6/27/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Nidaamka Federaalka Soomaaliya waa in laga badbaadiyaa kalitalisnimo


Jimco, April, 29, 2022
Xasan Sheekh Maxamuud


Intii Muddo ahba, waxaan cod dheer ku sheegaynay in Soomaaliya ay joogto isgoys oo ay mar walba rajadeenu ahayd in ay qaaddo wadada dowlad wanaagga iyo dimuqraadiyadda ee ku salaysan oggolaanshiyaha bulshada. Soomaaliya horay ayay u soo martay isgoysyadan oo kale, marka loo eego dib u habeynta amaankeena, si aan iskaga difaacno qataraha kooxda al-Shabaab ee sida tooska ah xiriirka ula leh Al-Qaacida ee halista ku ah xasiloonnida caalamka oo dhan.

Markii aan noqday Madaxweyne sannadkii 2012, qorshahayaga waxaa udub dhexaad u ahaa lix tiir, kuwaas oo ku saleysnaa inaan marka hore ka hortagno sharta argagixisada ee bulshadeena naafaysay, kuwaas oo afduub u heystay horumarka dalkeenana. Isla markaana waxan samaynay habab iyo agabyada muhiimka u ah dawladnimada oo ay ka mid yihiin samaynta xafiisyo dawladeed oo shaqaynaya. Waxaa kaloo caddaatay in aan Soomaaliya xoog oo kelliya aan lagu difaaci karin. Waxaa heshiiska cusub ee bulshada Soomaaliyeed iyo dowladdii aan hoggaaminayey 2012, furre u ahaa kalsooni-abuurka iyo daadejinta adeegyada bulshada oo amnigu ahaa kan ugu muhiimsanaa.  Waxaa arrintan barbar socday dhamaystirka nidaam dawladeed federaali ah oo wax-ku-ool ah kaas oo matali kara dhammaan dadka Soomaaliyeed. Markii aan si nabad ah u wareejiyay xilka 2017-kii, dowladdu waxay u shaqeyneysay si buuxda, waxaana xilligaas la soo gabagabeeyay siyaasaddii hannaanka federaalka iyadoo la sameeyay afar dowladood oo cusub oo federaal ka mid ah.

Ciidanka qaranka Soomaaliyeed waxay noqdeen ciidan leh summad guud oo lagu maamulo mabaadi’da aasaaska u ah difaaca qaranka ka dib tobanaan sanno oo ay u howlgalayeen qaab ku saleysan qabiil, oo ay keentay kalsooni darradii jirtay iyo dagaaladdii dalka soo maray. Markii ugu horeysay, waxaan sameeynay siyaasaddo iyo xeelado si toos ah looga hortegayo, loogana dabar goynayo halista Al- Shabaab ay dalkeenna ku hayso iyo dalalka aan dariska nahay. 

Inkastoo beesha caalamku ay Soomaaliya maal-gelin dhaqaale iyo awood-dhis aad u badan ku bixisay tan iyo sannadkii 2017-kii, haddana ciidamada qaranka Soomaaliyeed weli ma awoodaan inay si buuxda ula wareegaan ammaanka dalka oo ay haatan sugidda amaanka gacanta weyn ka geystaan ciidama AMISOM. Sababtuna waxay tahay inay ciidamadeena ay ka maqanyihiin  awood-siin dagaal iyo hoggaan xirfadeed oo ay ugu wacan tahay siyaasadaynta maamulka Farmaajo ku sameeyay ciidamada. 

Farmaajo markii uu Xafiiska la wareegay sanadkii 2017-kii, wuxuu balanqaaday inuu Al-Shabaab kaga ciribtiri doono Soomaaliya labo sanno gudahood. Hase ahaatee, tani waxay noqotay ballanqaad kale oo jabay, sababtoo ah waxaa bishii March 2022 Midowga Afrika la saxiixdeen qorshe cusub ee xilliga kala guurka ah. Heshiiskan ayaa dhaqangalaya 1-da April 2022 ilaa dhamaadka 2023. Heshiiskani waxa uu daliil u yahay dib u soo labo-kacleynta Al-Shabaab iyo fashilka weyn ee ku yimid istiraatijiyada amniga qaranka oo laga hortagi karay hadii uusan Farmaajo ahmiyadiisa ka dhigan laheyn in uu wiiqo hannaanka federaalka dalka.

