8/6/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Maxaa ka Qaldan Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal?

Wednesday 29 July, 2020

Dahir Mohamed Mahmoud


 
Sharciga doorashooyinka qaranka heer federal ayaa sharci noqday kedib markii ay meelmariyeen labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya (BFS). Golaha shacabka (GSH) waxuu ansixiyay  28/12/2019  halka Aqalka Sare (AS) uu meelmariyay 08/02/2020 kedibna waxaa saxiixay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya 21/02/2020.
Sharcigan waa qalabkii u fududaynayaay gudiga madax-bannan ee doorashooyinka qaranka (GMDQ) inay qabtaan doorasho qof iyo cod ah, hufan, xalaal ah , oo ay ka qeyb galaan xisbiyo badan iyo codbixiyaayaal. GMDQ waxaa lagu dhisay xeer madaxweyne  29/06/2015 balse waxaa sharcigii nidaaminayay shaqadiisa iyo awoodahiisa la dhameystiray shan sanno kedib macnaha hal sanno ka hor  muddo xileedka gudiga oo ku beegan July 2021.

Qoraalkan waxaan ku eegayaa qaladaadka ku jira sharciga doorashoyinka qaran ee heer federal, qaladaadka oo keeni kara in sharciga uu ka horyimaado dastuurka ama aanan la fulin Karin farsamo ahaan. Sharciga doorashooyinka waxaa ku jira qaladaad la xiriira : Baaxadda sharciga , Doorashada madaxweynaha, Awoodaha madaxweynaha, Goob doorashada xildhibaanada GSH , Metelaadda gobolka Banaadir , Shuruudaha diiwaan-gelinta cod-bixiyaha iyo Dacwadaha la xiriira doorashooyinka.

1.    Baaxadda sharciga
Baaxadd sharciga doorashoyinka waxay tilmaameysaa  ilaa iyo inta dimoqoraadiyadda dalka gaarsiisan tahay iyo ilaa heerka shacabka awood u leeyahay inuu helo fursad uu uga qeyb qaato metelaadda (in la doorto ama in uu wax doorto). Sharciyadda doorashada dalalka caalamka waxaa lagu nidaamiyaa doorashooyinka heer qaran , gobol iyo degaan. Sharciga doorashooyinka heer federal wuxuu ku kooban yahay labada gole ee BFS- heer federal oo keliya, taasoo ka soo horjeedda ujeedada federaalismka oo ah in la balaariyo xukunka iyo ka qeyb galka muwaadiniinta. Dastuurka ku meel gaarka ah , waxuu xusayaa in federaalka ujeedadiisa tahay  baahinta maamulka heer federal, dowlad goboleed iyo degaan.

Dhinaca kale ,Sharcigan doorashooyinka iyo sharciga lagu dhisay GMDQ waa iska horimaanayaan waayo sharciga lagu dhisay GMDQ ee Lr: 04 ku taarikheysan 02/04/2015 , wuxuu qorayaa in GMDQ leeyihiin awood ay ku abaabulaan, qabtaan iyo kormeeraan doorashoyinka heer gobol ,degmo iyo qaran ee axsaabta siyasadeed iyo afti dadweyne (Qod:14 (1)(a)) , halka sharciga doorashoyinka  ku koobayo awoodda GMDQ inay qabtaan doorasho heer federal oo keliya. Tani waxay ku tusaysaa in diyaarinta hindise sharciyeedka aan laga baaran degin , lana siin waqti ku filan si loo sameeyo cilmi baaris buuxda oo ku saabsan sharciga doorashooyinka iyo sharciyada la xiriira.

2.    Doorashada madaxweynaha
Qaabka dawladda Somaliya waa dawlad federal barlamaani ah, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka waxaa lagu soo doortaa kulan wadajir ah ee xildhibaanada labada aqal ee BFS. Sharuudaha laga rabo musharax madaxweyne iyo qaabka doorashada ,waxaa tilmaamaya dastuurka. Dastuurka  iyo xeer-hoosaadka GSH waxay  awood u siinayaan GMDQ inay maamulaan doorashada madaxweynaha JFS balse labadii doorasho ee u dambeeyay  2012 iyo 2017, waxaa maamulayay guddi gaar ah ee uu magacaabay BFS. Su’aasha imaaneysa waxay tahay yaa maamuli doona doorashada madaxweynaha ee 2021 –GMDQ mise gudiga gaarka ah ee BFS.

