4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Isku Dheeltirka Xilka, Darajada iyo Aqoonta - Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS)

Dirir Abdi Ibramim (Goodax)
Thursday, October 10, 2019

HORDHAC

Inta aanan dulucda qoraalka gudagalin waxaan qaab hordhac (arar) kooban oo qodobeysan u dulmarayaa waajibaadka Hay’adaha ugu sareeya Difaaca Qaranka, kuwaasoo kala ah: Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska XDS.

A- Wasaaradda Gaashaandhigga

Waajibaadka iyo awoodaha Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa ugu mudan :

1) Diyaarinta iyo Isku dubaridka Siyaasadda Difaaca Qaranka.

2) La socdka iyo hubinta habsami u socodka hawlaha Difaaca Qaranka (overseer/supervisor position).

3) Qaybinta Miisaaniyadda (Khrajaka) Ciidanka.

4) Wargalinta iyo la socodsiinta Madaxweynaha JFS oo ah - Taliyaha Sare Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Guddiga Sare Difaaca Qaranka - hadba halka ay mareeyso hawl-fulinta Barnaamijka Difaaca Qaranka iyo wixii ku soo kordha. 

5) Wargalinta iyo wax ka dhihidda su’aalaha ay dhanka Difaaca Qaaranka ka qabi karaan labada Gole “Sharci dajinta”.

B- Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS)

Ayadoo waafaqsan “Organization Chart – Organigramma”ayaa Xaruntiisa Dhexe waxa ay, hadda, ka kooban tahay Xafiisyada kala ah:

1- Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed

2- Taliye K/Xigeenka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

3- Xoghaynta Taliyaha XDS

4- Hoggaamada Taliska XDS  oo tiro ahaan la soo koobay

Isla markaana waxaa Taliska XDS hoos yimaada saddexda Ciidan: Ciidanka Dhulka, Cirka iyo Badda.

DULUCDA QORMADA

- Hoggaamada Taliska XDS:

Hoggaamadu waa “Hay’adda hawl-fulinta ugu sareeysa Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed (Army Supreme Command Executive Body)”.

Waxa ay leeyihiin awood iyo waajibaad ku saleysan Takhasusyo Aqooneed oo Hoggaan walba u gaar ah. Waajibaadka Hooggaamada waxaa ka mid ah:

1) Dajinta Barnaamij sanadeedka Ciidanka.

2) Ka talobixinta arrimaha la xiriira waajib-gudashada Ciidanka.

3) Soo jeedinta isku bedelka iyo magacabidda Saraakisha buuxineysa xilalka  bannan ee Hoggaanka hoos yimaada.   

4) Taakuleynta Ciidamada dhanka baahida agabka iyo aqoonta ay Hoggaamadaasi  u xilsaaran yihiin.

5) Dabagalka iyo hubinta habsami u socodka barnaamij sanadeedki la dajiyay.

6) Diyaarinta qorshaha xilliga fog ee baahida iyo tayeynta XDS.

7) iyo wixii kale ee soo raaca.

Waa dhici kartaa in xaaladda iyo xilliga, markaas la marayo, aan hawlaha kor ku qodobeysan Hoggaamadu si buuxda oo dhameystiran u fulin karin, balse waa waajibaad qoran oo Hoggan kasta galka waajbaadka Xafiiskiisa ugu jira.

Si aad iila fahamto dulucda qoraalka waxaan, akhristow,  dareenkaada ku baraarujinayaa:

In kala dambeynta Ciidanka ay saldhig u tahay “Darajada iyo Xeerka Dishibiliinka”, isla markaana Organikada ama qaab-dhismeedka Ciidanku mudnaan gaar ah siinayo iswaafajinta ama isku-dheelitirka: “Xilka, Darajada iyo Aqoonta” oo saldhig u ah waajib-gudasho iyo kala dambeyn xididadeedu yihiin kuwa adag, sugan oo hufan.

