Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) – SOMALIA
Is-beddellada waaweyn
Labo qarax oo talaaladii 5tii February ka dhacay goob ku dhaw dekedda Boosaaso, halkaas oo inta badan ay deggan yihiin qaxootiga Ethopia . Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa 24 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 90 qof oo kale,sida laga xaqiijiyey cisbitaallada Bosaaso ilaa 30 ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladdoodu halis tahay. Inta badan dhibbanayaashu waxay u dhasheen dalka
Warbixin ay soo saareen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga(UNHCR) iyo hay’adda caalamiga ah ee dib-u-dejinta qaxootiga(IOM) ayaa sida uu shaaca ka qaaday wakiilka UNHCR Soomaaliya Guillermo Bettocchi inay tahay arrin laga argagaxo oo murugo leh weerarka qaawan ee loo gaystay dadka rayidka ah ee Ethiopian-ka ah. Isagoo yiri: “dadkani waxay halkan u yimaadeen iyagoo ka soo cararayey oo qudha dhibaatooyin calculus, waxay ahayeen kuwa tabaalaysan. Waxaan garan la’ ahayn sababta dhibaatooyin kale loogu kordhinayo.waxaanan ku boorinayaa maamulku inay baaritaannno ku sameeyaan, islamarkaana qarsoorka la hor geeyo dambiilayaashii falkaas ka dambeeyey.
Durbadiiba, markii dhibkaasi dhacay, waxay hay’adaha gargaarka bini’aadminimadu u fidiyeeyn qoysaskii dhibbaatadu la soo gudboonatay daawooyin,qalabka gargaarka caafimaadka deg-degta ah,bustayaal iyo darmo/googol, iyadoo bulshooyinka martida loo yahayna ay gargaar cunto iyo dhar ay ugu deqeen.
Jawaab-celinta la xidhiidhta tirada dadka Soomaalida ee isku dayeya inay ka cararaan dagaallada una sii gudbaya waddamada Khaliijka, ayaa sii kordhaysa maalinba maalinta ka dambaysa,hay’adda Cuntada adduunka (WFP) ayaa sheegtay in ballaarisay hawlgalladeeda dhinaca
Dhanka kale, habeennimadii 7dii February, waxaa dab lixaad leh uu qabsaday mid ka mid ah goobaga ugu ballaaran ee ay deggen yihiin dadka bara-kacay(IDPs) ee Boosaaso, kaas oo ay ku bas-beeleen xaafadihii isku-raranta ahaa ee ay dadkaasi degenaayeen. Waxaana lagu qiyaasay 800-900 oo dadka bara-kacay in dabku uu saameeyey. Ilaa imminka lama oga sababta dhalisay dadbkaas.
Markab ganacsi ayaa isna lagu af-duubay meel ku dhaw xeebaha Soomaaliya ee Puntland Jimcii, February ay 1-da ahayd isagoo ku sii jeeday Koofurta meel ku dhawr dekedda Mogadishu. Markabka oo asalkiisu ka soo jeedo min St. Petersburg wuxuu ku sii jeeday ilaa Singapore. Waana midkii labaad ee lagu af-duubo xeebaha Soomaaliya muddo labo toddobaad gudahood ah ilaa bilowgii sannadka. Sidaas awgeed, maraakiibta cuntada u sidda hay’adda WFP, waxaa ilaalinayey Ciidamo. Ciidanka Badda ee Fransiiska ayaa ilaalinayey maraakiibtaas ilaa Noverber 2007, waxayna hawlgalkaas ku wareejiyeen ciidamada badda ee dalka Denmark ilaa 1-dii February.
Barnaamijka quudinta iyo nafaqaynta ayaa markii ugu horraysay dhibaato kala soo gudboonaatay rabshadaha Mogadishu ka dhacay kaddib markii mid ka mid ah shaqaalaha goobta Jikada cutada lagu kariyo ee Dharkaynley ay ku toogteen dabley aan la garanayn 6-dii February. Baaritaanno ay samaysay hay’adda SAACID ee aan dawliga ahayn oo iyadu hawlahaas wadda ayaa falkaasi ku tilmantay weearar si shakhsi loogu khaarajinayey marxuumka balse aan ku wejahnayn Barnaamijka, sidaas darteenda ay hawlgallada toddobaadkiiba lagu quudiyo ilaa 50,000 qof ay awoodaan inay hawlgaladaas sii wadi doonan.
Dhanka kale, nabadgelyo darro fara badan ayaa ka dhacay magaalada. Ilaa 12 qof oo rayid ah ayaa lagu
dilay Axaddii 3-dii February degmada Waaberi kaddib markii Gaari Bas ah oo ay la socdeen uu ku qarxay Miinada dhulka. Seddeed ka mid ahaa dadkii Gaariga la socday oo haween u badnaa, kana mid ahaa ganacsatada Qaadka oo ku sii jeeday Garoonka ayaa isla goobtaas ku geeriyooday. Afar qof oo kale ayaa iyaguna Cusbitaalka ku dhintay. Darasiin ruux oo kale oo waddada hareereheeda marayey ayaa ku dhaawacmay qaraxaas. Goobta uu qaraxasi ka dhacay ayaa deggenayd toddobaadkii hore kaddib markii ay ka bexeen Ciidamada Ethiopia.
Sida ay xaqiijisay warbixinta hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga(UNHCR), tirada dadka ku bara-kacay iska-hor-imaadyada toddobaadkii tegay ka soconayey Mogadishu ayaa gaaraya ilaa 3,000 qof, taas oo wadarta guud ka dhigaysa dadka sannadkan bara-kacay ilaa 36,000 qof.
Faahfaahin dheeraad ah kala soo xidhiidh :
Rita Maingi on +254 734 800 120 – [email protected]
Muna Mohamed on + 254 733 643 737 - [email protected]


