11/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Ads By Google
Shaqsiga sanadka 2014 : Abuukar Cawaale (Qaad-diid)

Tafatirayaasha Hiiraan Online
Wednesday, December 31, 2014

Soomaaliya waxay waqti ahayd mid ka mid ah waddamada ka tilmaaman qaaradda Afrika. Haseyeeshee, waxaa muuqata in muddooyinkii u dambeeyay ay dadka Soomaaliyeed ku guuldarraysteen in ay abuuraan nidaam saldhigta oo dhaliya nabad, wadanoolaansho iyo midnimo. Arrimaha loo aaneeyo guuldarradaas waxaa safka hore uga jira xeerinta qabyaaladda oo keenta caddaaladdarro ugu dambeynta horseedda colaado aan cidina mahadin.  Maandooriyaha loo yaqaanno Qaadka, ayaa isaguna muddooyinkaan dambe bulshada Soomaaliyeed ku haya dhibaatooyin baaxad leh oo isugu jira: kuwo caafimaad, dhaqaale iyo mid bulashaba. Warbixinnada qaar ayaa tilmaamaya in dhaqaalaha Soomaalida gudaha waddanka ku nool uga baxa cunnidda qaadku uu aad uga badanyahay miisaaniyadda sanadlaha ah ee maamuladda waddanka ka arrimiya. Qaadka iyo dhibaatooyinka uu dabada ku wataba waxaa la dhihii karaa waa kuwo uga sii daray xaaladda dandarrada iy degganaansho la’aanta ah ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Aafada ka dhalatay Cunidda maandooriyaha qaadku kuma koobna Soomaalida ku nool waddanka gudhuhiisa oo kaliya, waxaase dhibaatadiisa laga dareemi karaa inta badan dhammaan waddamadii ay Soomaalidu u qaxday. Cunista qaadku waxay sababtay qoys iyo qaran burbur intaba.Warbixinnada laga qoray saameynta dhinacyada badan ee uu qaadku ku leeyahay dadka cunaa runtii waa kuwo argagax leh. Dadka uu qaadku naafeeyay ee uu asaaggood ka reebay waxaa ugu badan dhallinyarada oo in badan oo ka mid ahi ay qaadka u arkaan wax looga madadaasho niyadjabka iyo jihowareerka ay ka dhaxleen xaaladda qallafsan ee ay dadka Soomaaliyeed ku suganyihiin meeshii ay doonaan dunida ha uga noolaadaane.

Abuukar Cawaale ( Qaad-diid), wuxuu ka mid ahaa dhallinyaraddii u soo qaxday waddanka Ingiriiska, siiba magaalada London sanadkii 1997kii. Inkastoo uu lahaa hami durugsan iyo himilooyin uu hiigsanayay, haddana, nasiibdarro, wuxuu ka mid noqday dhallinyarada howsha ka dhigatay qaad cunidda ee habbeenkii oo dhan soo jeeda, maalintiina sariirta saaran. Muddo ayuu sidaas ku jiray ilaa wixii uu hiigsanayayba ay ku soo koobmeen helidda marduuf qaad ah iyo halkii uu habeenkaas ku dhafri lahaa. Mararka qaarkoodna, waxaaba dhici jirtay inuu habeenno iyo maalmo isku xiga ku soo jeedo cunista qaadka.

Bishii Abril, sanadkii 2004tii, ayaa Abuukar oo 48 saacadoood u soo jeeday qaad cunid, waxaa tooray ku boobay nin ay marfash wada fadhiyeen. Abuukar waxaa halkaa ka gaaray dhaawac culus, markii ay middiyi afar jeer uga dhacday  meelo halis ah. Waxaa halkaas yimid oo dhaawacii Abuukar goobta ka qaaday gurmadka degdeg ah iyo ciidamada amniga ee magaalada London. Nasiib wanaag, waxay dhakhaatiirtii isbitaalkii la geeyay u sheegeen  inuu ayaan badan yahay, dhaawacyada ka gaaray xuddunta iyo feeruhuna aysan noloshiisa khatar ku ahayn oo uu ka bogsan doono. Markuu soo miyirsaday, ayaa Abuukar oo dulsaaran sariirtii isbitaalku wuxuu dib u milicsaday waayihiisii qayilaadda iyo wixii uu qaadku baday. Wuxuu ka murugooday natiijada foosha xun ee ka dhalatay balwaddii uu ku mamay.Wuxuu isku canaantay isbitaalka dhexdiisii, wuxuuna halkaa ku qaatay go'aan kama dambeys ah oo uu noloshiisa wax wayn uga baddalayo.