3.    Awoodaha Madaxweynaha
Awoodaha madaxweynaha JFS waxaa ka mid ah inuu magacaabo ra’iisal wasaaraha , iyo in uu kala diro golaha wasiirada hadii ay waayan kalsoonida BFS sida ku xusan Qod:90(d) ee dastuurka ku meel gaarka ah(KMG). Dastuurkii 1960 iyo dastuurka KMG ah labaduba waxay siinayaan madaxweynaha awood balaaran uu ku magacaabo ra’iisal wasaaraha cidda uu doono. Sharciga doorashooyinka heer federal waxuu farayaa madaxweynaha inuu ra’iisal wasaare ka soo magacaabo  xisbiga ama isbeheysiga doorashada ku guuleysta kuraasta ugu badan ee aqlabiyada baarlamaanka.Sharciga doorashoyinka waxuu sameynayaa ra’iisal wasaare awood badan halka dastuurka KMG ah uu awood badan yahay madaxweynaha. Sharciga doorashooyinka waxuu ka hor immaanayaa dastuurka ku meel gaarka ah si cad, sidaas darted waa waxba kama jiraan sida ku cad Qod: 4(2) ee dastuurka KMG, inkastoo maxkamaddii burin laheyd aanay jirin- maxkamadda dasruuriga FS.

4.    Goob Doorashada Xildhibaanada GSH
Dastuurka KMG ah waxuu tilmaamayaa in kuraasta golaha shacabka tahay 275 xubnood oo metelaya  dhamaan bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Doorashadoodana waxay ka dhaceysaa dalka oo dhan. Sharciga doorashada heer federal  waxuu laalayaa in kuraasta  lagu saleeyo degaan ilaa iyo inta ay dhaceyso tiro koob rasmi ah  dalka oo dhan. Sharciga waxuu fasaxayaa in doorashada 275 kursi ee GSH ay ka dhacdo meel kasta oo  suura gal ah, iyadoo la ilaalinayo hanaanka awood qeybsiga bulshada ku heshiisey. Halkan sharciga waxuu fasaxayaa in kuraas badan laga wareejiyo degaan doorashadoodi, isla markaana muwaadininta ku nool degaankaas dhumiyaan xaqa inay wax doortaan iyo la xisaabtamaan xildhibaankooda. Tani waxay u gogol xaareysaa musuq-maasuq doorasho aad u baaxad weyn.

5.    Metelaadda Gobolka Banaadir
Sharciga doorashooyinka qaran ee heer federal waxuu dhigayaa in xuquuqda metelaadda aqalka sare ee gobolka Banaadir lagu soo saari doono xeer labada aqal ee BFS. Qaraarka labada aqal soo sarayaan (joint resolution) waa mid leh awood sharci waxaana saxiixa madaxweynaha JFS.

Golaha shacabka waxuu ansixiyay qaraar ay u  codeyeen 142 xildhibaan- 27/06/2020,  kaasoo u ogolaanaya gobolka Banaadir  inuu ka helo 13 xubnood aqalka sare. Qaraarkan wuxuu ka soo horjeedaa qodobka 72 ee dastuurka KMG ah, oo siinaya gobolka Banaadir 3 xubnood aqalka sare madaama ay ka mid aheyd 18 kii gobal ee 1991 . Isla qodobkan dastuuriga wuxuu  xadidayaa tirada xubnaha aqalka sare 54 xubnood. Hadii la doonayo in la badelo qodob dastuuri ah waa in ay ka qeyb galaan fadhiga doodda  iyo ansixinta qaraarka  2/3 tirada guud ee xildhibaanada GSH,taaso ah 184 xildhibaan ama 219  xubnood ee labada aqal BFS hadii fadhi wadajir lagu ansixinayo.
Su’aasha imaaneysa waxay tahay GMDQ ma fulin doonaan hadii loo soo gudbiyo qaraarkaas ka soo horjeeda dastuurka KMG ah iyo sharciga doorashooyinka qaranka heer federal.

Gudoomiyaha golaha shacabka hadii uu saxiixo  qaraar ka soo horjeedo dastuurka ma lagu qaadi karaa Qod:17(1)(d) ee xeer hoosaadka GSH ee soo baxay 30 Disember 2018 – kaa oo dhahaya in gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisuba xilka ku waayi karaan hadii ay ku xadgudbaan shareecada islaamka , dastuurka qaranka,xeer hoosaadka GSH ama sharuucda kale. Dhamaan su’aalahan waa kuwa jawaab u baahan.

6.    Shuruudaha Diiwaan-gelint  Codbixiyaha
Guud ahaan caalamka , marka mawaadin uu doonayo inuu  isku diwaan-geliyo codbixin, si uu ugu qeyb galo doorasho heer qaran, gobol ama degmo, waxaa laga doonayaa inuu cadeeyo inuu yahay muwaadin , degan yahay degaanka doorashada ka dhaceyso. Waxaa cadeyn u noqonaya inuu la yimaado aqoonsi lagu tilmaamay sharciga jinsiyadda dalkaa, taas oo noqon karta aqoonsi , dal-ku gal ama warqadda dhalashada.

