10/27/2021
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
MAXAYNU KA BARANNAY BARAKICINTA MAAMULKA SOMALILAND KA GEYSTAY LAASCAANOOD?

Friday, October 8, 2021
W. Q. Liibaan Axmad

Toban sano ka hor maamulka Somaliland wuxuu yabooh u diray dad ku tabaaloobay macaluul ka dhacday qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya. Dad badani waxay is weyddiinayaan sababta dareenkaas damqashada leh uga dhammaaday garashada madaxda siyaasadeed ee maamulka Somaliland. Waanadiii Guddoomiye Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare, u soo jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi waxay ku saabsanayd xilka ka saaran madaxda Somaliland dhowrista magaca dadka ay siyaasad ahaan metelaan.  Waa ayaandarro haddii madaxda xisbiyada mucaaradku aamminsan yihiin doodda Madaxweyne Muuse Biixi  in dadka Laascaanood lagu boobay oo laga barakiciyay ay shisheeye yihiin. Dadka la barakiciyay ma aha qaranlaawe (stateless).

advertisements
Xeeldheere sharci Mubaarak Aar iyo Guuleed Dalfac, u doode xuquuqda aadanaha, ayaa labadaba ciqaab wadareed ku tilmaamay falka dad Soomaaliyeed lagaga barakiciyay Laascaanood.  Dhanka siyaasadda marka aan eego, eeddu waxay sidoo kale saaran madaxda dowladda federaalka waayo heshiiskii 2013kii sida gaarka ah Somaliland yabooha loogu siiyo (Special Arrangement) wuxuu ku salaysnaa horumarin ah iyo dhowrista xuquuqda barakacayasha.  “Somaliland way goosatay laakiin lama aqoonsan, sidaas darteed waa inay u hoggaansato dastuurkeeda iyo sharciga caalamiga oo aan bannaynaynin falka loo geystay dad Soomaali ah oo ku noolaa Laascaanood”ayuu yiri Muubarak Aar.

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay sheegtay inay ka go’an tahay hirgelinta siyaasadda qaran ee barakacayaasha iyo qaxootiga dalka ku soo noqday si “dadka Soomaaliyeed looga dhowro barakicin ula kac ah…” Ilaa hadda dowladda federaalka Soomaaliyeed si faahfaahsan ugama hadlin barakicinta ka dhacday Laascaanood. Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa gubaabiyay dadka reer Laascaanood. Muxuu dalku u samaystay siyaasadda barakacayaasha haddii madaxdu aysan ku dhiirran karin inay siyaasiyiinta xusuusiyaan waajibaadka ka saaran dhowrista xaqa qofka Soomaaliyeed marka gaboodfal uu dhaco?

Waxaa mudan in la dul istaago lagama-maarmaannimada in hay’adaha sharci-dejinta heer federaal curiyaan sharci lagu dhowrayo xaqa qofka Soomaaliyeed meel kasta uu ka joogo dalkiisa hooyo.  Eedda gabood-fal loogu geysto qof Soomaaliyeed meel ka mid ah Soomaaliya waxay saaran tahay awoodda siyaasadeed (political authority) meeshaas ka jirta.   Waa arrinta xildhibaan Idiris Dhakhtar uu taabtay markii uu eedeynta u soo jeediyay maamulka Somaliland: isla xisaabtan siyaasadeed baa jiri doona. Gaboodfalka Laascaanood ka dhacay waa ku ceeb dabarka dhaqan iyo diin isku keen haya ummad ahaan; waa wax soo noqnoqon kara haddii aysan Soomaali wax iskaga ogaanin, oo kuwa  falkaas ka dambeeyay si dhab ah loola xisaabtami waayo.


 
Idiris Dhakhtar: “Waxaa jiri doona isla xisaabtan siyaasadeed.”