Markuu caafimaaday ka dib, wuxuu si degdeg ah u bilaabay waxbarasho, muddo ka dibna wuxuu helay shaqo, wuxuuna sameeyay horumar badan oo xagga nolosha ah.  Markii uu cagaha dhulka ku hubsaday, noloshiisiina habeeyay, Abuukar wuxuu u guntaday sidii u badbaadin lahaa dadka walaalihiis ah ee wali hamuunta u qaba cunidda qaadka, halistiisana ka diimoon. Wuxuu go’aansaday inuu badbaadiyo oo u digo  dadka dhallinyarada u badan ee sida warmoogennimada ah ugu soo lugaynaya waddadii qodxaha iyo qaniinka badnayd ee uu halista ku soo mutay. Wuxuu billaabay halgan dhinacyo badan oo uu u galay sidii qaadka looga xaraantinnimayn lahaa waddanka Ingiriiska.

Ugu horrayn, Abuukar isagoo adeegsanaya waaya-aragnimadiisii hore, wuxuu go'aansaday inuu dadka Soomaaliyeed ka wacyi geliyo aafada ay leedahay cunidda qaadku. Wuxuu billaabay inuu haddallo xamaasadeysan ka jeediyo kulamada iyo shirarka ay Soomaalidu iskugu timaado oo aad looga bartay. Dhanka kale, warbaahinta Soomaalida ayuu Abuukar ka sameeyay barnaamijyo badan oo uu uga hadlayo dhibaatada qaadka. Walow ay aad u yarayd taageerada uu ka helayay bulshada Soomaaliyeed, haddana, dadka badankiisu wey soo dhoweeyeen ololahan cusub ee ciribtirka qaadka.

Isagoo ka faa'ideysanaya guuxa iyo dareenka dadka ayuu Abuukar ku guuleystay inuu aruuriyo sixiixyo kor u dhaafaya 72.000, ulana tagay xukuumadda ka arrimisa waddanka Ingiriiska. Waxaa muuqatay in ay dadka Soomaalida ahi arrin ku midoobi karaan, saameyn muuqatana yeelan karaan. Arrinkaasi wuxuu keenay in warbaahinta Ingiriisku ay dhacdadaan xiiseeyaaan si aad ahna wax uga qoraan arrimaha qaadka iyo Soomaalidaba. Abuukar oo u muuqda mid markaan halgankiisa Qaad-diid laga wada warhayo, ayaa tallaabadiisii xigtay waxay noqotay inuu la kulmo oo xafiisyadooda ugu galo madaxda sarsare ee waddanka Ingiriiska oo ay ka mid yihiin, wasiirka Arrimaha gudaha iyo kan ka hortagga maandooriyeyaasha. Waxaa kale oo uu Abuukar tagay aqalka looga taliyo Ingiriiska ee NO 10 Downing Street oo uu gaarsiiyay dhambaalkiisii uu ku doonayay in qaadka laga xaaraantinnimeeyo dalka Ingiriiska.

Wararkii iyo faallooyinkii warbaahinta Ingiriiska ee ku saabsanaa Qaadka iyo halganka Qaad-diid, waxaa ku baraarugay waddamadii soo dhoofin jiray qaadka oo halganka Abuukar  iyo intii garabsiinaysay u arkay mid lagu wiiqayo dhaqaalahooda. Waxayna dhankooda dowladda Ingiriiska ka codsadeen inaan qaadka la joojin oo aan la cunqabataynin. Dhanka kale, waxaa dullaan aan gabasho lahayn Abuukar ku soo qaaday ganacsatadii qaadka iyo qaar ka mid ah qaad-cuneyaashii qaxarka laga badbaadinayay. Aflagaaddada iyo cagajuglayntu waxay ka midnoqdeen nololmaalmeedka Abuukar, ayadoo markii dambena loo gaysatay dhaawac culus oo xagga madaxa laga gaarsiiyay. Nasiibwanaag, iskudayadaas lagu damacsanaa in lagu horjoogsado ololaha dabargoynta qaadku ma noqon kuwa guuleysta, ololilihii oo sii labakacleeyayna halkiisii ayuu ka sii socday.

Markii ay sii kululaatay dooddii qaadka iyo hadalhayntii warbaahinta ayay dowladda Ingiriisku u xilsaartay guddi gaar ah oo u qaabilsan arrimaha maandooriyeyaashu in ay soo qiimeeyaan waxa qaadka laga yeelayo. Guddigaasi, Febraayo 2013kii, warbixin ay soo saareen ayay baaritaankoodii ku soo gabogabeeyeen in dhibaatada qaadku ay tahay mid kooban, sidaas daraaddeedna aan loo baahnayn in laga joojiyo waddanka Ingiriiska. Inkastoo uu go'aankaasi  ahaa mid culayskiisa leh, haddana halgankii Abuukar iyo intii yarayd ee uu garabka ka helayay kuma qancin go'aankaas, waxayna shaaciyeen in ay dacwad geynayaan maxkamadda sare haddii ay dowladda Ingiriisku aqbasho talabixinta lagu sahashaday waxyeellada qaadka. Waxaa dacwaddaas gacan lama illaawaan ah ka gaystay hay’adda Legal Aid oo iyadu gacan siisa dadka danyarta ah oo aan haysannin dhaqaale ay ku kasbadaan garyaqaanno gaar ah oo arrimahooda u dooda. Waxaa kale oo xusid mudan bannaanbaxyo ka dhacay waddanka Ingiriiska oo looga soo horjeeday xalaaleynta qaadka iyo warbixintii ay soo saareen guddigii loo xilsaaray.

Bishii July, 2013kii ayay ugu dambeyntii dowladda Ingiriisku go’aansatay in qaadku ka mid yahay maandooriyeyaasha halista ah, waxaana laga xaaraantinnimeeyay waddanka Ingiriiska. Arrinkaas oo ay aad u soo dhaweeyeen bulshooyinkii uu qaadku naafeeyay oo ay a  Soomaalidu ugu horrayso. Dhanka kale, waxaa go’aankaas dowladda Ingiriisku gaartay dacwo kala horyimid dowladda Kenya iyo ganacsato asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo ku doodaya in joojinta qaadku ay sababeyso dhaqaale xumo iyo shaqo la’ aan baahsan. Waxa kale ay ku doodayaan in qaadku yahay dhaqan ay jiilal iska soo dhaxleen, ayna ka soo horjeeddo xuquuqda aadanaha in dowladda Ingiriisku ay dadka dhaqamadooda farageliso.

 Arrinkaas waxaa mar kale gaashaanka u daruuray Abuukar Cawaale iyo intii garabtaagnayd. Ugu dambayntiina, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska, Tharesa May, ayaa ku adkeysatay in qaadku yahay maandooriye  ayna mudan tahay in la xaaraantinnimeeyo. Go’aankaasina waxuu waddanka Ingiriiska ka dhaqangalay 24 juun 2014ka. Waxaa go’aankaas oo ahaa mid aad loo sugayay uu noqday mid aad loogu diirsaday, looguna dabbaaldegay.Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Ingiriiskuna waxay arrinkaan u arkaan tijaabo guulaysatay  oo loo qaaday dhanka horumarka. Waxaa kale ololahaan ka abuurmay isku soo dhowaansho iyo iskukalsoonaan ah in Soomaalidu ay xaqooda soo dhacsan karaan.

Abuukar Cawaale (Qaad-diid), kuma qanacsana in daIka Ingiriiska Qaadka laga xaaraantinnimeeyay oo kaliya. Wuxuu hadda olole hor leh ugu jiraa sidii wax looga qaban lahaa musiibooyinka uu Qaadku ku hayo in badan oo ka mid ah Soomaalida ku nool  gudaha waddanka  Soomaaliya iyo waddamada la dariska ahba. Wuxuu u heellan yahay howl cusub iyo halgan hor leh.

Haddaba,  Golaha Tifaftireyaasha  Hiiraan Online, markuu  qiimeeyay dadaalka aan daalka laheyn ee Abuukar Cawaale (Qaad-diid) iyo saaxiibaddiis ay ugu jiraan dabargoynta maandooriyaha qaadka. Markuu ogaaday sida mideysan ee ay Soomaalida ku dhaqan daafaha dunida, gaar ahaan waddanka Ingiriisku u soo dhoweeyeen guushii xaaraantinnimeynta qaadka. Waxaa sharaf u ah in goluhu uu u doorto in Abuukar Cawaale ( Qaad-diid) uu noqdo shaqsiga Hiiraan-Online ee sanadka 2014ka. Waxaan ku amaaneynaa Abuukar Cawale  guusha dhaxalgalka ah ee uu soo hooyay. Taas oo tusaale fiincan u noqon karta shaqsi kasta oo ku haminaya inuu ummaddiisa waxtaro. Waxaan u rajeyneynaa, uguna duceyneynaa Abuukar in uu Rabbi u fududeeyo ololaha dabargoynta qaadka ee dhowaan la filayo inuu dhulkii Soomaaliya ka billaabo.

Hiiraan-Online, waxay taageeraysaa dadaal kasta oo waxtar leh, waxna loogu qabanayo shacbiga Soomaaliyeed ee dhibban. Waxaanan ku baaqaynaa in aan loo kala harin oo la taageero ololaha dabargoynta maandooriyayaasha, siiba sunta cagaaran ee qaadka oo ah kan ugu saameynta ballaaran ee ay maanta bulshada Soomaaliyeed la dhibbantahay.


Bahda Hiiraan Online waxay sannad waliba u doorataa shaqsiga sannadka qofka ay dhalashadiisu tahay Soomaali isla markaana hawlo wanaagsan ka qabtay hurumarinta ummadda Soomaaliyeed.



advertisements
 
Click here