Hirgalinta isbedel amniga qranka o si dhab ah u shaqeyn kara kaas oo ciidanka qaranka Soomaaliyeed ay amaanka  ugala wareegaan ciidamada Midowga Afrika suurtagal maahan haddii uusan jirin iskaashi buuxa, ogolaanshiyo iyo ka qeybqaadashada dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Doodeydu maahan in wax waliba ay taam ahaayeen intii aan xilka hayay laakiin iyadoo haatan la joogo sannadka 2022, Soomaaliya waxay ahayd ineysan u nuglaan halista al-Shabaab. Waxay ahayd in hore loo sii wado nidaamka dowliga ah ee federaleynta dalka. Ayaan-darada ugu weyn waxay tahay in muddadii u dhaxeysay 2017-kii ilaa 2022 ay ahayd fursad luntay oo lagu dhammeystiri karay isku dhafka ciidamada Soomaaliyeed, la dagaalanka Al-Shabab iyo in laga abuuro dalka gudihiisa deganaanshiyo siyaasadeed si looga faa'ideysto fursadaha dhaqaale ee ka dhashay dib-u-habeynta maaliyadda dalka kuwaas oo ay dowladii aan hoggaminayey ay bilowday sannadkii 2015-kii. 

Maanta waxaa iska cad in himilooyinkii aynu bilownay sannadkii 2012-kii anagoo markaas aheyn dowladdii ugu horeysay ee caalamka laga ictiraafsan yahay tan iyo markii ay dowladnimadeenii ku bururtay bilowga dagaaladii sokeeye ee 1991-kii aanay weli dhameystirin dowladda waqtigeedu dhamaaday ee uu Farmaajo hoggaaminayey oo muddadii ay joogeen helay kaalmo caalami ah oo aan horey loo arag.

Dowladdii Farmaajo waxay xirfadooda iskugu geeyeen inay dadweynaha ku marin-habaabiyaan baraha bulshada. Waxay arrintani keentay inay meesha ka baxaan nuxurkii dowladnimo iyo wax ka qabashada sababaha asalka u ah dhibaatooyinkeena bulsho, amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Dowlad Soomaaliyeed oo xasiloon waxaa udub-dhexaad u ah iswaafajinta nidaamka dowliga ah iyadoo loo marayo dhameystirka dastuurka KMG ah iyo wadatashi.

Waa lagama marmaan isku-heynta dalka sababtoo ah qaab-dhismeedka dalkeena ayaa ku dhisan federaal, nidaamkan oo uu Farmaajo dadaal kasta ku bixiyey sidii uu u wiiqi lahaa isagoo ka duulaya hammigiisa raadinta awood gaar ah oo aruursan. 
Waxaa xumaaday xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, ilaa heer wadashaqeyn iyo wada hadal macno uu meesha ka baxay saddexdii sanno ee la soo dhaafay. Waxay keentay in madaxda heerarka kala duwan ee siyaasadda dalka kala aamin baxaan si aan hore loo arag. 

Farmaajo waqtigiisa sharciga ah ayaa ku ekaa bishii February 8, 2021. Isku daygiisii fashilmay ee uu ku doonayay in uu si sharci darro ah ugu kordhisto labo sanno ayaa aakhirkii laga adkaaday ka dib markii ay ka horyimaadeen shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka. Waxaa xigay isku daygii Farmaajo ee ahaa inuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka xayuubiyo awoodihiisa, midaas oo ay Golaha Wasiirada Soomaaliya isku raaceen inuu ahaa isku day afgambi oo sharci darro ah.

