advertisements

Shirweyne caalami ah oo ka dhacay Magaalada Columbus Ohio

21 Abriil 2007,  Shirweyne caalami ah oo aad loo soo agaasimay ayaa ka dhacay magaalada Columbus Ohio. Shirkan oo ay wadeen Somali Development Foundation iyo Somali Political Affairs Committee waxaa xooga lagu saaray sidii tilmaan rasmi ah looga bixin lahaa mustaqbalka siyaasada iyo kan horumarka ee ummada Soomaaliyeed.

 

Dr. David Shinn & James Swan

Shirkan oo si habsami ah u dhacay ayaa waxaa ka hadlay khuburo iyo hawl-wadeeno ay kamid ahaayeen:

           Dr. David Shinn; Safiirkii hore ee wadanka Mareykanka u fadhiyay dalka Itoobiya.

           James Swan: ku xigeenka madaxa arrimaha afrika ee wasaarada arrimaha dibada Mareykanka.

           Cabdiqadir Xaaji Masale, oo ahaan jirey golihii sare kacaanka, islamarkaana ahaa xogahayihii guud ee xisbiga hanti wadaaga Soomaaliyeed.

           Prof. Warsame Cali: gudoomiya xiligaan ee SDF

           Imam Maxamuud Diini; gudoomiyaha SPAC

 

Furitaankii shirkan oo ahayd fursad ay yeelatay Jaaliya Soomaalida ee Columbus, ayaa waxaa si furan u soo dhaweeyay ka qeyb-gale yaasha iyo marti shafta shirkaba Xasan A. Cumar (Xasan Dheere) oo ah gudoomiyaha jaalida Soomaalida ee Columbus.

 

Soo dhawantii kadib, Shirkan oo muuhiimad gooni ah lahaa ayay dhamaan khubarada hadashay xooga ku saareen siday tilmaan cad uga bixin lahaayeen xalka iyo geedi socodka hanaanka dib-u soo celinta iyo nidaaminta wadanka Soomaaliya.

 

Danjire Swan oo ka socday dhanka dowlada Marekanka ayaa qeexay siyaasada mareykanka ee ku wajahan Soomaaliya asagoo ku soo koobay sadex qodob oo kala ah: sidii Soomaaliya loogu heli lahaa dowlad, inaysan Soomaaliya noqon goob argagixiso iyo wax ka qabashada arrimaha banii-aadanka iyo tabaalada ka jirta Soomaaliya.

 

Asagoo hadalkii sii watay  Swan wuxuu si cad u qeexay in dowlada Mareykanku doonayso sidii waxa looga qaban lahaa xaalada amaan ee Soomaaliya, taasoo uu raaciyay inay taageerayaan hawlaha sugida amaanka ee ay wadaan Midowga Africa  ayna ku bixinayaan miisaaniyad aad u badan.

 

Dhanka kale danjire Shinn ayaa xusay in baahida loo qabo awood qeybsi dhab ah oo ka dhaca wadanka Soomaaliya. Wuxuu yiri baahi looma qabo shir kumaan qof laysugu keeno oo waqti dheer socda xiligaan, waxaa loo baahan yahay in awooda laqeybsado oo ay DFKG ogolaato in awooda lala wadaago.

 

Cabdulqadir Xaaji Masale ayaa asagu ku tilmaamay Itoobiya midaan waligeed dan Soomaliyeed ka talin, hadana ay wax yeelo weyn u gaystay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. wuxuuna ku baaqay inay ka baxaan wadanka, kana bixiyaan mag-dhow khasaarahay gaysteen. Wuxuu Masale isla mar-ahaantaa dadweywnaha Soomaaliyeed ugu baaqay in loo baahan yahay dowlada tan iminka jirtana aysan ahayn in la dumiyo ee xooga la saaro sidii loo sixi lahaa. (Halkaan ka aqriso khudbadii C/qaadir Xaaji Masale)

 

Imaam Dini oo ka hadlay kaalinta Soomaalida qurbaha ayaa tilmaamay sida lixaadka leh ee aqoontii iyo xoogii ummada Soomaaliyeed uu dibada u joogo iyo baahida loo qabo in ay qeyb lixaad leh ka ciyaaraan kaalinta san ee xalka iyo horumarka wadanka. wuxuu dhankiisa ku baaqay inay muhiimad lee dahay in la mideeyo arragtida iyo wax qabadka Soomaalida dibadaha. 

 

Ugu danbayntii gudoomyaha SDF Prof. Warsame ayaa ku tilmaamay shirkan fursad qaali ah baahina loo qabay taasoo u dhacay is qurxoon. Fursadani waa midaan ka faa-iidaysanayno hadaan nahay ummada Soomaaliyeed meelkasta oon joognaba, ayuu yiri Prof. Warsame.

 

Shirkan ayaa waxaa uu ku dhamaaday hanaan aad u wanaagsan iyo is faham guud oo ku saabsan xaalada taagan ee Soomaliya ee ku aadan arrimaha dowligaa iyo kuwa aadanha.

 

Message of the SRSG Mr. Fall to the meeting of the Somali Development Foundation - Click here to read

Shirkii waxaa lagu soo afjaray dhanbaal qoraal ah oo uu soo direy masuulka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Francois L. Fall oo asagu ku sugan magaalada Nairobi. Fall ayaa ku baaqay in baahi loo qabo inay jaaliyada dibadu si toos ah ugu istaagaan arrimaha Soomaaliya iskana xilsaaraan dhulkoodii.

 

Warbixin dheeri ah oo ku saabasay shirkaan waxaan idiinku soo gudbin doonaan barnaamijteena danbe.

 

Waxaa warbixintaan magaalada Columbus nooga soo diray:
Ahmed Kooj

Columbus Ohio