4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Faragelinta Itoobiya ee Arrimaha Soomaaliya
fiogf49gjkf0d

ARAGTIDA
HIIRAAN ONLINE
Saturday May 16, 2008


Soomaalida oo dhan, siyaasaddoodu dhankii ay doontaba ha u janjeerto eh, Itoobiya iyo weliba beesha caalamku, dhammaan, waxay isku raacsanyihiin inay Itoobiya si aan xad lahayn xilligaan faragelin ugu hayso arrimaha Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxa jira aragtiyo iyo sheegashooyin kala duwan oo kasoo baxaya dabeecadda, xuduudda iyo saamaynta ay faragelinta caynkaas ahi ku leedahay khilaafka Soomaalida dhexdeeda ah.

Sida dhabta ah, waxa jira saddex aragtiyood oo waaweyn; Sheegashada madaxda Itoobiya, sheegashada dowladda kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo sheegashada isbahaysiga dib-u-xoraynta Soomaaliya.
Qormadan tifaftirka ahi waxay soo bandhigaysaa kala duwanaanta aragtiyeed ee ku dahaaran faragelinta Itoobiya iyo joogitaanka ciidamada itoobiyaanka ah ee Soomaaliya.

SHEEGASHADA  ITOOBIYA

Itoobiya faragelinta ay ku hayso Soomaaliya waxay u muujinaysaa inay tahay mid leh dabeecad  daacadnimo iyo dan wadaag, kol hadday Soomaaliya tahay dal Afrikaan ah oo Itoobiya deris la ah, ayna halakeeyeen iska-hor-imaadyo hubaysan oo kala duwan iyo dagaallo sokeeye oo socday siddeed iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, sidAas darteedna degganaan la’aanta Soomaaliya ay khatar ku tahay ammaanka iyo nabad-gelyada dalka Itoobiya.

Hoggaamiyeyaasha Itoobiyaanku waxa kale oo ay ku doodayaan inay siddeed iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay si aan ka-daalis lahayn ay uga shaqaynayeen sidii ay nabad iyo degganaan ugu soo dabbaali lahaayeen Soomaaliya, iyagoo qaban-qaabinayay shirar dib-u-heshiisiin qaran, sidoo kalena bixinayay taageero millaiteri. Maamuleyaasha Itoobiya waxay caddeeyeen sida ay iyagu ugu sharfanyihiin inay marti geliyeen shirar badan oo dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed, iyaga oo laba jeer oo hore magaala madaxdooda (Addis Ababa) iyo magaalooyin kale sida; Awasa iyo Sodere ku casuumay hoggaamiye kooxeedyada Soomaalida iyo qab-qableyaasha dagaalka intaba.

Itoobiyaanku waxa kale oo ay hoosta ka xarriiqayaan inay taageereen shirar dib-u-heshiisiineed oo kale oo lagu qabtay dalalka deriska ah ee geeska Afrika sida Jabuuti iyo Kenya (shirarkii Carte iyo Mbagathi siday isugu xigaan), halkaas oo hoggaamiyeyaasha Itoobiya oo ay ku jiraan Ra’iisul-wasaaraha iyo wasiirka arrimaha Dibbadu ay  ka qayb-galeen munaasabadihii lagu dhaarinayay madaxweyneyaashii iyo xukuumadihii kumeel-gaarka ahaa.

Itoobiyaanku waxa kalooy carrabka ku adkaynayaan xaqiiqada ah in Itoobiya ay tahay dunida oo dhan dalka keliya ee muwaadinka Soomaaliga ahi uu Fiiso ama Baasaboor la’aan geli karo kana bixi karo. Waxa weliba intaa dheer, hadal haynta ku saabsan inay dalkooda ku hayeen welina ku hayaan boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah.

Calaamad kale oo tusinaysa Itoobiya inay tahay dal deris ah oo wanaagsan, madaxda Itoobiyaanku waxay tilmaamayaan xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin jamhuuriyadda iyadu is-magacawday ee  Soomaaliland. Caddayn kale oo ku aaddan doorka wanaagsan ee ay Soomaaliya ka ciyaaraan, Itoobiyaanku waxay sheegayaan inay sanado badan xiriir aad u wanaagsan la lahaayeen dhammaanba qab-qableyaashii dagaalka ee saldhiggoodu ahaa Muqdisho iyo weliba hoggaamiye-kooxeedyadii ku sugnaa gobollada ; Bay, Bakool, Hiiraan, Jubba iyo Gedo.

