
Jimco, August 24, 2007
Lund, Sweden (HOL) - Waxaa maanta ka furmay magaalada Lund ee dalka Sweden shir-sanadeedkii Geeska Afrika, oo ah aqoon-isweydaarsi looga hadlo arrimaha Geeska Afrika gaar ahaan arrimaha siyaasadda, nabadda iyo horumarka.
Waxaa ka soo qeybgalay shirkaasi aqoonyahanno, siyaasiyiin, macalimiin jaamacadeed, cilmibaarayaal iyo ka qeybgalayaal kale oo u dhashay wadamada Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika iyo iyo siyaasiyiin ka socota Yurub iyo Sweden. Waxaa kaloo shirka ka soo qeyb galay safiiro dalalka Geeska Afrika u fadhiya dalka Sweden. Waxaa shirka ka soo qeyb galay siyaasiyiin Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Dr Zakariye Maxamuud Cabdi iyo aqoonyahanno ay ka mid yihiin Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, Prof Maxamed Cabdi Gaandi iyo Prof Maxamed Muqtaar. Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay ururo badan oo caalami ah. Waxaa shirka, oo socon doona saddex maalin, la isku dhaafsaday afkaar iyo doodo ku wajahan siyaasadaha Geeska Afrika.
Shirka oo ah shirkii 6-aad oo laooga hadlo arrimaha Geeska Afrika waxaa soo qaban-qaabiyey ururka Somali International Rehabilitation Center (SIRC) ee magaalada Lund, dalka Sweden. Waxaa shirka furay duqa-magaalada Lund Ms Annika Anneby Jansson. Waxaa markaas ka dib ka hadlay danjiraha qaaska ah ee dalka Sweden u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Marika Fahlen. Danjiruhu waxay ka hadashay siyaasadda dalka Sweden ee Geeska Afrika.
Waxaa sidoo kale ka hadlay Proffesor Janis Grabbelaar oo cilmiga bulshada ka dhigta Jaamacadda Pretoria, South Africa, gabadhaas oo si qoto dheer oo aad loogu riyaaqay uga hadashay sida caddaalad loogu dhameyn karo arrimaha colaadda ee Soomaaliya. Iyadoo tusaale u soo qaadatay taariikhdii dib-u-heshiisiineed ee dalka South Africa. Prof Janis waxa ay xustay in South Afrika lagu sameeyey guddigii runta iyo dib-u-heshiisiineed si leysku soo hor fariisiyo dadkii la dulmiyey iyo kuwii wax dulmin jiray ee dowladdii midab takoorka ee South Africa. Guddigaas oo hadda shaqeynaaya muddo 10 sano ah wuxuu suuro geliyey in dembiilayaashii ay qirtaan falal dembiyoolkoodii “war ninyahow walaalkaa adaa dilee i cafi dheh”, isla markaasna ay cafis ka dalbadeen dadkii ehelka la ahaa kuwii la dhibaateeyey.
Taas waxay keentay in kuwii dembigalaga galay ay cafiyaan dembiilayaashii maaddaama ay qirteen dembiyadooda. Markaas ayey muujisay in Soomaaliya nabad waarta looga heli karo in laga hadlo caddaalad iyo in la qirto qaladaadkii hore, si kuwii qaladaadkaas laga galay u faciyaan kuwii galay.
Prof Janis waxay xustay in ay Nairobi kula kulantay dad Soomaaliya oo kala qabiil ah oo isku raacay in ay magaalada Muqdisho ka jirto nabad buuxda. Waxa nabadaas Muqdisho ku farxay dad badan, ayey tiri. Nabaddaas ma keenin hal qabiil, dad taageeysan hal qabiilna ma aheyn. Waxay kaloo Prof Janis la yaabtay markii dadkii ka shaqeynaayey nabadda ee ay hoggaaminaayeen Ururka Midowga Maxkamadaha ay fureen dekaddii iyo garroonkii diyaaraha ee magaalada Muqdisho. Waxaan is weydiiyey ayey tiri suaasha ah “maxaa mideeyey dadkii kala qabiilka ahaa, ee iska soo horjeeday?” Waxaa gartay in diintoodii islaamka aheyd ay mideysay. Waxay ku soo gabagabeysay in haddiila rabo in la mideeyo dadka Soomaaliyeed in la tixgeliyo diintooda.
Waxaa kaloo shirka looga hadlay arrimaha iyo dhibaatada ka jirta gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan, waxaana ka hadlay Dr Ahmed Ibraahim Diraige, oo ahaan jiray Guddoomiyihii gobolka Daarfuur, haddana ah Guddoomiyaha xisbiga Sudan Federal Democratic Allaince, iyo Dr Abdullahi Osman El-Tom oo macallin ka ah Jaamacadda National University of Ireland. Waxaa kaloo arrimaha Daarfuur ka hadlay safiirka dowladda Suudaan u fadhiya dalka
Waxaa caawa martidii ka soo qeyb shirka casho sharaf u sameeyey duqa magaalada
Waxaa soo diyaariyey warbixintaan.
Liibaan Daahir Nuur & C/laahi Cilmi M.
Hiiraan Online , Lund Sweden