

SHIRWEYNAHA QURBAJOOGTA HIIRAAN EE YURUB
Copland Community School
Cecil Avenue, Wembley HA9 7DU
LONDON – 24-25 LUULYO 2011
Qurbajoogta Hiiraan ee ku nool dunida dacalladeeda ayaa fikrad isweydaarsi iyo doodo taxana oo badan ka dib, waxay isku raaceen in ay ka wada shaqeeyaan sidii bulshada Hiiraan looga dhigi lahaa kuwo NABAD ku wada noolaada, wax wada qabsanda, ka wadatashada aayahooda, kana qayb qaata dib u dhiska iyo horumarinta gobolkooda. Waxaa kaloo ay Qurbajoogta isku raaceen in laga wada shaqeeyo sidii gobolka Hiiraan NABADDA iyo XASILLOONI waarta loogu soo celin lahaa, loona horumar lahaa dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo iyadoo dib u habayn lagu sameynayo dhammaan adeegyadii aasaasiga u ahaa bulshada.
Si haddaba loo gaaro ahdaaftaasi, waxay Qurbajoogta Hiiraan isku afgarteen in la abuuro Golaha Midnimada iyo Nabadda Hiiraan (Mideeye). Golaha wuxuu isku raacay in ay muhiim tahay soo celinta kalsoonidii iyo wax wadaqabsigii bulshada Hiiraan u dhaxeyn jiray iyadoo la dhammeynayo wixii khilaafaad ah ee jira lagana hortagayo wixii dhibaateyn kara midnimada iyo wadajirta bulshada Hiiraan.
Haddaba, si loo xaqiijiyo ahdaaftaasi ayaa waxay Qurbajoogta isku afgarteen in dadaalka soo nooleynta midnimada bulshada Hiiraan laga billaabo Qurbajoogta laftigeeda. Taasina waxaa sabab looga dhigay, maadaama ay Qurbaha joogaan waxgarad, aqoonyahanno iyo hoggaamiye dhaqameydyo badan oo sameyn ku leh bulshada dhexdeeda. Latashiyo iyo falanqayn badan ka dibna, waxaa la isku raacay in Afar shirweyne oo qurbajoogta lagu walaaleynayo lagu qabto saddexda qaaradood ee ay Qurbajoogta Hiiraan ugu badan tahay dhammaadka bisha Luulyo. Waxaa shirarkan ka soo qaybgeli kara dhammaan qof kasta oo Reer Hiiraan ah .. ama ku dhashay, ku dhaqmay oo isaga isku haysta in uu yahay Reer Beledweyne, Reer Buulo Burte, Reer Jalalaqsi, iwm. Waxaa la isku afgartay in Afarta shirweyne ay ka dhacaan:
1- Shirweynaha Qurbajoogta ee Yurub oo lagu qaban doono LONDON,
2- Shirweynaha Qurbajoogta Waqooyiga Ameerika oo lagu qaban doono meel ka mid ah dalka Mareykanka
3- Shirweynaha Qurbajoogta Afrika oo lagu qaban doono Nairobi,
4- Shirweynaha Qurbajoogta Koofur Afrika oo lagu qaban doono meel ka mid ah dalka Koofur Afrika.
Waxay afartaasi shir wadaagaan Ajendaha iyo Barnaamijka. Go’aannada ka soo baxa waxaa la rajeynayaa in ay noqdaan kuwo loogu gogol xaarayo qabashada Shirweyne Hiiraan oo la filayo in uu dalka gudahiisa ka dhaco dhammaadka sannadkankan (Nofembar ama Disembar 2011). Shirweynahan waxaa ka soo qaybgeli doona dhammaan duubabka, waxgaradka, aqoonyahannada iyo qaybaha bulshada ee dalka joogta iyo wufuud ka imaneysa qaaradaha ay shirarka Qurbajoogta ka dhici doonaan.
Shirweynaha waxaa laga filayaa in uu xaqiijiyo dhammeynta khilaafaadka iyo nabadeynta bulshada walaalaha ah. Waxaa kaloo laga filayaa in bulshada Hiiraan ay ka wada tashadaan sidii gobolkooda ay u gaarsiin lahaayeen horumar dhaqan-dhaqaale oo la taaban karo iyo sidii loo heli lahaa waddo looga bixi karo qalalaasaha siyaasadeed ee curyaamiyey gobolkeena iyo Soomaaliyaba.
Waxaa kaloo laga filayaa in mideynta Hiiraan ay qayb ka qaadato dib u soo nooleynta midnimada iyo waddaniyadda ummadda Somaliyeed, maadaama ay Hiiraan weligeed kaalin muuqata ka qaadan jirtay halgannada dalka ka dhaca.
Waxaa dhammaan waxgaradka, duubabka, aqoonyahannada, ururada bulshada, ururada haweenka, ururada dhallinyarada, iyo qaybaha kale laga codsanayaa in ay si niyadsami ah uga qayb qaataan abaabulka iyo qabashada shirarkan iyo weliba isu soo dumidda bulshada Hiiraan si ay aasaas iyo wax lagu daydo ugu noqoto gobollada kale iyo bulshada Soomaaliyeed.
Marka la eego xaaladda dalka maanta marayo, waxaa waajib nagu ah in ay Hiiraan kaalin muuqata ka ciyaarto sidii xal loogu heli lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee curyaamiyey Soomaaliya. Haddaba, haddii ay Hiiraan midowdo… waxay billow u noqoneysaa Soomaaliya midowgeeda.
Haddii ay Hiiraan israacdo … waxay noqoneysaa billowga israaca ummadda Soomaaliya.
Hiiraan ha noqoto midda lagu daydo .. loogana daydo walaal jaceylka iyo waddan jaceylka.
Shirkan waxaa lagu qaban doonaa haddii alla idmo:
Copland Community College
Cecil Avenue (off Wembley High Rd)
HA9 7DX
Nearest Tube Station : Wembley Central - Busses: 18, 83, 214 , 182
Wixii Faahfaahin ah kala xiriir:
Wixii Faahfaahin ah kala soo xiriira:
Axmed Cumar:07958375117
Maxamud Xaaji Cilmi – 07949436464
Maxamud Guure – 07951843697
Libaan Daahir Nuur - 07946091161
SOOMAALIYA HA NOOLAATO…HA ISRAACDO