Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

Wadahadalka dawladda iyo maxkamadaha ee Khartuum: Qaadirkow ka dhig mid najaxa

Bogga (3/3)

 

Yaa garsoore noqonaya oo ciqaabaya kii gardaran Maxkamadaha iyo dawladda dhexe.(khaadimiinta)

 

Ilaahay waa u jeedaa waana dulqaad badan yahay.  Shacabka Soomaaliyeed ayaana ka taqalusi doona kii gardaran.  Shacabka Soomaaliyeed waa idiin fiirinayaan waa idiin dhegeysnayaan waana idinla xisaabtami doonaa markii waqtigiiisa la gaaro.In kastoo hadda la idiinku yeero Madaxweyne, raiisal wasaare, xildhibaan, gudoomiye, laakiin jagadiina dhabta ah waa khaadimiin u shaqeeya shacabka soomaaliyeed.  Waxaad tihiin khaadimiin loo taliyo khaadimkii shaqadiisa ka soo bixi waayo ha u diyaar garoobo in la cayrinayo.  Shacabka Soomaaliyeed waa ka soo gudbay waagii la dhihi jirey sidii laga rabo ayaa laga yeelayaa. Noqda khaadimiin fiican.

 

Yaa khaadim - Nin xil qaadey eed qaad

Mudanayaal waxaad qaadeen xil culus.  Subaxii baryaaba waxaa idiin soo fiirinya malaayiin dad ah oo jecel inaad heshiisaan oo rajo gelisaan oo wax idinka sugaya.  Waxaad xil u qaadeen dal 16 sano bur bursanaa oo hantidii qaran iyo adeegii bulsho amaankaba ha ugu horeeyaa faraha ka baxsanaa.  Waxaa agtiina ku nool qaxooti badan oo soo bara kacay.  Malaayiin dhalin yaro ah oo aan shaqo haysan.  Malaayiin dhalaan ah oo aan waxbarasho haysan iyo daryeel caafimaad, waxaa intaa ka sii daran in ay soo kaceen jiil dhan oo aanan arag canshuur iyo go’aan dawladeed/maxkamadeed iyo shati ganacsi kuwaas oo idiinka doonaya dul qaad iyo waxbarid badan. 

 

Mudanayaal kuraasta aad ku fadhiisateen waa kulushahay, waana dhib badan tahay laakiin qof idinku qasbay ma jiro ee idinkaa cagihiina ku raadsaday.  Sirta keliya ee aad uga dabaalan kartaan waa idinkoo gaar ahaan u faqa oo midooba oo iskaashada haddii kale shaki badan baa ku jira inaad xilkaas ka soo dhalaashaan.  Waagii baryo malaayiin ayaa idin dhowraya bal inaad heshiiseen iyo in kale. Maanta waxy idiin leeyihiin madaxdeenii ma heshiiyeen? Waxaa ku xigta kuwii ma heshiiyeen waxaa ku xigta kuwii baas ma heshiiyeen waxaa ku sii xigta khayrbeelayaashii ma heshiiyeen waxaa ku sii xigta rajo beel.

Taariikh fiican ka taga (Good legacy)

Mudanayaal dhamaantiin nolosha  inteeda badnayd waad soo qaadateen waxaa la gaaray waqtigii aad ka fikiri lahaydeen maxaan mustaqbalka dhalaanka Soomaaliyeed uga tagnaa. Baal dahab ah/Baal madow.  Wax ma u dhisnay? shacabkii mudada dheer dhibaatada haysatay dhibtii ma ka qaadanay? karaamadii shacabka Soomaaliyeed ma soo celinay?  Fursaddan dahabiga aan haysano ma uga faaiideynay shacabka mudada dheer dhibaateynaa?  Ma ka tagi doonaa dowlad qodobo culus ku taagan oo loo aayo. Mudaneyaal - qaada telefoonka oo gaaraaca oo isla hadla. 

 

Xil culus baa idiin saran waa inaad iska kaashataan si aad u gudataan.  Khaladaadkii hore ha ku mashquulina ee mustaqbalka ka hadla.  Inkastoo Khatuum iyo Cadan ay yihiin dhul dad walaalaheen ah ee jecel wanaagga iyo heshiiska umadeena hadana waxaa ka fiicnaan lahayd ayadoo Xamar lagu shiro ama Baydhabo maadaama aan ognahay inaad amaanka sugi kartaan.  oo hadda xaaladda ka fiican tahay fawdadii hore. Dalka guduhiisa dhibta shacabka haysata waad aragtaan maalin walba bal aan wax yar idinka taabto dhibta Soomaalida qurbaha haysta oo u hilowday dhulkii hooyo

 

1) Dad badan oo waayeel u badan ayaa ku dhib qaba nolosha qurbaha oo idinka warsugaya 

2) Dhalaan Soomaaliyeed oo badan ayaa ku dayacan dibadda qaarna xabsi ka buuxaan oo meel la geeyo aan lahayn 

3) Qoysas badan oo kala maqan oo raba inay dib isula noolaadaan ayaa idinka warsugaya 

4) Soomaali badan ayaa ku dulman qurbaha oo qaarkood sida eyga loo dilo (South Africa) maanta soomaalida qurbaha lagu dilaa ayaa ka badan kuwa dalka gudahiisa lagu dilo.

5) Baasaboorka Soomaaliga asaga nafttisa ayaa dulman. Hadii aad hal maalin arki lahaydeen meelaha laga caawiyo Soomaalida qurbaha waxaad ogaan lahaydeen tirada dadka Soomaaliyeed ee ku xaniban dunida dacaladeda sababtoo ah baasa boorka Soomaaliya oo aan la ciriraafsanayn ayay wataan.  Qofkii baasabboor Somaali ah wata waxaa loogu degaa sida haadka sidii asagoo denbi galay. 

6) Qaxooti badan oo ku sugan xeryo qaxooti dibadda iyo meelo badan ayaa idin sugaya. 

7) Waqti xun oo adduunka dagaalo ka holcayaan ayaa lagu jiraa waa inaad dadkiina baadida ama habqanka ah urursataan meelaha ay joogaan waxwalba ayay kala kulmi karaan, idinka ayay idiin sugayaan.

 

Mudane Madaxweyne

Muqdisho maanta waxaa ka bilowday nidaam maxkamadaha midoobay waxay awood u leeyihiin inay sugaan amaankaaga bi idnilaahi.  Maanta waad booqan kartaa.  Qaado sharafta oo ka deg garoonka caalamiga ee Muqdhisho u tag madaxda maxkamadaha tus adduunka in aan heshiin karno.  Sidoo kale Baydhabo ku casuum madaxda maxkamadaha. Ka waran hadday ka qudbeeyaan xarunta baarlamaanka ee ADC.  Inaad ku filan tihiin ammaanka waan aragnaa oo maalin walba waxaan aragnaa madax ajnabi ah oo booqasho ku tagaya Muqdisho ama Baydhabo.  Shacabka waa ku farxayaan mar kasta oo aad isu soo dhowaataan.  Waxaad tihiin dad walaalo ah oo wada Soomaali ah wax aad isku diidaan inaad isla hadashaan shacabka uma muuqato.  Dawladnimo maanta ayay noogu dhowdahay ee aan ka faaiideysano fursadaan oo aan Soomaaliya ka dhigno dalkii dhalaalayey ee geeska Africa oo lagu soo hirto.

 

<Dhamaad> 1 | 2 | 3<<<Gadaal u noqo

 

Maxamuud Nuur Wardheere
E-mail: [email protected]

 

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 


Add Comment-- View Comment 
0 comment(s) with
0 replies.



   

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online