Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2008


Ururka La-dagaalanka Askareynta Caruurta Soomaaliyeed oo hub-ka-dhigis ku sameeyay Caruur badan oo la askareeyay


Isniin, October 06, 2008(HOL): Urur la magac baxay Ururka La-dagaalanka Askareynta Caruurta Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay Deegaanka Baladul-Amiin ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu dadaal ugu jiraa sidii uu hub-ka-dhigis ugu sameyn lahaa Caruur badan oo Soomaaliyeed oo la askareeyay.

Isu-duwaha Mashruuca Hub-ka-dhigista Ururkan Cabdibaari Yuusuf Shiikh Cali ayaa HOL u sheegay in sababta ay Ururkan u sameeyeen ay tahay sidii ay u badbaadin lahaayeen caruurta Soomaaliyeed ee la askareeyay, wuxuuna caddeeyay in ay haatan gacanta ku hayaan 30 Caruur ah oo ay ka dhigeen hub ay heysteen.

Cabdibaari waxaa uu intaas ku daray in Caruurta ay hayaan oo ah kuwo da’dooda ay aad u yar tahay, isla markaana leh mustaqbal ifaya in ay baraan Maadooyinka Soomaaliga (qoris iyo aqris), Ingiriiska, Duruus diini ah iyo xirfado kale oo ay mustaqbalka ku shaqeysan karaan.

“Waxaan dooneynaa in aan Caruurtan u abuurno jawi ka duwan midkii fowdada ahaa ee ay ku jireen, waxaana haatan soo wanaagsanaaneysa niyadda Caruurta aan heyno oo markii aan qaabileynay qaarkood ay gacmaha kula jireen falal dembiyeedyo kala duwan”ayuu yiri Cabdibaari Yuusuf oo sheegay in dhinacyada isaga soo horjeeda Soomaaliya aaney mustaqbal u heynin Caruurta Soomaaliyeed in ay ku adeegtaan mooyee.

“Urur ahaan waxaan aaminsanahay haddii caruurtan xirfado loo yeelo in ay iyagana badbaadi lahaayeen,  annagana ummad ahaan aan ka badbaadi lahayn dagaalladaan sokeeye ee aan dhamaadka lahayn, waayo haddii si hoose loo eego dagaallada waxa lagu huriyo oo loo adeegsado waa caruurta iyo dhalinyarada oo aan la hagaajin mustaqbalkooda”ayuu mar kale yiri isu-duwaha Ururka La-dagaalanka Askareynta Caruurta Soomaaliyeed Cabdibaari Yuusuf oo carrabka ku dhuftay in Caruurta ay hayaan ay ka soo uruuriyeen 6 Tuulo oo hoos-yimaada Degmada Afgooye, kuwaasi oo kala ah: Nuur Dhicisow, Yalale, Kulan, Kalaan, Bangaley iyo Baladul-Amiin oo ay xaruntooda ku taalo.

Cabdibaari Yuusuf Shiikh Cali oo ka tirsanaa Ciyaartoydii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya, una ciyaari jiray Kooxdii Kubadda Cagta ee Madbacada ayaa wuxuu intaas ku sii daray in ay qorsheynayaan in Caruurta ay hayaan ay u sameeyaan meel ay seexdaan, Isbitaal lagu daweeyo, Masjid lagu cibaadeysto iyo Dugsi wax lagu barto.

“Carruurta aan hadda heyno oo tiradooda ay gaareyso 30 canug  waxaan rabnaa in aan gaarsiinno ilaa 60 cunug, lacagta mashruucaas lagu hirgelinayana waxaa ku tabaruci doona Dad Soomaaliyeed oo degan Waqooyiga Mareykanka haddii Alle idmo”ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdibaari Yuusuf oo sheegay in haddii ay dadka Soomaaliyeed ka qeybqaataan mashruucan la badbaadin karo caruur badan oo Soomaaliyeed oo Mustaqbalka anfaci kara dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Xarunta Caruurtan lagu xanaaneeyo oo loogu magac-daray Canadaville ayaa waxaa ka howlgala Macallimiin Caruurtaas wax bara, kalkaaliyayaashooda, kalkaaliyayaal Caafimaad iyo Haween qaabilsan in ay Cuntada u kariyaan, isla markaana ay jirkooda iyo dharkooda nadiifiyaan.

Caruurtan waxay fasax leeyihiin Todobaadkiiba laba jeer, iyagoo markaasina soo booqda ehelladooda oo si weyn ugu faraxsan dhaqancelinta u socota Caruurta oo ay markii hore maaro u la’aayeen.

Cabdibaari Yuusuf Shiikh Cali waxaa uu sheegay in haddii uu guuleysto mashuurcan hub-ka-dhigista ah ee ay ka bilaabeen Deegaanka Baladul-Amiin ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay u gudbi doonaan Gobollada kale ee Dalka, sidoo kalena ay ka fulin doonaan mashaariic midkan la mid ah, wuxuuna Soomaalida u rajeeyay in uu Allaah dhibaatada ka dul-qaado.

Ugu dambeyntiina, Isu-duwaha Ururka La-dagaalanka Askareynta Caruurta Soomaaliyeed Cabdibaari Yuusuf Shiikh Cali waxaa uu mahadcelin ballaaran u jeediyay Dadka Soomaaliyeed ee gacanta ka geysta sidii uu u hirgeli lahaa mashruucan lagu dhaqancelinayo Caruurta la askareeyo ee ku sugan gudaha Soomaaliya, si gaar ahna wuxuu u xusay Soomaalida ku dhaqan Magaalada Toronto ee dalka Canada.


