DJIBOUTI: Xulka kubadda cagta Soomaaliyeed ee da`doodu ka hooseyso 17-jirada ayaa galabta garoonka Guled ee dalka Djibouti waxaa ay ku wada ciyaareen xulka dalka Kenya ciyaar ka tirsan isreeb reebka koobka CAF U17.
Ciyaartan oo waxaa ay ahayd mid labada xul ay ku soo bandhigeen ciyaar wanaag iyadoo midba midka kale uu doonayay in ay kaga horumaraan goolka weerar iiyo weerar celis ayaa waxaa u suragashay xulka Somalia in ay qeybta hore ee ciyaarta ka faa`ideystaan fursad kubad si qurux badan ay isugu dhiibeen daqiiqadii 16` ciyaaryahanada Siidii iyo Maxamed Yare waxaana loo hadiyeeyay weeraryahanka Jabriil Xasan Maxamed oo gool qurux badan dhigay shabaqa xulka Kenya , xulka Somalia ayaa sii dardargeliyay weeraro uu ku qaaday goolka Kenya balse uma suragelin inay gool dhaliyaan inkastoo fursado qaali ah ay iska lumiyeen xulka Somalia qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay Somalia ku hogaaminayso.
Qeybtii labaad markii ay labada xul isku soo laabteen ayaa waxay xulka Somalia muujiyeen ciyaar wanaag ku dheehan kubad isku dhiib qurux badan daqiiqadii 56` xulka Somalia kubad dadab ah oo uu soo qaaday ciyaaryahan Daahir waxaa darbad xoogan shabaqa xulka Kenya la helay mar kale weeraryahan Jabriil Xasan Fariid. Intaas ka dib xulka ayaa wuxuu si wacan ula wareegay hogaanka ciyaarta waxaa si weyn sacab ugu dhacay oo taageerayaasha xulka Somalia ku qeylinayeen heesta calanka iyagoo farxad iyo dhiirigelin ugu dhigayay xulkooda waxaa taasi xulka ka qaadeen inay sii labalaabaan dadaalkooda ku aadan guusha ciyaartan waxayna mar kale ku dharbaaxeen xulka Kenya goolkii saddexaad goolkaas oo ahaa mid Corner ah waxaa madaxa ku raaciyay ciyaaryahan Maxamed Xasan Cali [Shiine] oo ka dhigay 3-0 ciyaarta.

Gabagabdii ciyaarta ayaa gool caato ah oo laad xor ah (Free Kick) waxay u suragashay da`yarta xulka Kenya waxaana ciyaarta ku soo idlaatay 3-1 oo si weyn loogu saxariiriyay xulka Kenya .
Ciyaartan ayaa waxay qeyb ka tahay isreebreebka koobka CAF U17 oo lagu qaban doono dalka Rwanda sanadka 2011, waxaana lugta labaad lagu wadaa in labadan xul Somalia iyo Kenya ku ciyaaraan 24-ka bishan magaalada Nairobi maadaama ciyaartu tahay [Home-Away] xulka Somalia ayaa iminka waxaa Hoygooda [Home] u ah dalka Djibouti maadaama dalka Somalia aysan ka jiran nabadgelyo la isku halayn karo.

Guusha baaxadda leh ee ay xulka Somalia ka gaareen ciyaartan ayaa ah mid si weyn u farxadgelinaysa bahda isboortiga iyadoo la ogyahay in xulka kubadda cagta Somalia ku tababar qaadanayeen in muddo ah meel aan ku habooneyn tababarka [Bacaadka-Scualo Polizia] islamarkaas ay u dhabar adeegeen sidii ay asaagooda caalamka wax ula qeybsan lahaayeen taasoo maanta dhaxalsiisay in ay guul soo hoyaan.