advertisements

INVITATION TO TENDER FOR TECHNICAL SUPPORT SERVICES


    INVITATION TO TENDER FOR TECHNICAL SUPPORT SERVICES


Soo bandhigidda qorshaha addeegga farsamo ee Bar-kulan.

 

Radio Bar-kulan waa hay’ad warbaahineed oo fulisa adeegga dadweynaha, kuna shaqeyso xarumo ay ku leedahay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

 

Idaacadda waxay Istuudiyeyaasheeda Muqdisho iyo Nairobi 24-ka saac maalin kasta ka baahisaa warar, warbixinno, barnamaijyo iyo heesaha dadweynaha Soomaaliya ee ku nool gudaha iyo qurba-joogta oo ka dhageysan kara adeegga bogga Internetka ee streaming-ka. Waxaa sidoo kale barnaamijyada idaacadda lagu gudbiyaa satellite-ka iyadoo la isticmaalayo adeegga Thaicom 5 Satellite.

 

Maadaama Idaacadda ay kobceyso, una guureyso xarunta cusub ee Muqdisho, waxaan raadineynaa shirkad naga taageerta dhinaca farsamada oo bixin karta adeeg farsmo oo tayo leh oo laysku hallayn karo oo ay helaan istuudiyeyaasheena, kooxda wax baahisa iyo goobaha kale ee laga baahiyo idaacadda ee guud ahaan Soomaaliya

 

Codsadaha ku guuleysta wuxuu saldhig ku yeelan doonaa xarunteena warbaahineed ee Muqdisho, wuxuuna bixin doonaa taageero farsamo oo uu siinayo howlaha sida caadiga ah uga socdo istuudiyeyaasha idaacadda, waxa uu sidoo kale dabooli doonaa baahiyaha deg-degga ah ee dhaca xilliyada ka baxsan saacadaha shaqada iyo xarumaha kale ee ku yaala guud ahaan Soomaaliya. Waxyaabaha loo baahan yahay waxaa ku jiri doonaa:

 

1-    Socodsiinta howlaha maalinlaha ah iyo dayactirka Istuudiyeyaasha, qalabka, taransimitirka, korontada iyo matoorka caawiyaha ah ee Studiyahah Muqdisho yaalla.

2-    Cillad-bixinta Studiyaha Muqdisho iyo taranisimitirrada ku yaalla Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

3-    Rakibaadda, dayactirka iyo dhismaha qalabka Taransimitirrada ah oo looga taagayo goobaha fog-fog ee shabakadda Raadiyaha Bar-kulan, iyo kormeeridda qalabka, sameynta habka looga hortagi karo inay biyo waxyeelleeyaan qalabka iyo isku-xireyaashaba, matoorrada, qalabka satellite-ka iyo kumbiyuuterrada.

4-    In si deg-deg ah looga jawaabo cabashada ka timaada goobaha xarumaha fog-fog ee Raadiyaha Bar-kulan. Lana cillad bixiyo oo xal oo helo cilladaha farsamo ee jira.

5-    In tababarro la siiyo, lana haggo shaqaalaha ku habboon ee deegaanada laga qoranayo si ay gacan uga geystaan howlaha farsamo iyo maamul ee goobaha fog-fog.

6-    In warbixino bille ah oo ku saabsan alaabta dhammaan shabakadda Raadiyaha Bar-kulan loo soo gudbiyo madaxa farsamada.

7-    In lala socdo, loona xilsaaro mas’uuliyadda qof walba oo shaqaalaha Bar-kulan ka tirsan oo loogu talagalay inuu gacan ka geysto howlahaan shaqo..

 

 

Codsadaha ku guuleysta waxa uu saldhig ku lahaan doonaa xarunta Bar-kulan ee Muqdisho, goob iyo qalabka shaqada waa la siin doonaa. Dhammaan wixii taageero maamul ah waxaa bixin doona maamulka Raadiyaha Bar-kulan oo waliba xiriirin doono howl-maalmeedka kooxda farsamada.

 

Dadka xiisaynaya howshaan waxaa lagu casuumayaa inay ka qayb-galaan bandhigga qandaraaskaan oo lagu cusbooneysiin doono qaab sanadle ah. Waxaa codsiyada lagu soo dirayaa email-ka ah [email protected]

 

Radio Bar Klan Trust

P.O. Box 2074-00621

Village Market

Nairobi

Kenya

 

Soo gudbinta codsiga yaanu ka daba-marin 17ka-Jan-2014

 

Codsiyada waa inay ku jiraan waayo-aragnimo warbaahineed oo codsadaha uu horey u soo qabtay, soo jeedinta tirada shaqaalaha loo bandhigayo qandaraaska iyo lacagaha adeeg ee la filan karo oo la muujiyo.