Wadahadalka dawladda iyo maxkamadaha ee Khartuum: Qaadirkow ka dhig mid najaxa

Bogga (2/3)

 

Dawladda dhexe ee Soomaaliya

 

Marka hore waxaan u hambalyeynayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo dhowaan xusay sanad guuradii labaad tan iyo markii la asaasay baarlamaankaas oo isku dayaya inuu ka soo kabto waqtigii ka qasaaray.  Waxaan kale oo aan u hambalyeynayaa golaha wasiirada cusub ee dhowaan la magacaabay anigoo rajaynayo inay dar dar cusub ku soo kordhiyaan dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo wax u qabashada ummadda Soomaaliyeed oo  dayacnaa mudo dheer.  Sida aan la socono waa la idin eedeeyaa oo waxaa la idinku eedeeyaa inaadan waxba qaban iyo inaad dhexdiina iskhilaafsan tihiin  arrintaas waa arrin aad ka gudbi kartaan waxaan rajaynayaa in aad wax ka bedeshaan .

 

Waxaan  idinkula talinyaa

 

1) In aad la heshiisaan Maxkamadaha Midoobay. 

2) In aad sii wadaan oo fulisaan balantii Khartuum ee ahayd is aqoonsiga iyo in aan la is dacaayadeen

3) Inaad baaq nabadeed iyo hadalo wanaagsan la gaartaan maxkamadaha oo soo dhoweysaan

4) Inaad dareen farxad leh ka muujisaan nabadda iyo horumarka ay gaareen shacabka Xamar iyo maxkamadaha midoobay

5) Inaad fursad u aragtaan maamulka Muqdisho oo hal gacan galay arrintaas waa hawl idin sugaysay oo la idiin qabtay waana inaad uga mahadnaqdaan shacabka xamar iyo maxkamadahooda

6) Inaad wixii qalad ah ee aad ka tirsanaysaan maxkamadaha aad u cafisaan idinkoo u yeelaya shacabka soomaaliyeed awgeed.  La socda maxkamadaha waa bani aadam oo waxay ku jiraan xiligii kacaa kufka dadka ku eedeynaya maxay sidan u sameeyn waayeen waxaa haboon inay waqti siiyaan

7) Iska ilaaliya in cadow ka faaiideysto farqiga yare e idiin dhaxeeya idinka iyo maxkamadaha

8) Inaad magacowdaan dadka saldhigiina Baydhabo u qaabilsan ruqsada soo gelidda ajnabiga ama ruqsada shirarka ama banaan baxa.  Dadku waxay ku daaleen fowdo wax kasta oo nidaam ah waa u baahan yihiin.

9) Sida aad charterkiina ku qorteen dastuurka iyo sharciga soomaaliya waxaa uu ku salaysnaan doonaa diinta Islaam.  Arrintaas dadka badanaa ma oga waxaan idinkula talin lahaa inaad shaacisaan oo fasirtaan  weliba ogolaatan in laga wada hadlo.

 

Maxkamadaha Midoobay.

 

Waxaad noqoteen junuud ilaahay u soo direy magaalo cid gacan ku dhigtaa la waayey 16 sano.  Waxaad soo celiseen rajadii dadka iyo bilicdii Xamar.  Waxaad  taariikhda baal dahab ah ka gasheen June 05, 2006 markii aad Muqdisho hal gacan ku soo celiseen oo aad qaadeen jid goyooyinkii iyo dulmigii intii karaankiina ah. Associated Press waxay rabto ha idinku ku sheegto waxaad tihiin kuwa shacabka Soomaaliyeed ku aamini karaan maxasta iyo dhalaankaba.

 

Waxaan idinkula talin lahaa

 

1) La heshiiya Dawladda dhexe ee Baydhabo. 