Kala xiriir Ururka:

URL: www.somalichildsoldier.org
E-mail: somalichildsoldier@yahoo.ca

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Dad badan oo ku geeriyooday Duqeyn galabta loo geystay Suuqa Bakaaraha

10/6/2008 12:57 PM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): In ka badan 15 ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay tiro kale oo intaas ka badan-na dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii maanta gelinkii dambe la duqeeyay Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Sarkaal u shaqeeya Qaramada Midoobay oo Ajnabi ah oo lagu dhaawacay Duleedka Magaalada Marka

10/6/2008 12:54 PM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Sarkaal u shaqeeya Hay’adda UNPF ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku dhaawacmay inta u dhaxeysa Deegaanka Shalaambood iyo Degmada Marka.

Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo si kulul u canbaareeyay hanjabaadyo loo jeediyay qaar ka mid ah Hay'adaha Samafalka

10/6/2008 10:12 AM EST
Isniin, 6, 10, 2008 (HOL) Kulan aan caadi aheyn oo ay ku yeesheen Magaalada Beledweyne Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa waxaa looga wada hadlay hanjabaadyo sida ay sheegeen loo soo jeediyay hay'adaha Care iyo IMC ee ka howlgala qeybo ka mid ah Gobalka.

Maxamed Dheere oo Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda

10/6/2008 6:14 AM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Guddomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ka hadlay xirnaashaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, hadal uu sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali iyo daciifnimo uu sheegay in ay la yimaadeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiro badan oo ku laabtay Soomaaliya

10/6/2008 6:12 AM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiro badan, isla markaana aad u hubeysan ayaa la soo sheegayaa in ay ka soo tallaabeen xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca Gobolka Gedo.

Guri uu Baydhabo ka degan yahay Sarkaal u shaqeeya Hay’adda ICRC oo xalay la weeraray, hal qofna lagu dilay

10/6/2008 6:11 AM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay waxay weerar bambo gacmeed loo adeegsaday ku qaadeen guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Yusuuf Xasan Mursal oo ah u qeybsanaha Hay’adda ICRC ee Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir oo sheegay in ay la dagaallami doonaan Kooxaha Garoonka Diyaaradaha ka weerara gudaha Degmadaas

10/6/2008 6:10 AM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa sheegay in ay la dagaallami doonaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gudaha degmadaas madaafiicda uga tuura Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Guddiga Amniga Gobolka Nugaal oo ka warbixiyay xaaladda Amaan ee Gobolkaasi

10/6/2008 6:09 AM EST
Isniin, October 06, 2008(HOL): Guddiga Amniga Magaalada Garowe ayaa markii ugu horaysay ka warbixiyay waxqabadkooda Seddexdii Bilood ee la soo dhaafay oo ay wadeen hawlo wax looga qabanayo amniga Gobolkaasi.




Somalia needs strong army - Museveni -New Vision

10/6/2008 5:15 PM EST
PRESIDENT Yoweri Museveni has urged the international community to assist the interim-government of Somalia to build a strong army.

Mortars kill 15 more in Mogadishu, 50 NGOs appeal -Reuters

10/6/2008 4:15 PM EST
MOGADISHU, Oct 6 (Reuters) - Mortar attacks in Somalia's capital killed 15 more people on Monday and 50 aid agencies appealed against "horrendous" violence as Islamist insurgents battle the government and its Ethiopian military backers.

NGOs Call for More International Attention to Somalia Crisis -VOA

10/6/2008 4:11 PM EST
A group of more than 50 organizations providing humanitarian assistance in Somalia called for increased international attention to the situation in the country. As Derek Kilner reports from VOA's East Africa bureau in Nairobi, the groups assert that nearly half the country's population is now in need of emergency aid.

Hijacker Somali Pirates: We'll Fight to the Death Before Surrendering to U.S., Russia -Sky News

10/6/2008 12:20 PM EST
MOGADISHU, Somalia — A group of Somali pirates who have hijacked a tanker loaded with military supplies say they will fight to the death before giving in to Russian and U.S. authorities.

Aid agencies decry humanitarian crisis in Somalia -Xinhua

10/6/2008 10:25 AM EST
NAIROBI, Oct. 6 (Xinhua) -- Over 50 aid agencies working in Somalia on Monday decried the rapidly deteriorating humanitarian crisis unfolding in Somalia and called on warring parties to cease-fire to allow unhindered relief supplies to the affected populations.

More violence in Mogadishu, growing concern for civilians -MISNA

10/6/2008 10:11 AM EST
Violent fighting continued throughout the weekend in Mogadishu between insurgents and Somali and Ethiopian troops. Unidentified gunmen attacked the offices of an aid group in the outskirts of the capital, stealing computers and other office material.

Pirates Square Up To US And Russia -SkyNews

10/6/2008 6:54 AM EST
The superpowers have been unable to end the stand-off and remain concerned that the ship's cargo of 33 tanks and other weapons could fall into enemy hands.

Governance improving in most of Africa: survey -Reuters

10/6/2008 6:33 AM EST
ADDIS ABABA (Reuters) - Governance has improved in almost two-thirds of the countries in sub-Saharan Africa, according to an index published on Monday.

Ethiopia sacks head of Somali regional state -APA

10/6/2008 6:22 AM EST
Addis Ababa, Ethiopia (APA) - Ethiopia has sacked the president of the Somali regional state, which is one of the country’s nine regional states bordering Somalia, APA learns here Sunday.

Austrailia: Racisim is rampant -Voice Online

10/6/2008 6:10 AM EST
NEW study says that racism is rampant in Australia, with one in 10 Australians thinking one race is superior to another.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter