BISMALAHI RAXMAANI RAXIIM
Ugu horeeyntii ii ogolaada inaad iga gudoontaan mudanayaal iyo marwooyin, walaalayaal iyo saaxiibayaal salaan kal iyo lab ah oon duugoobin. Salaantaas, mid lamid ah waxaan u soo gudbinayaa jaaliyada soomaaliyeed ee
Salaan kale oo aad iyo aad u qota dheer waxaan halkaan uga jeedinaynaa dadka soomaaliyeed dib iyo gudaha dalkaba si khaas ah kuwa gudaha dalka ku sugan ee cadawgooda taariikhiga ah ee itoobiya uu ku xasuuqayo asagoon u aabe yeelin waayel iyo dhalaanba.waxaan isla markaasna isaga tacsiyeeyneeynaa dhamaanteen gaar ahaan eheladii eey ka geeriyoodeen daddkaas aan waxba galbsan illaaheeyna ooga baryeeynaa inuu naxariistiisa siiyo kuwaa dhawaaca ah oon dhayid helina uu ilaaheey dag dag ooga kaciyo kuwa dalkooda iyo dadkooda ka daafacahaya cadawga ku soo duulay inay ku guuleeystaan xaqooda.
Hadaba intaas ka dib aan u soo daadago ujeedada mawducakan maantay aan idinkala qayb galayo shirkaan kaaso ay noo wada muuqato khatar balaaran ee mudo badan soo socotay waxaana khatartaas daliil u ah arimaha soo socda.Sida la ogyahay itoobiya iyo soomaaliya taariikh dheer oo cadaawo ayaa ka aloosneyd mudo dheer hase ahaatee furasada nooma ogola inaan taariikhdaas faa faahino sidaas darteed waxaan ka soo qabanaynaa intii burburku soomaaliya ku biloowday.
Sid aad la socotaan itoobiya waxa ay ku shaqeysay intii bur burka uu soomaaliya ku biloowday in soomaaliya doowlad ka dhismin daliisheeduna waa sida soo socota ugu horayn wixii shirar soomaliyeed la abaabulayay laguna heshiisiinayay,kuwaas oo itoobiya lagu qabtay, iyadoo ula jeeday in ay xog iyo xoolaba in ay ku hesho isla markaana ay ku garab siiyeen dawlado kale oo maraykanku ugu horeeyo,shirarkaas oon waxba dhalin isla markaasna ay ujeedadoodu ahayd in aysan waxba dhalin bal lagu abuuray tafaraaruq iyo fitno lagu kala qaybinaayo shacbaka soomaaliyeed taasoo lagu saleeyay qabiil oo lagu magacaabo hawiye,daarood, digil iyomirifle iyo kuwo kale oo aan inta ku koobi Karin.
Waxaa la yaab leh hadana in aysan itoobiya ku ekaan intaas bal shirarkii lagu qabtay jabuuti,Kenya iyo Masar, ay dabagashay si uuna heshiis uga dhacin khaas ahaan labadii dawlad ee lagu dhisay Jabuuti ay burburkoodii ay ka dambaysay iyadu, gabagabadii shirarkaas oo soomaalya lagu heshiisiinayo dawladna lagu dhisayo waxaa lagu qabtay Kenya,shirkaas oo labo sano socday aduunkana calaamu shireed oo gaar ah uu ka yahay waxaa lagu dhisay dawlad ku meel gaar ah,taasoo ay ku hawl jirto burburkiisii iyo jiritaan la’antiisii, waxaana u daliil ah burbuka ay maantay caasimada ka hayso iyo xasuuqa ay shacbiga ku hayso iyo aqoonsi la’anta inay dowlad jirtaba taasoo lagu garan karo xiriirka tooska ah oo shacbiga la yeelanayso iskuna dayaysa inay go’aamo u gaar ah la gaarto.kulanaadaas oo dawladi marnaba ka dhex muuqan.
Waxaa kale oo xusid mudan in burburku intuu soomaaliya ku biloowday 1990 dabayaaqadiisa ay itoobiya biloowday hub ay u qaybinayso qabaa’iil kala duwan ee shacabka soomaaliyeed,xataa intii ay qaramada midoobay ay cuna qabatayn ku soo rogtay soomaaliya taas oo ujeedadeedu tahay dagaal joogta ah iyo dowlad la’an.
