advertisements

Warbixinta xaaladda # 5 – 8 February, 2008

fiogf49gjkf0d

Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) – SOMALIA

Warbixinta xaaladda # 5 – 8 February, 2008

Read in Englis Ku aqriso Af-Soomaali

Is-beddellada waaweyn

Labo qarax oo talaaladii 5tii February ka dhacay goob ku dhaw dekedda Boosaaso, halkaas oo inta badan ay deggan yihiin qaxootiga Ethopia . Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa 24 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 90 qof oo kale,sida laga xaqiijiyey cisbitaallada Bosaaso ilaa  30 ka mid ah dadka dhaawaca ah ay  xaaladdoodu halis tahay.  Inta badan dhibbanayaashu waxay  u dhasheen dalka Ethiopia.  Sababo nabadgelyo darro awgeed, waxaa maamulku uu burburiyey qaybihii ka hadhay deeggaankaas, taas oo qoxootiga u horseeday inay guryo beelaan ama ay hoy la’an noqdaan.


Warbixin ay soo saareen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga(UNHCR) iyo hay’adda  caalamiga ah ee dib-u-dejinta qaxootiga(IOM) ayaa sida uu shaaca ka qaaday wakiilka UNHCR Soomaaliya Guillermo Bettocchi inay tahay arrin laga argagaxo oo murugo leh weerarka qaawan ee loo gaystay dadka rayidka ah ee Ethiopian-ka ah.  Isagoo yiri: “dadkani waxay halkan u yimaadeen iyagoo ka soo cararayey  oo qudha dhibaatooyin calculus, waxay ahayeen kuwa  tabaalaysan. Waxaan garan la’ ahayn sababta dhibaatooyin kale loogu kordhinayo.waxaanan ku boorinayaa maamulku inay baaritaannno ku sameeyaan, islamarkaana qarsoorka la hor geeyo dambiilayaashii falkaas ka dambeeyey.

 

Durbadiiba, markii dhibkaasi dhacay, waxay hay’adaha gargaarka bini’aadminimadu  u fidiyeeyn qoysaskii dhibbaatadu la soo gudboonatay daawooyin,qalabka gargaarka caafimaadka deg-degta ah,bustayaal iyo darmo/googol, iyadoo bulshooyinka martida loo yahayna ay gargaar cunto iyo dhar ay ugu deqeen. 

Jawaab-celinta la xidhiidhta  tirada dadka  Soomaalida  ee isku dayeya inay  ka cararaan dagaallada una sii gudbaya waddamada Khaliijka, ayaa sii kordhaysa maalinba maalinta ka dambaysa,hay’adda Cuntada adduunka (WFP) ayaa sheegtay in ballaarisay hawlgalladeeda dhinaca Yemen.  Waxaana  WFP caalamka ka codsatay adduun gaadhaya  US$ 4.4million  si ay wax uga qaabato baahida dadka qaxootiga ah 43,500   qof oo u baahnaa wadar ahaan  ilaa 5,metric tonnes  oo cunto ah sannadkii 2007, hawlgalladeeda muddada seddex sano ah,kuwaas oo 30,000 qof qiyaas ku dhaw ay ilaa dhawrka bilood ee ugu horreeyey 2008 ay ka goosheen Boosaaso iyagoo u sii gudbay dhinaca Yemen, waxaana lagu qiyaasaa in ka badan  3,000 oo qof inay  bil walba ka gudbaan badaha.  
Tirada ugu badan ee dadka qaxootiga ahna waa  dad Soomaaliyeed, sida ay warbixintu tilmaayso.

 

Dhanka kale, habeennimadii 7dii February, waxaa dab lixaad leh uu qabsaday  mid ka mid ah goobaga ugu ballaaran ee ay deggen yihiin dadka bara-kacay(IDPs) ee Boosaaso, kaas oo ay ku bas-beeleen xaafadihii isku-raranta ahaa ee  ay dadkaasi degenaayeen. Waxaana lagu qiyaasay 800-900 oo dadka bara-kacay in dabku uu saameeyey. Ilaa imminka lama oga sababta dhalisay dadbkaas.

 

Markab ganacsi ayaa isna lagu af-duubay meel ku dhaw xeebaha Soomaaliya ee  Puntland  Jimcii, February ay 1-da ahayd isagoo ku sii jeeday Koofurta meel ku dhawr dekedda Mogadishu. Markabka oo asalkiisu  ka soo jeedo min St. Petersburg wuxuu ku sii jeeday ilaa  Singapore.  Waana midkii labaad ee lagu af-duubo xeebaha Soomaaliya muddo labo toddobaad gudahood ah ilaa bilowgii sannadka.   Sidaas awgeed,  maraakiibta cuntada u sidda hay’adda WFP, waxaa ilaalinayey Ciidamo. Ciidanka Badda ee Fransiiska ayaa ilaalinayey maraakiibtaas ilaa Noverber 2007, waxayna hawlgalkaas ku wareejiyeen ciidamada badda ee dalka Denmark ilaa 1-dii February.

 

Koofurta/Bartamahal
Barnaamijka quudinta iyo nafaqaynta ayaa markii ugu horraysay  dhibaato kala soo gudboonaatay rabshadaha Mogadishu ka dhacay  kaddib markii  mid ka mid ah shaqaalaha  goobta Jikada cutada lagu kariyo ee Dharkaynley ay ku toogteen  dabley aan la garanayn  6-dii February. Baaritaanno ay samaysay hay’adda SAACID ee aan dawliga ahayn oo iyadu hawlahaas wadda ayaa  falkaasi ku  tilmantay   weearar si shakhsi loogu khaarajinayey  marxuumka balse aan  ku wejahnayn Barnaamijka, sidaas darteenda ay  hawlgallada toddobaadkiiba lagu quudiyo ilaa 50,000 qof ay awoodaan inay hawlgaladaas sii wadi doonan.  

Dhanka kale,  nabadgelyo darro fara badan ayaa ka dhacay magaalada.  Ilaa  12 qof oo rayid ah ayaa lagu

dilay Axaddii 3-dii February degmada Waaberi  kaddib markii Gaari Bas ah oo ay la socdeen  uu ku qarxay Miinada dhulka.  Seddeed ka mid ahaa dadkii Gaariga la socday oo haween u badnaa, kana mid ahaa ganacsatada Qaadka oo ku sii jeeday Garoonka ayaa isla goobtaas ku geeriyooday.  Afar qof oo kale ayaa iyaguna Cusbitaalka ku dhintay. Darasiin ruux oo kale oo waddada hareereheeda marayey ayaa ku dhaawacmay qaraxaas. Goobta uu  qaraxasi ka dhacay ayaa deggenayd toddobaadkii hore kaddib markii ay ka bexeen Ciidamada Ethiopia.


Sida ay xaqiijisay warbixinta hay’adda Qaramada  Midoobay ee Qaxootiga(UNHCR), tirada dadka ku bara-kacay iska-hor-imaadyada toddobaadkii tegay ka soconayey  Mogadishu ayaa gaaraya ilaa 3,000 qof, taas oo wadarta guud ka dhigaysa dadka sannadkan bara-kacay ilaa  36,000 qof.

Faahfaahin dheeraad ah kala soo xidhiidh :

Rita Maingi on +254 734 800 120 – [email protected]

Muna Mohamed on + 254 733 643 737 - [email protected]