Waxaa iska cad in aragtidan kalitalisnimada ee ka maran wax-wadalahaanshiyo ay sababtay dib u dhaca geeddi-socodka doorashada dalkeena midaas oo sumeysay dhaqanka dimuqraadiyadda Soomaaliya ee doorashooyinkii hore ee isxigay kuwaas oo mar walba horseedi jirtay in si nabad ah xukunka loogu kala wareego. 

Walaaca ay arrimahan dhaliyeen waxaa ka mid ah, inuu Farmaajo hallis galiyey hanaanka ay Soomaaliya ku heshiisay ee nidaamka ku dhisan federaaleynta. Wuxuu si iskiis ah u qaaday falal guracan isagoo danihiisa siyaasadeed ee shaqsiga ah u addeegsaday ciidamadeena ay tabobareen saxiibadeena caalamka. 

Waxaan si weyn u rumeysanahay siyaasad ku saleysan caddaalad iyo isfaham ku dhisan in afartii sanadoodba mar hoggaanka dalka si shuruud la’aan ah loo beddeli karo si aan u xoojino dimuqraadiyada dalkeena, isla markaasna kuwa leh damaca kelitalisnimada lagu qasbo inay awoodda wareejiyaan. Soomaaliya waxa kelliya lagu xukumi karaa oggolaanshiyo. Waa midaas arrinta uu Farmaajo iska  indho tiray. 

Caqabadaha Soomaaliya waa kuwo aad u waaweyn. Inkastoo waxoogaa horumar ah laga sameeyey barnaamijkii dib u habaynta dhaqaalaha ee ay dowladeydu soo bilowday sannadkii 2015-kii, haddana waxaa nasiib darro ah in sida warbaahinta xorta ah iyo hey’addaha sirdoonka ah ka warbixiyeen in Al-Shabaab ka qaado shacabka Soomaaliyeed canshuur iyo dakhli ka badan tan dowladda federaalka. 

Waxa kale oo aanu aragnaa isqabqabsiga bannaanka yimid ee u dhexeeya Al-Shabab iyo ISIS, kuwaas oo dhawaan ku qasbay ganacsatada Soomaaliyeed inay xiraan goobaha ay ku ganacsadaan ee suuqyada ugu waaweyn magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka mid ah meelaha ugu badan ee dakhliga gudaha ka soo gallo dalka.

Waxaa intaas sii dheer inay Soomaaliya wali kaga jirto meelaha ugu hooseeya qiimeynta caalamiga ah ee maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa halka in ka badan 70% dadkeenu ay ku nool yihiin saboolnimo sida uu sheegay Bangiga Adduunka.
  
Doorashooyinkii dib loo dhigay waxaa ka dhashay qalalaase siyaasadeed iyo kuwa amni kuwaas oo horseeday in la carqaladeeyo hannaanka doorasho ee dalka oo intii ay socdeen ay ku geeriyoodeen mushaxiriin laga xusi karo Aamina Mahamed Abdi oo ahayd haweeney si cad-cad uga hadasha tacadiyada billi’aadanimo ee ay geystay dowladdii Farmaajo. Maxruumadda waxaa lagu dilay khaarijin ka dhacday magaalada Beledweyne, 23-kii Maarso 2022, halkaas oo dad badan oo isugu jira siyasiyiin iyo nabadoonno ay ku geeriyoodeen.

Amniga ayaa faraha ka sii baxaya. Hay'adda sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee la siyaasadeeyay ayaa gaartay heer ay si toos ah baraha bulshada uga digaan khatar khaarijin ay ku shegeen in Al-Shabaab ku beegsaneyso Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble. Khatartani ay sheegtay NISA ma la isku halayn karaa mise loogu talo galay in looga danlahaa dib u dhac kale ee doorashooyinka? Si kastaba ha ahaatee, Hay'ad Nabadsugidd Qaran oo la siyaasadeeyay waxay halis ku tahay dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, dhawaan ayay ahayd markii ugu horreysay ee ay weerar al-Shabab ku qaaddaan gudaha xeyndaabka gegida diyaaradaha. Tani waxay mid tahay guuldarrooyinka dhanka amniga ee maamulka Farmaajo uu isku dayay in uu qariyo. 