Waan la yaabay markii Faysal Cali Waraabe, Cali Waran Cadde iyo Cali Cantar  ku doodeen in dadka Laascaanood ay ka timid talada dad Soomaaliyeed lagu barakiciyay. Waa seddex nin oo wax aan sal ahayn si ku talagal ah u sheegay iyagoo doonaya in faca soo koraya ay ku ababiyaan ka fogaanshaha run sheegista. Sidoo kale Maxamed Cismaan Jawaari, Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Federaalka, wuxuu isku dayay inuu go’aanka siyaasadeed ee maamulka Somaliland  isha ka laalo si uu eedda dusha uga saaro dad aan go’aammo siyaasadeed qaadan karin. Warqaddii dowladda Somaliland ku difaacday barakicinta ayaa Jawaari ka dhigtay siyaasi isagoon is ogeyn taageeray barakicinta. 
 



Jawaari wuxuu isku dayay inuu  eedda ka leexiyo maamulka Somaliland.

Madax dhaqameedka Laascaanood qaarkood way hadleen oo caddeeyeen in dambi laga galay dad Soomaaliyeed oo dhulkooda jooga. Hoggaamiye dhaqameedka aa weli hadlin waa Garaad Jaamac Garaac Ismaaciil, oo haddii mowqifkiisu noqdo mid taageera xaqa dadka la barakiciyay, ku sifoobi doona Garaad ka hor yimid dulmiga loo geystay dad Soomaaliyeed, sida uu dhowr toddobaad ka hor uga hor yimid in dadka loo diido inay calanka qaranka sidashadiisa muujiyaan. Aamusnaan markan oo kale waa taageerid dambi iyo dulmi, kana sii xun kuwa beenta ka sheegay dadka Laascaanood.  Garaad Jaamac wuu og yahay  in Soomaali badan dalal shisheeye ku nool yihiin oo leeyihiin xuquuq la mid ah dadka dalka u dhashay. Sidoo kale xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ka mid ahaa dadkii Xamar ka soo qaxay 1991kii, wuu soo arkay xanuunka barakucu leeyahay. “Waa inuu ka hadlo barakicinta loo geystay Soomaali  ina aammintay oo koonfur ka timid, nala degtay, koboc dhaqaale soo kordhisay” ayuu yiri ganacsase Laascaanood ku sugan. Garaadka iyo Xildhibaanku waa reer Laascaanood, oo waajib ayaa ka saarnaa inay ka hortagaan gaboodfalkii dhacay, oo uu weli Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif, ka aamusan yahay. Aamusnaan ayaa la mid ah taagerid.


 
Garaad Jaamc Garaad Ismaaciil oo faras Laascannodd ku guddoonsiinaya Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaan aad u la yaabay in dad magangelyo ka helay dalalka Galbeedka oo saxiixay inaysan gaboodfal taageeri doonin ay maanta taageerayaan boobka iyo barakicinta loo geystay dad ku noolaa Laascaanood.

Madaxweyne Muuse Biixi waa inuu ogaado in waxyaabaha aannu wadaagno  ka weyn yihiin xuduudo gumeyste sameeyay. Marnaba xuduudahaas uma aannu cuskan karno kala fogeynta Soomaalida. Xudduudahaas jiray ka hor 1dii Luulyo 1960kii macnahoodu ma aha in qof Soomaaliyeed oo koonfurta ka yimid uusan Soomaali ahayn markuu joogo gobollada qaarkood.  Waxa ka dhacay Laascaanood waa fal dambiyeed iyo xilkasnimo-darro siyaasadeed oo is-huwan. Dowladda Somaliland waxay jabisay mabaadii’da hagta siyaasadda barakacayaasha ee Qaramada Midoobay. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in aan laga barakicinin gurigiisa ama gurigeeda ama meesha uu caadi ahaan ku nool yahaywaa mabda’ ka mid ah mabaadii’da ay dowladda Somaliland ku tumatay.

Liibaan Axmad
[email protected]



 





Click here