2) Adkeeya balantii ahayd  inaad is aqoonsataan iyo inaad joojisaan dacaayadda 

3) Inaad baaq nabadeed iyo hadalo macaan la gaartaan dawladda dhexe oo aad soo dhoweysaan.  Intii la dhihi lahaa idinka (dacaayad) ayaa la idinka difaacayaa bal idinka hala idinka maqlo anagaaba difaacayna.  

4) Inaad dareen farxad leh ka muujisaan dawladda dhexe maadaama ay dhamaantood Soomaali yihiin oo qirtaan shaqada ay qabteen oo ay ugu horeyso inay soomaaliya oo dhan dad matala ka kooban yihiin isna ogol yihiin hadda  ayaga naftooda,  caalamkana waxoogaa aqoonsi ah umadda Soomaaliyeed uga soo hoyiyeen.  Marka loo eego bur burka Soomaaliya ee waqtiga dheer weli dawladda Soomaaliya waxay ku jirtaa kacaa kufid.  Maskaxda ku haya dawladdan waa ku meel gaar mustaqbalkana soomaaliya idinkaa (culimada) iska leh waayo shacabka waa wada muslimiin.  Ka fikira mustaqbalka fog oo si qoto dheer u fikira oo dadka qalbigiisa soo jiita 

5) In aad qorshaha ku darsataan maadada wadanimnimo in ubadka la baro si ay u yaaraato mustaqbalka qaran duminta. 

6) In aad magacawdaan shaqsiyaad idiin qaabilsan ruqsada ajnabiga raba inay idiin imaadaan iyo kuwa bixiya fasaxa banaanbaxa ama shirararka ama isu imaatinka .  Xafiisyadan oo warkooda la soo bandhigaa waxay yaraynaysaa in dad badani niyad jabaan ama ay ka hortagto isfaham la’aan Dabcan xafiiskan waa inuu lahaadaa awood baaritaan iyo sugidda amaanka dadka uu ruqsada siiyey intii karaankiisa ah. Waxay kale oo noqonaysaa inaad si fiican ula socotaan cidda soo gashay.  Ogsoonaada dadka waa rabaan nidaam iyo kala danbayn maadaama ay fowdo ka soo daaleen iyo inay arkaan wax walba wadada loo maro. 

7) Waa sax in ilaahay la talo saarto oo la isku kalsoonaado hadana in la ogaado dhabtii dawladaha yar yar beesha caalamka aanay ka maarmi karin, mu’aamaradahana u sahlan yihiin.  Iska ilaaliya hayadaha buun buuninaya khilaafka yare ee idiin dhaxeeya idinka iyo dawladda dhexe sidoo kale iska ilaaliya kuwa raba inay adduunka idiin tusaan inaad khatar ku tihiin oo yaaney daldaloolo siyaasadeed idinka heli ugu danbaytii iska ilaaliya in cadow ka faaiideysato khilaafkaas yar. 

8) Arrinta dastuurka Soomaalida oo dhan baa danaynaysa.  Bal intaadan nicin xasuusnaada in albaabka wada hadalka dastuurka aanay dawladda dhexe xirin ee uu weli furan yahay.  Chaterka ku meel gaarka ah albaabkaas ma xirin ee wadahadal ku dagaalama.  Sharterka ku meel gaarka ah waa wax la sixi karo lana bedeli karo. Waxaa uu leeyahay dastuurka qaranka Soomaaliya waxaa saldhig u noqon doonaa diinta Islaamka.  ARTICLE 8 - RELIGION:
              1. Islam shall be the religion of the Somali Republic.
              2. The Islamic Sharia shall be the basic source for national legislation.

9) Weydiiya dawladda dhexe waxa ay idinka shakisan yihiin iyo hadii ay cabsi jirto sababtoo ah isfaham la’aanta wax ka xun maleh. 

10)  Tanaasul  Tanaasul.  Utanaasule shacabka Soomaaliyeed ee daalan oo mudada dheer la soo dulminayey dartiis. 

 

Waa socdaa.......1 | 2 | 3Bogga Saddexaad>>>>>

 

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online