Sharciga doorashoyinka qaranka heer federaal waxaa la ansixiyay inta aan la ansixin sharciga jinsiyadda soomaliyeed kaas oo qeexi lahaa -yaa ah muwaadin Somali ah iyo aqoonsiga looga baahan yahay. Sharciga doorashoyinka ma tilmaamayo  in qofka is diiwan-gelinaya looga baahan yahay aqoonsi madaama uusan jirin. Halkan waxaa markale soo if baxaya jahwareer la xiriira yaa ah muwaadin Somali ah , maxaa lagu aqoonsanayaa iyo  sidee loo hubinaya xogta codbixiyaha ee la xiriirta da’da , goobta dhalasho iyo magaciisa. Waxaa adkaaneysa in la xakameeyo dembiyada la xiriira doorashoyinka sida; in qofka marar badan is diwaan-geliyo, in qofka ka been sheego xogtiisa madama uusan jirin aqoonsi,  in qof aan Somali aheyn isku dayo inuu is diwaan-geliyo, in been abuur lagu sameeyo kaararka codbixinta iyo  in qof cod ku bixiyo kaarka qof  kale.

7.    Dacwadaha la Xiriira Doorashoyinka
Sharciga doorashoyinka qaranka heer federal, wuxuu u kala saarayaa dacwadaha la xiriira doorashoyinka laba , oo kala ah;
A)    Cabashooyin (complaint) – waxaa soo gudbinaya wakiilada xisbiyada ama codbixiyayaasha iyadoo qoraal ah , kedib waxaa go’aan ka gaaraya GMDQ.  Go’aanka ay gaaran gudiga waxaa rafcaan looga qaadan karaa maxkamadda sare ee dalka muddo afar iyo toban (14) maalmmod gudahooda. Tusaale ahaan , hadii ay doorashada ka dhaceyso gobolka Gedo ama Bari , ay wakiilada xisbiyada ama codbixiyayaasha rabaan inay ka qataan rafcaan go’aanka GMDQ , waa inay ku garaan maxkamadda sare dalka muddo 14 maalmood ah , iyadoo usbuuci hal mar diyaarad tagto goboladaas , waa waxaan dhici Karin dhab ahaan .Sharciga doorashoyinka 1963 waxuu awood u siinayay maxkamadda gobolka inay go’aan ka gaarto dhamaan dacwooyinka la xiriira doorashada degaankeeda. Sharcigii 1963 dii waa mid waaqaci ah halka sharciga doorashoyinka uu yahay mid abuuraya xaalad adag iyo in la gaari waayo cadaaladda.
B)    Dacwadaha (claims)- la xiriira xaqa codbixinta, xaqa ka qeyb galka doorashada iyo go’aanka kama dambeysta ah ee natiijada doorashada , waxaa rafcaan looga qaadan karaa maxkamadda dastuuriga ah ee dalka. Markale waxaa sharciga awood siinayaa maxkamad aan weli la sameyn taaso  macnaheedu tahay in  musuqa doorashada iyo cadaalad darada la dhiiri gelinayo.

Dhamaan qaladaadkan  ku jira sharciga doorashoyinka qaranka heer federal, waxay mugdi gelinayaan in dalka Soomaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah,xataa hadii la sameeyo muddo kordhin 13 bilood ah ama laba sanno, waayo GMDQ waxaa hor yaalla arimo farsamo sida; in tiro koob rasmi ah la sameeyo dalka oo dhan, sixitaanka sharciga doorashoyinka heer federaal, dib u eegidda metelaadda gobolka Banaadir ee aqalka sare,ansixinta sharciga jinsiyadda Somaliyeed iyo abuuridda jawi wada shaqeyn ay yeeshaan GMDQ iyo dawlad goboleedyada. Waxaa intaas dheer ,GMDQ oo muddo xileedkiisa  dhamaanayso July 2021, taas oo dhalinaysa in loo baahdo in  guddi cusub la magacaabo  waxayna qaadan karta sannado. GMDQ  looma kordhin karo waqtiga , sidoo kale lama dooran karo mar kale, sida ku cad sharciga dhisidda gudiga doorashooyinka qaranka.

Garyaqaan: Dahir M Mahmoud-  la taliye sare sharciga , xeel-dheere sharci-dejinta iyo dastuurka.
Waxaad kala xiriiri kartaa : [email protected]


 



 
Click here