Xaflad lagu xusayay sanadguuradii 49-aad ee kazoo wareegtay markii Dalka Somalia uu xornimada ka qaatay gumaysigii Talyaaniga iyo Israacii Labadii Gobol ee loo yaqiinay British Somaliland iyo Italian Somaliland ayaa Habeenkii xalay ahaa lagu qabtay Magaaladda London.
Xafladaasi oo si wanaagsan loo agaasimay waxaa kasoo qaybgalay 100 Laal Soomaali ah iyo Masuuliyiin Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Nuur Xasan Xuseen Nuur cadde, Halgamaa Cabdiqaadir Cali Boolaay iyo Oday Xirsi.
Waxaa soo diyaariyey Ibrahim Baafo
Sidoo kale waxaa Xafladaasi kazoo qaybgalay fanaaniin, wariyayaal oo dhamaantood halkaasi u yimid in ay muujiyaan Muhimadda gaarka ah ee maalinkaasi ay leedahay , dhanka kale waxaa goobta soo buux dhaafiyay Oadayaal, Haween, dhalinyaro iyo caruur intaba, kuwaasi oo ay ka muuqatay farxad iyo dareen Soomaaliyeed.
Nuur Cadde ayaa halkaasi mar uu ka hadlay waxaa uu ka hadlay sida ay muhiim u tahay in dhalinyarda Soomaaliyeedi ay ugu istaagaan sidii dalka Somalia loogu soo dabaali lahaa nabad iyo dib u heshiisiin isagoo tusaale usoo qaadanayay Ururkii SYL kadibna ku dhiiri galiyay dadka soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay sharaftoodii usoo ceshan lahaayeen.
Waxaa soo diyaariyei: Ibrahim Baafo
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Cabdiqaadir Boolaay iyo Oday Xirsi oo ka sheekeeyay Halgankii ay Ururka SYL usoo galeen helitaankii xoryadii Soomaaliya. Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa iyana kamid ahaa Xasan Xundubey iyo Yaasiin Bulsho.
Goobtaasi ayaa lagusoo bandhigay ciyaaro hido iyo dhaqan ah oo dadkii daawanayay ay aad usoo dhaweeyeen kuna tilmaameen in ay ahayd mid aad ay ugu riyaaqeen. Waxaa halkaasi laga qaaday Heeso wadani ah iyo kuwo ka hadlaya calanka.
Hiiraan Online
Ridwaan Haji Abdiwali, London.