Madaxda Itoobiyaanku iyagoo qeexaya faragelinta ay haatan arrimaha Soomaaliya ku hayaan, waxay leeyihiin; waxa weeye tusaale ku dayasho mudan oo naf-hurid ah, iyagoo khatar u gelinaya nolosha ciidamadooda, kuna qallajinaya dhaqaalohooda ewelba liitay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen sidii loo xasilin lahaa arrimaha Soomaaliya, ugu dambayntana loo dhisi lahaa heykalkii dowladeed ee qaranka Soomaaliya.

Sheegashada hoggaamiyeyaasha Itoobiya waxa weeye in ulajeeddada keliya ee ka dambaysa inay xilligaan kusoo duulaan oo qabsadaan Soomaaliya ay tahay dhidibbada sidii loogu aasi lahaa dowladda sharciga ah ee Soomaaliya, lahaa danaha amnigeeda qarannimana looga difaaci kooxaha islaamiyiinta asal-raaca ah ee ka jira Soomaaliya.

ISBAHAYSIGA DIB-U-XOREYNTA SOOMAALIYA

Kooxaha xornimo-doonka ah ooy ku jiraan tiro fara badan oo Soomaalida dibadda ah oo kacdoodsani waxay rumaysanyihiin in siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaalidu ay daacadnimo aad uga fogtahay. Waxay ku doodayaan in Itoobiya waxa dhaqaajinayaa ay yihiin dana qarsoodi ah oo ay Soomaaliya ka leedahay. Isbahaysiga dib-u-xoreynta Soomaaliya oo saldhiggiisu uu yahay Asmara iyo aqoonyahannada Soomaalida intuba waxay si cad u qeexayaan sheegashadooda waddaninimo. Waddaniyiinta Soomaalyeed waxay sheegayaan in taliska Itoobiya ee xilligaan jiraa uu arrimaha Soomaaliya ku dhiiqday. Waxay leeyihiin madaxda Itoobiya waxa ay si aad ah u rumaysanyihiin in dowlad dhab ah oo Soomaaliya ka dhalataa ay khatar ku tahay Itoobiya. Sidaas darteed bayba usii burburrinayaan una sii dhantaalayaan cadawgooda soo jireenka ah ee dhacay.

Waddaniyiintu waxay ku doodayaan in Soomaaliya iyo Itoobiya laba jeer oo hore ay laba dagaal oo waaweyni  dhex mareen (1964 iyo 1977), waxayna carrabka ku adkaynayaan in fikradda ah in Itoobiya ay hormuud ka tahay arrimaha nabadda Soomaaliya ay tahay wax lala yaabo, waxayna ka dhigantahay fikradda ah in lagu aamino oo la geliyo ammaanka Yuhuudda ama aayaha Falastiinta gacanta qolada kale. Kooxaha Itoobiyaanka kasoo horjeedaa waxa kale oo ay caddaynayaan laga soo billaabo 1977kii, in Itoobiya ay ahayd halka laga baahiyo, lagana bixiyo hubka iyo siyaasadda dhabta ah ee uu ku shaqeeyo qab-qable dagaaleed kasta, arrintaas oo sii bas beelisay qarannimadii Soomaaliya ee burburtay. Haddaba, Itoobiya inay xiriir wanaagsan la lahayd qab-qableyaasha dagaalka Soomaaliya, kama aanay aha naxariis iyo kaalin hufan oo ay Soomaaliya ka haysay, sida ay ku andacoonayso, balse  waxay caddayn u tahay siyaasaddeeda ku dhisan “qaybi oo xukun”.

Waddaniyiinta Soomaalidu waxay u codeynayaan sheekada ka dambaysay abuuristii dowladda kumeel-gaarka ahi inay ahayd - siday iyagu u arkaan - si dadban u maamulid ay Itoobiya u maamusho arrimaha gudaha ee Soomaaliya iyo heerka aadka u fog ee ay arrintaas ka gaartay. Waxa kale oo ay ka digayaan khatarta ka dhalan karta gacan-dhaafka Itoobiya ee aan xadaysnayn. Waxay qeexayaan in Itoobiya ay iyadu curyaamiday dowladda kumeel-gaarka ah keddib markii ay abuurtay sanaddii 2001 SRRC, oo ay ku tilmaamayaan inuu ahaa urur gaar ak oo ay ku bohoobeen qab-qableyaasha dagaalka ee Soomaalida kuwii ugu xumaa.

Sida ay qabaan waddaniyiinta Soomaalidu, Itoobiya waxay isa siisay iyadoo ay barbar taaganyihiin waxay ugu yeereen “dalalka safka hore” xaq ay u leedahay inay maamusho shirarkii Eldorat iyo Mpagathi, waxayna si aan qarsoodi ahayn u xeeladaysay sidii waddaniyiinta iyo islaamiyiinta Soomaaliyeed shirarkaas looga reebi lahaa. Itoobiya waxa kale ooy awood u siisay kooxaha iyada taabacsani inay shirka hor boodaan, kuwaas oo ugu dambaytii noqday xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, keddibna iyagu doortay madaxweynaha xilligaan oo isagu Itoobiya maqaar-saar u ah, isagii oo isna markiisa magacaabay Ra’iisul-wasaare sidiisa oo kale maqaar-saar ah.

