ciidamadaas u joogaan sidii ay u difaaci lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu u yeeratay, inkastoo muddo labo sano ah ay ka bixi la’ yihiin dagaallo ay kula jiraan Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia