4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Dowladda Britain oo Mamnuucday Qaadka (June 24, 2014)


Ra'iisul Wasaaraha Dalka Britain iyo xayiraadda Qaadka dalka Britain

“Laga bilaabo manta (June 24),  qofkii dalka Britain ku dhex haysta  QAAD ama qaybinaya, waa qof sharciga jabinaya. Go’aanka dowladu ay ku joojisay maan-dooriyahaan, waa laga soo dhaweeyay dalkaan, gaar ahaan kuwa uu haligay xaasaskooda, nimankood, iyo wiilashooda; kuwaasoo  sanado badan  halgan ugu jiray joojinta qaadka.  Anigu waxaan rabaa inaan u sheego dadka saddex sababood oo waawayn, oo igu qancinaya  inaan ku saxsanahay joojintiisa.

Waxaan u arkaa waajib i saaran daafaca iyo u hiilinta dadka tabarta yare ee u nugul dhibaata kasta ee bulshadeena. Maxaa yeelay curiyayasha qaadka ee Cathine iyo Cathinone, horay ayay dalkaan sharci daro uga ahaayeen, waana arrin naga mudan fiiro iyo ka feker dhibaatada ay u keeni karto caafimaadka dadka.

Sidoo kale waxaan qiimaynaynaa dhibaatada bulsho ee qaadku leeyahay.  Inkastoo waqtiyo gaar ah laga cuno wadamada ay ka mid yihiin, Somalia, Ethiopia iyo Kenya, hadana waxaa la qiyaasay in ugu yaraan kala badh raga Soomaalida ee ku noo Ingriiska ay barjeeyaan, iyadoo tobankii nin midkood uu maalin kasta qayilo, saacado badana ku dhumiyo fadhigaas. Sidaas daraadeena, waxaa qaybo badan oo ka mid ah bulshadu, u aaneeyaan qaadka burburka qowska. Shaqo la’aanta, shaxaadka, iyo ganacsiga sharci darada/kontobaanka ah ee maandooriyaasha. Arrimahaanu waxay ka mid yihiin sababta Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dawladuba ay u go’aansadeen joojinta qaadka oo aan dhibtiisa  loo sii dulqaadan Karin.

Tani waxay ina tusaysaa sida dowladani ugu heelan tahay daryeelka iyo u nuglaanta cabashada muwaadiniinta ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed. Waxaan kaloo dadaal ku bixinaynaa dib- u- dhiska dalkii Soomaaliya oo aan u qoondaynay £80 milyan oo ganiga isterliinka ah si loo quudiyo carruurta tabaalaysan, loona abuuro shaqo-siin. Horay waxaan wax uga gudoominay laba shirwayne caalami oo ku saabsanaa dib-u-dhiska Soomaalya. Waxaan ku guulaysanay la dagaalanka burcad-badeedka iyo u jilib-dhigida argagixisada. Waxaanu Soomaaliya ka garab istaagnay macaluushii abaarta ee 2011kii, talaalkii caruurta, iyo in la helo biyo nadiif ah. Haddana waxaanu ka jawaabaynaa codsigii in badan oo ka tirsan Jaaliyad Soomaaliyeed ee dalkaan Ingiriiska oo ahaa in wax laga qabto dhibaatada qaadka.

Tan labaad waxay tahay in siyaasi ahaan aan rumaaysan inaan shacabkayga ku taageero u halgenka nolol aayatiin leh, waana arrin mabda’ u ah siyaasada xisbigayaga oo ah in dadku heer sare ka garaan dhinacyada shaqada, tacliinta  iyo hoos u dhigida canshuuraha, taasoo aan suuragal u noqon Karin qof habaynkii oo dhan qaad u fadhiya, maalintiina aan shaqo hawaysan Karin oo marqaansan, markaasna ay seegayso kaalintii uu ku lahaa howlaha bulshada iyo qowskiisiiba.

Way jiraan dad qaba in arrintan qaadku ayan ahayn shaqada dowlada,waase ku khaldan yihiin sida anigu aan rumaysnahay; maxaa yeelay wa kasta oo dadka iyo beelaha dhib u keeni kara, dalkan Ingriiska, madaxdiisaba loogama dulqaadan karo, ha yaraadeen dadka cabanayaa ama Jaaliyad kasta ha ka soo jeedeene.”

Tan saddexaadi waxay tahay, wadankaan Ingiriiska  oo deg-deg u noqonaya xaruntii Europe loo marsiinaya qaadka kontrobaanka ah. Maandooriyahaan (qaadka) mar hore ayaa qaaradaan Yurub, Maraykanka iyo Kanadaba laga xaaraameeyay

Marka sadexdaas arrimood baa ugu waawayn sababaha aan ugu qanacnay joojinta qaadka. Ujeededa wayn ee dowladanu arrintaan qaadka ka leedahayna waa in dadku helo deganaansho iyo xasilooni dhinac kasta oo nolosha ah. Ka’ ilaalint maandooriyahaan dhaqanka iyo nolosha dadkeena iyo wadooyinka ay maraan carruurteenu waxay saldhig u ahayd go’aanka aanu manta qaadka ka gaarnay.

David Cameron
Ra'iisul Wasaaraha dalka Britain



 





Click here