2007 DV




Cayaartoydii xulka qaranka ee kubadda cagta ee ka tagay London oo gaaray magaalada Nairobi, Kenya











(Nov-14-2005)
Macalin Rabiic, C/Xakiin Yare, Ciise, Guuleed, Maxa'd Yare, Maxa'd Mo iyo C/llahi Labouf

Cayaartoydii xulka qaranka iyto macalinkii la socday ee maanta ka ambabaxay magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa caawa ka degay garoonka wayn ee Jomo Kenyata Airport ee magaalada Nairobi ayadoo ay halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen bahda cayaaraha ee ku sugan magaalada Nairobi iyo waliba shacabka iyo ganacsatada magaaladaasi qaarkood.

Cayaartoyda oo aan kula xariirnay khadka isgaarsiinta ayaga oo ku sii socda hoteelkii loogu tala galay ayaa ay ka muuqatay farxad aad u saraysa ayagoo markii ugu horeysayba dareemay sida ay noo sheegeen qiimaha wadaniyaddu leedahay waxaana la filayaa in maalamaha soo socdaba ay bilaabi doonaan tababarkii iyo kulamadii ay la yeelan lahaayeen bahwaynta cayaaraha ee ku sugan dalkaasi.

Cayaartoyda maanta baxday oo kala ah macalin Rabiic C/Raxmaan Muuse, C/Xakiin yare, Ciise C/Qaadir, Guuleed, Maxamed Yare, Maxamed Mo iyo C/laahi Labouf ayaa waxaa maanta garoonka ku sii sagootiyey qaar ka mid ah bahwaynta sportiga ee magaaladan London ayadoo loo rajeeyey in ay la soo laabtaan guul iyo waayaaragnimo wax u tarta ayaga iyo dalkoodaba.


Maxamuud Ismaaciil
Cayaaraha-London
Xigasho: Cayaaraha.com












| Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online