Waxa dadka Soomaalida ah ee wax-akhriska iyo suugaanta xiiseeya lagu wargelinayaa in maalinta Axadda ee 15th February 2009 laga bilaabo 14:30:00 – 8:30 ay Rugta caanka ah ee Kensington Town Hall ee Badhtamaha caasimadda London marti inoogu tahay Drs Faadumo Axmed Caalin (Cureejo) oo booqasho inooga imanaysa waddanka Canada, soona bandhigi doonta buuggeeda cusub ee Saa Waxay Tiri “And Then She Said” oo ay ka qortay Taariikhdii iyo Suugaantii hooyadeed Xaawo Jibriil. Waa buug qiime leh oo laba af isku turmaya (Somali-English)

Waxa kale oo xafladdaas lagu soo dhowaynayo Drs Cureejo iyo buuggeeda lagu daah-furi doonaa buugaag kale oo cusub oo laga qoray Soomaalida iyo waayaheeda. Buugaagtaas cusub ee maalintaas la daah-furi doono waxa foolaad u ah:
- Hal Aan Tebayey “The One I Yearned For Most” oo laga qoray Baal-taariikheedkii iyo Gabayadii abwaankii weynaa ee waddaniga ahaa Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc): Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
- Barashada Afsoomaaliga: Qalinkii Cabdiraxmaan Abtidoon
- Sida Soomaalida Geela U Dhaqdo. Qalinkii: Maxamuud X. Ibraahim
- Roge: Sheeko mala-awaal ah oo casri ah. Qalinkii Cabdillaahi Cawed Cige
Buugaagtaas cusub ee la gardaadinayo, waxa soo raacaya buugaag kale oo hore loo qoray oo kala duwan oo madasha la soo wadhi doono.
Xafladdan Gardaadinta iyo Bandhigga Buugaagta raaci doona bandhig suugaaneed ay ka soo qayb geli doonaan hal-abuuriyo maansooleyaal kala duwan oo habeennadaas iyana suugaantooda ina durduursiin doona waraab ahaan, galabtaasna hibooyinkooda maanka iyo maskaxdaba ku carin doona godol ahaan. Waxa ka mid ah Hal-abuurka galabtaas goobjoogga ah:
Faysal Aw Cabdi Cambalaash
Cabdillaahi Bootaan Kurweyne
Cabdiraxmaan Ibraahim (Abees)
CINWAANKA
Waa Hoolkii hore lagu qaban jiray xafladaha 26th Juun iyo 1-da Luulyo
Nearest Tube:
Lines: Piccadilly, District and Circle Lines
Buses: 328, 49, 28, 10, 9, 52, 70,
Xidhiidhka
Axmed Shell 0796 104 2631
Dahabo Dawlo 0207 370 4168
M. Baashe 078 522 39595