Waxaa kaloo xusid mudan in qaramada midoobay ay soo saareen go’aan qodobkiisu yahay 1725 kaas oo aan u ogoleeyn ciidamad ka qabgalahaya soomaaliya kuwa dowladaha dariska ah oo itoobiya ay ka mid tahay,isla markaas waxaa aarintaas waafaaqay baarlamaanka soomaaliya sidaas lafteeda.
Hase ahaatee itoobiya intaas oo dhan way ka soo talaabsatay iyadoo istaraatijiyada ay leedahay ee foosha xun xigsaneeysa garabna u heshay in dowlado kale ku garab siiyeen ujeedadeedaas,weerarka waalan ee xaqdarada ah ay ku soo qaaday soomaaliya oo dowlad xor ah xubina ka ah qaramada midoobay,midoowga Africa,jamacada carabta iyo wadamada islaamka ah,dhacdadatan waa ugub taasoo u socota in ay curad noqoto hadii aan laga hor tagin hadeer, waa’ayo sidaan ognahay dalal badan ee Africa iyo eeshiya oo arimo uu gumaysigu uga tagay ay dhex yaaliin yaa mustaqbalka dambe dawladba dawladay ka tabar roon tahay inay sidaan oo kale u qabsato ayaa imaan doontaa.Sidaa awgeed waxaan caalmaka u soo jeedinaynaa in arintaan si dag dag ah looga hor tago.
GUNAANAD
Waxaan u soo jeedinaynaa dowlada itoobiya iyo shacbka itoobiyaba colaada dheeraatay ee foosha xun in lagu badalo is afgarasho iyo wax wada qabsi danaha labada shacbi dhex mari kara ee bulsho iyo dhaqaalaba leh taasoo furo u noqonaysa inay labada shacbi isu dhawayso dhiig baxa iyo dagaalka socdana ay joojiso. fursadaas dahabka ah oo baahi wayn loo qabo waxaay uu muqataa mid gacanta Zanaawi ku lumaysa hadaan laga hor tagin. Sidaas awgeed
-waxaan soo jeedinaynaa in si dag dag ah oo shardi la’aan ah itoobiya ay ciidamadeeda uga saarto dalka soomaaliya isla markaasna itoobiya ay bixisoo cududaar iyo magdhaw naf iyo maalba leh khasaarihii ay gaysatay
-In si dag dag ah loo keeno ciidamo isku dhaf ah ee
-In shir musaalixo ee soomaaliyeed dag dag lagu qabto dalka gudihiisa fara galin dibada ahna laga dhawro taasoo waayo aragnimo laga dhaxlay shirarkii hore dhibaatada fara galintu u leedahay is afgaradaka
-markaan fiiro u yeelano xiriirka soomaaliya iyo marykanka waxaa mudadaan danbe badatay inay itoobiya uga faa’iidaysato si ay maraykanka uga hesho dhaqaale danaha ay soomaaliya ka leedahayna u gaarto in ay hal ku dhag ka dhigatay in ay Al-Qacida ku jirto taasoo kormeero maryakanku sameeyay una cadaatay in aysan jirin arintaasu,
-Hadaba waxaan marykanka u soo jeedineeynaa in uusan shacbiga soomaaliyeed colaad u hayn shacbka maraykanka awooda dhaqaaleed iyo farsamo uu leeyahayna shacbiga soomaaliyeed uu u bahan yahay qaas ahaan durufta uu manta marahayo isla markaas wuxuusan shaki ku jirin in soomaaliya ay ku taalo buqcad istraatiji ah oo labada dhinac isku kaashan karaan si toos ah. Waxaa kaloo nasiib ah in jaaliyeed soomaaliyeed oo amerikaan ah oo aqoon yahano heer sare ahna ay ka abuurmeen kuwaas oo xirirkaas u noqon kara xudun fududaysa wax wada qabsiga iyo horumarinta danaha labada dhinac
Waxaan u mahadnaqayaa saaxiibada aan shirkaan muhimka ah kawada qayb galayno sida James Swan,David Sheen,Dr.Warsame,warbixintii Ambasador Fall iyo Dad weeynaha.
Waad mahadsantihin
Cabdulqaadir Xaaji Masale