Haddaba, waddaniga Soomaaliyeed, dowladda kumeel-gaarka hi waxay uga dhigan tahay daba-dhilif ay Itoobiya abuurtay oo ka shaqeeya danaha ay Itoobiya ka leedahay shacbiga Soomaaliyeed. Kooxaha mucaaridka ahi waxay ku doodayaan in dowladda kumeel-gaarka ahi ay Itoobiya dallad siyaasadeed oo sharci ah u siisay inay  ka gungaarto hadafkeedii qarni jirsaday ee  ahaa inay qabsato oo ay xukunto Soomaalia. Waddaniyiinta Soomaaliyeed waxay qabaan xoreyn iyo xukun-ka-ridisi inay yihiin xalka keliya, taasina waa sababta kooxda ugu weyn ee mucaaridka ahi u isticmaasho magaca isu-tagga dib-u-xoreynta Soomaaliya.

Isu-tagga dib-u-xoreynta Soomaaliya wuxuu rumaysany ahay in raadka xun ee ka dhashay faragelinta Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya uu dhayda ka cadyahay, cid kasta oo wararka dhega-dhegeysana u muuqdo; baaba’ iyo burbur. Waxay ku doodayaan in bulshada caalamku gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ah xubinta qaabilsan ilaalinta nabadda adduunku go’aansadeen inay afka ka qabsadaan kuna gaaf-wareegaan su’aalaha ku saabsan fara-gelinta Itoobiya ay ku hayso Soomaaliya.

SHEEGASHADA DOWLADDA KUMEEL-GAARKA AH

Dowladda kumeel-gaarka ahe Soomaaliya waxay si buuxda u waafqasantahay qaabka ay Itoobiyaanku u sharraxayaan faragelintooda ku wajahan arrimaha Soomaaliya – xasilinta Soomaaliya iyo ka ilaalinta geyiga geeska Afrika islaamiyiinta asal-raaca ah. Waxay carrabka ku adkaynaysaa inay iyadu tahay tan awoodda u siisay Itoobiya inay dowladda kumeel-gaarka ah uga soo gurmato islaamiyiinta asal-raaca ah, aad bayna uga mahad-naqaysaa kaalmada caynkaas ah. Waxa intaas dheer, madaxda dowladda kumeel-gaarka ahi inay ku doodayaan in joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya uu yahay mid sharci ah, maadaama uu garab ka haysto; ururka IGAD, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.

Waxa dhab ah in beesha caalamku ay dowladda kumeel-gaarka ah u aqoonsantahay  dowladda keliya ee sharciga ah ee ka jirta Soomaaliya. Sidaas awgeed, xitaa jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka oo dhaqan ahaan la tacaadufa danaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, waxay awoodi waayeen inay kahor yimaadaan aragtida Itoobiya – tiiyoo dowladda kumeel-gaarka ahi ay ku qayla-dhaaminayso in Itoobiya ay tahay saaxiib dhab ah oo aysan ahayn cadaw Soomaaliyeed.

Waxa intaas dheer, dowladda kumeel-gaarka ah oo ku doodaysa in joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka iyo faragelintoodu ay yihiin wax muddo ku kooban, Itoobiyaankuna ay bixi doonaan isla marka ciidamada nabad-ilaalinta UN iyo AU ay isku fidiyaan soomaaliya, amaba dowladda kumeel-gaarka ahi ay yeelato awood ay iskaga caabbin karto handadaadaha kaga imaanaya islaamiyiinta asal-raaca ah. Dowladda kumeel-gaarka ahi waxay rumaysantahay in dhibaatada Soomaaliya aanay dhammaanayn haddii aanay gacan ka geysan beesha caalamku, kol haddii ay soomaalidu xal waara u waayeen mushkiladda labaatan jirsatay ee dhexdooda taal.
Waxaynu si xaqiiqada ku salaysan isugu daynay inan idiin soo gudbinno qormadaan tifaftirka ah ee soo bandhigaysa aragtiyada iyo danaha kala duwan ee ku saabsan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya iyo guud ahaan faragelinta Itoobiyaanku ay ku hayaan arrimaha Soomaaliya. Waxa kale oo aynu jeclaan lahayn in aan ogaanno akhristeyaasheenna sharafta lihi waxa ay ka qabaan mowduucaan ahimaydda ximbaarsan.


Fadlan ku soo dir dareenkaaga oo kooban:

Editorial@hiiraan.com