Qore: Idriis Axmed Cusmaan
Caruureey barnaamijkan waxaan ugu talo galnay inaad kaga faaideysataan barashada in Allah keliya la caabudo, jaceylka Allah iyo rasuulkiisa salallahi caleyhi wasallam; ducooyinka, salaada, soonka, waalidka oo la adeeco, edebta, nabada, iyo naxriista,. Waxaad kaloo ka baran doontaan in waajib yahay in laga dhowrsado waxyaabaha xun xun, sida beenta, khiyaanda, gardarada, rabshada, dagaalka, iwm.
Caruureey waxaad tihiin aayatiinka iyo faca berrito diinta iyo dalka difaaci doono. Waxaa la idinkaga baahan yahay inaad ku barbaartaan jawi caafimaad leh, qalbi nadiif ah, diinta oo lagu dhaqmo, salaadaha oo mar walba la tukado, Quraanka oo la aqriyo, waalidka iyo walaalaha oo loo naxriisto, iyo inaad ixtiraamtaan dadka waaweyn.
Caruureey dhegeysta xadiiskan qaar ka mid ah idinka ayuu idin quseeyaa, Rasuulka salaallhu calyhi wasallam aan jecelnahay wuxuu yiri: Ma inaga mid aha ( Ummada Muslimiinta ) midka aan u naxriisan midkeena da’da yar oo aan ixtiraamin midkeena weyn. Idinka waxaa idinku waajib ah inaad dadka idinka weyn ixtiraamtaan. Dadka waaweynna ay idin naxriistaan oo ay ka fekeraan mustaqbalkiina iyo inay idin diyaariyaan wadan nabad ah, horumar leh, aqoon iyo barwaaqo aad ku heli kartaan.
Bisha Ramadaanka waa inaad Quraanka aqrinitiisa sii badisaan, aad dadka iyo dalka ugu duceysaan nabad waarta, oo aad mar walba ku fekertaan sidii wadanka nabad iyo barwaaqo u noqon lahaa. Waa inaad fikirkiina iyo aqoontiina ku barbaarisaan in nabada fiican tahay, dagaalkuna xun yahay. Waa inaad ku dadaashaan aqoonta, aqoontu waa iftiin. Waqtigiina waa inaad jadwal u sameysataan oo aadan ku lumin sheeko iyo wax aan faadio laheyn haba yaraatee. Ciyaaraha fudfudud waxay u fiican tahay jirka, sida kubadda cagta, dabaasha, orodka, bootinta, waxaa la yiraahdaa caqliga fiican wuxuu ku jiraa jirka caafimaadka qaba. Ciyaaraha fudfudud waqti gaar ah u sameysta waa mid loo baahan yahay, laakin yaan marna lagu ciyaarin tuurida waxyaabaha qarxa, sida qoryaha, minooyinka, xabadaha, intaas waxaan ugu digayaa caruurta Soomaaliya ku nool maanta. Diinteena ma oggola in shimbiraha, iyo dugaagta loo dilo iyadoon lagu nifcineyn, waa xaraam. Dbirta in la gooyo si micno darro ah waa xaraam. Waa inaad dareentaan mas’uuliyada idinka saaran diintiina, dadkiina iyo dalkiina.
Waxaan maalmahan barakeysan idin sheegayaa sheekooyin aad u macaan oo ku saabsan guusha iyo horumarka lagu gaarayo in la adeeco Rabbi, la jeclaado rasuulka salallahu caleyhi wasallam, in dagaalka xun yahay, nabaduna fiican tahay, in loo naxriisto oo la adeeco waalidka, la ixtiraamo dadka waaweyn, loo naxriisto dadka oo dhan, sidoo kale xoolaha iyo dhirta, Laakin marka hore ducooyinkan aan idin soo diyaarey barta.
Marxab Marxab Yaa Ramadaan
Marxabakallah Yaa Ramadaan
Marxab Marxab yaa Ramadaan
Marxabakallah Yaa Ramadaan
Marxab Marxab yaa Ramadaan
Marxabakallah Yaa Ramadaan
La socda qeybta labaad