Sida ay sheegeeyso xogta dhabta ah waxaan Xamar jooga oo maalin kasta soo shaqa taga ilaa 20 Jeneraal oo leh aqoon iyo waaya-argnimo facweyn, kuwaasoo ah hambadii ka hartay Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee barisamaadkii.

Sidoo kale, Darajada Gaashaanle Sare (G/le Sare) waxaa Xamar jooga ilaa 100 leh aqoon iyo khibrad shaqo soo jireen ah.

Hase yeeshee, Madaxda Qaranku waxa ay kuwaas ka doorbiday in ay xilka “MADAX HOGGAAN” oo aan doorka waajibaadkiisa shaqo kor ku soo qodobeyay u magacaabaan Saraakiil curdan ah (junior) oo ciidanka ka tirsan muddo aad u kooban, darajadooduna tahay DHAMME “Captain” (waxaan idaacadaha ka maqlaa erey-bixin igu cusub, ayagoo darajadaas lagu sheegayo “Saddex Xiddihgle”). Kuwaas ayaa maanta ku fadhiya kuraastii xilkooda lagu jaangooyay darajada “G/le Sare ama Sareeye Guuto - Rank of Colonel or General Brigade”.

Ka sii darane, waxa la sheegaa in Saraakiishaan “Dhamme-yaasha”ah, qaar ka mid ah, si loogu magacaabo xilka Madax Hoggaan laga qaaday imtixaan riwaayad ah (show off):

1- loo qaaday qaab beleed.

2- lagu qaaday goob khaldan aan munaasab ahayn.

3- ay qaadeen dad aan munaasab u ahayn.

Kadibna waxa ay xilka Hoggaamada ka tirsadeen Jeneraalo muddo dheer Ciidanka ku soo jiray wax badanna xog-ogaal u ah, kuwaas oo leh awood “Talobixin iyo Toosin”. Saraakiishaas da’da iyo darajada yar, ka sokoow, in aysan lahayn aqoon iyo waaya-aragnimo ay xilka “Hoggaan” ku qabtaan, waxa aanay xittaa aqoon u lahayn ama aanay kala saari karin Madaxda ay xagga shaqada la leeyihiin xiriirka toosan iyo midka dadban.

Waana arrinta sababtay in, mid ka mid ah, maalmo yar kadib laga qaado xilkii madax Hoggaan, kadib markii uu ammar ka diiday Madaxdiisa tooskaa, sabaab aanan jeclayn in aan halkaan ku faahfaahiyo.

Hooggaamadu waa maskaxda go’aamisa hawl-qadadka Ciidanka XDS, waa marjica iyo khubarada loo noqdo ama ka talobixiya marka wax qaldamaan.

Waxaa jiray maqaal 24-kii Seteembar 2019 ku soo baxay mareegta “Hiiraan Online” oo aan ciwaan uga dhigay “Jeneraal Odowaa dhiirigali mooyee dhaliil nagama mudna”. Waxaan fursadaan uga faa’ideysanayaa in aan ugu jawaabo asaxaab aan sheeko-wadaag nahay oo degan halkaan (London), kuwaasoo  Jeneraal Odowaa ku dhaliilay inuu yahay Sarkaal da’ yar, 32 Jir.

Haddaba, ayaga iyo intii ku fikrad ah waxaan xasuusinaya in Jeneraal Maxamed Cali Samantar (Taliyihii ugu muddada dheeraa xilka hoggaaminta Xoogga Dalka Soomaaliyeed) bishii Janaayo 1970 asagoo 39 jir ah (1931-1970) loo dalacsiiyay darajada “Sareeye Guuto” loona magacaabay Taliyaha XDS.

Jeneraal Samantar iyo Jeneraal Odowaa labadaba ayagoo ahaa “Gle Dhexe” ayaa  laga bootiyay darajada “G/le Sare” loona dalacsiiyay “Sareeye Guuto”.