Waxaan ka walaacsanahay in qalalaasaha dhaqaale ee caalaamka ka jira ee COVID-19 sababay, iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee gobolka Geeska Afrika, dagaalka Ukraine iyo taageeradda waddamada jilicsan loo fidiyo oo aan xasilneyn sababaha aan sheegay awgood, Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa in laga daalo, haddii eynaan la imaanin isbedello la isku haleyn karo.

Inkastoo wax walba aysan eedeeda mas’uul ka aheyn dowladda Soomaaliya, haddana waxaa muuqata in loo baahan yahay siyaasad ku dhisan xulasho wanaagsan ee go’aamada masiiriga ah si ay dadka Soomaaliyeed uga faa’ideystaan fursadaha horumarineed ee dalkeena iyo dadkeenu heli karaan. 

Waxay Soomaaliya u baahantahay hab iskudhafan oo loo wajaho siyaasad-dejinta dalka habkaas oo ay ka-qaybgal mugleh siinaya inay si firfircoon dawladaha xubnaha ka ah federaalka uga qeyb qaataan hirgalinta istiraatiijiyad amniga qaranka ah oo si cad u qeexaysa dowrka iyo mas’uuliyaddaha iyada oo islamarkaasna xididaha loo siibayo argagixisada arxan-laawayaasha ah ee dhibaatada ku haysa dadkeena.

Soomaaliya waa dal meel istiraatiiji ah ku yaala, oo ay suurtagal tahay inaan noqonno xarun ganacsi oo caalami ah iyadoo laga faa'iidaysanayo kheyraadka kale duwan ee Alle nagu maneystay. Si kastaba ha ahaatee, si arrimahan loo gaaro, waxaan u baahannahay inaan ka gudubno iska-horimaadka loona gudbo wada-shaqeyn ay yeshaan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Isbuucyadda inagu soo aadan, Soomaaliya waxaa la filayaa in ay yeelato madaxweyne leh awood-xilleed cusub oo ay u yaalaan arrimo badan oo leh mudnaan degdeg ah. Waxa ugu muhiimsan waa in madaxweynaha cusub uu fahmo inuu mas’uuliyiinta kale kala shaqeeyo danta Qaranka. Taas la’aanteed, way adagtahay qaab wax looga qaban karo xaaladda adag ee dhaqan-dhaqaale, amni iyo bulsho ee dalkeena Soomaaliya.

Dalkeena Soomaaliya, weli waa dal jilicsan oo dib u soo kabanaya, oo kalsooni-dhisid ay lagama marmaan u tahay. Waxaan kalsoni wayn ku qabaa shacbigeenna in ay gaareen bisayl iyo adkaysi ay ugu gudbi karaan caqabadaha siyaasadeed, bulsho iyo amni ee soo wajaha.

Dawlad kasta oo timaadana waxaa masuuliyad ka saarantahay inay dalka isku heyso. Waxaa sidoo kale mas’uuliyad ka saarantahay daaweynta dhibaatooyinkii ay sababeen maamulkii waqtigiisu dhammaaday ee shantii sanno ee la soo dhaafay kala qeybiyey dadka Soomaaliyeed. 

Soomaaliya waa inay si wada jir ah hore ugu dhaqaado si aan u qaabeyno mustaqbal loo dhanyahay oo kor u qaada horumarka bulshadeena. 


XASAN SHEEKH MAXAMUUD wuxu ahaa Madaxweynahii Soomaaliya 2012 ilaa 2017, waana musharax mar kale u taagan xilka Madaxweyne



 





Click here