Hase yeeshe, waxaa aad u kala fog Xaaladda iyo Duruufaha dalka ka jiray xilligii Jeneraal Samantar iyo midda hadda hor taalla Jeneraal Odowaa.

a) Jeneraal Samantar waxa uu fursad iyo nasiib u yeeshay inuu ka shaqeeyo kadibna Taliye ka noqdo:

1- Ciidan xulashadiisa shuruudo adag loo dajiyay.

2- Ciidan lagu barbaariyay mudnaanta ay leedahay difaaca Dalka iyo jaceylka Calanka.

3- Ciidan leh Dishibiliin iyo kala dambeyn aad u sareeysa.

4- Ciidan leh moraal iyo isku kalsoonaan heerkeedu sareeyo.

5- Ciidan qaab dhismeedkiisa (Organiko) iyo darajada Saraakiisha hoggamineysa la is waafajiyay ayadoo leh hab-raac qorsheysan, waqti hore la dajiyay.

6- Ciidan tayadiisa iyo awoodiisa loo aqoonsaday inuu ka mid yahay kuwaa uGu fiican, guud ahaan, qaaradda Afrika.

7- Ciidan dalacaadda Saraakishiisa loo qoondeyay muddo sanadeed cayiman oo darajo kasta u gaar.

8- Ciidan ka fayoow caadifa qabiil, isla markaana arrimihiisa aanay, sina, kaalin uga banaaneeyn faragalin oday-dhaqameed, siyaasi xildoon ah iyo (4.5).

9- Dal ay ka jirto deganaasho Siyaasadeed iyo nolol jaban oo xakameeysan.

b) Halka, nasiibdaro, hoggaaminta XDS ee Jeneraal Odowaa ay ku soo aaday xaalad intaas oo dhan ka duwan (kasoo horjeeda):

1) Waa dal burburay iyo dad kala tagay oo u baahan dib-u-dhis iyo isku soo dumid.

2) Ummad kala shakisan oo degaan beeleed iyo dawlado yar yar u qaybsan.

3) Ciidan dib-u-dhiskiisu ku bilaawday qaab beeleed, isku dhafkiisana ay hortaagan yihiin siyaasiyiin iyo kuwo dano gaara ka leh. Isla markaana, aanay jirin awood dhaqaale iyo miisaamiyad ku filan in lagu maareeyo baahida uu qabo. 

4) Ciidan ay dul dagan yihiin kuwo shisheeye oo ilaashanaya danooda gaarkaa iyo doolarka ay qaataan.

5) Ciidan xafiisyada Hoggaamadiisa ay madax iyo garwadeen ka yihiin Saraakiil darajada “Dhamme” oo aan laga filan karin, talo, waaya-aragnimo iyo aqoon ay Jeneraal Odowaa ku biirin karaan.

6) Ciidan ku jaahwareray magacyada iyo wajiyada cusub Taliyeyaasha XDS oo bedelkoodu noqday lix-biloodle lagu saantiranayo.

 7) Dal faragalintiisa ay ku tartamayaan Dawlado Carbeed daneysanaya oo aan rabin in aad dawarsigooda ka xorowdo.  

8) Dal ummaddiisu midnimada iyo wadajirka ka doorbiday qabiilka iyo kala qoqobnaanta. Sidaana ku dan seegtay, dib-u-dhaceeda iyo in la damaaciyana ayadu sabab u ah “Ciddii tashan weyda waa loo talin”.   

Guntii iyo gabagabadii, Ciidanka la rabo in Jeneraal Odowaa hoggaamiyo waa mid la ildaran oo ku haftay mawjadaha xooggan ee ka dhashay caqabadaha kor ku qodobeysan. Dhanka kale, Madaxda Qaranka waxaa looga fadhiyaa in ay deg deg ugu soo magacaabaan xilalka “Taliye K/Xigeenka XDS iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka” labo Sarkaal oo anshaxa, aqoonta iyo waayo-aragnimada lagu xushay waxna ku kordin kara aqoonta iyo khibradda xilligaan adag u baahan yahay XDS. 


Dirir Abdi Ibramim (Goodax)
[email protected]
Tel: 00447960956384


 





Click here